80-SANNO KA DIB RADIO-HARGAYSA , WAA LAGA TUURAY HEERYADII GUUL-WADAYNTA. W/Q: C/RISAAQ ABSHIR.

0
Thursday September 24, 2020 - 19:18:24 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 674
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 3 0
  • Share via Social Media

    80-SANNO KA DIB RADIO-HARGAYSA , WAA LAGA TUURAY HEERYADII GUUL-WADAYNTA. W/Q: C/RISAAQ ABSHIR.

    80-SANNO KA DIB RADIO-HARGAYSA , WAA LAGA TUURAY HEERYADII GUUL-WADAYNTA. W/Q: C/RISAAQ ABSHIR.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

80-SANNO KA DIB RADIO-HARGAYSA , WAA LAGA TUURAY HEERYADII GUUL-WADAYNTA. W/Q: C/RISAAQ ABSHIR.
Radio-Hargaysa ayaa la Aas'aasay sannadkii 1941-kii waxaana Reedhyowgan furay dawladdii Ingiriiska ee gumaysan jirtay Somaliland taasi oo uu u'addeegsan jiray inuu wararkiisa iyo amaradiisa ku gaadhsiiyo dadka Somaliland waxaanay Reedhyow Hargaysa ku hadli jirtay afka-dawladdii Ingiriiska ee gumaystaha .
Idaacaddan ayaa ahayd idaacaddii amaba warbaahintii ugu horaysay ee Af-soomaali ku hadasha ayaa muddo 80 sanno ah oo ay jirtay usoo gacan gashay dawladdo kala duwan , oo qaarkood gumayste ahaa, qaarkood ay yihiin Talis Keligii-teliye ah , qaarkood kalena ay yihii n Rayid kuwa kalena ay Democracy yihuin sida JSL oo kale .
Radio-Hargaysa waxa uu door shariifa ka qaatay Halgankii gobonimo-doonka ee Somaliland Xorriyadeeda kaga hantiday gumaystihii Ingiriiska sannadkii 1960-kii , isla sannadkaa waxa midoobay labadii dal ee Somaliland iyo Soomaaliya oo ka kala xoroobay Ingiriis iyo talyaani.
Radio-Hargaysa midowgii labada dal belo ayaa  uga soo hoyatay sidaynu hore ugu soo sheegnay Taxanaheenii Taariikhda Radio-Hargaysa, maadaama ay la hoos geeyay idaacaddii ay ka da'da waynayd ee Radio-Muqdisho iyo wasaaradii warfaafinta ee Soomaliya , Reedhyow Hargaysa waxay qayb ka noqotay warbaahinta dawladdii midowga ka dhalatay ee Jamhuuriyada Soomaaliya iyadoo lagu furi jiray (Halkani waa R/Hargaysa Codka Jamhuuriyada Soomaaliya).
21-kii Oktobar 1969-kii waxa xukunkii dalka maroorsaday Askar uu hogaaminayo Maxamed Siyaad Bare , isla mar kale Reedhyow Hargaysa waxay kamid noqotay warbaahintii dawladdaa miletariga ah afkeeda ku hadli jirtay oo ay kamid ahaayeen R/Muqdisho, Jariiradii Xiddigta Oktoobar iyo wakaalladii Wararka Soomaaliya ee SONNA , waxa Reedhyow Hargaysa lagu furi jiray(Halkani waa Reedhyow Hargaysa Codka Jamhuuriyada Dimuqraadiga ah ee Soomaaliya).
Balse taasi waxay soo xidhantay 31-kii May 1988-kii oo ahayd markii ciidankii SNM ay gudaha usoo galeen Hargaysa iyo magaalooyinka waawayn ee dalka dagaalna ay kala hor yimaadeen Taliskii Bahalka ahaa ee Af-weyne , isla habeenkaa ayay hawada ka baxday Radio-Hargaysa , dibna loogama odhan (Halkani waa R/Hargaysa Codka jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Soomaaliya) .
1991-kii gooni isu-taagii Jamhuuriyadda Somaliland  Radio-Hargaysa waxay kamid noqotay warbaahinta dawladda JSL waayo idaacadda ayuun baa xilligaa jirtay Tv , Jariirad iyo wasaaradi midna may jirin laakiin Radio-Hargaysa waxay dalka soo gashay iyadoo dhisan oo guuraysa .sidaas ayay bar bilow ugu noqotay warbaahin ku hadasha afka dawladda JSL tan iyo xilligaa waxay baahin jirtay wararka iyo barnaamujyada siyaasadeed ee kolba cidii muxaafid ah iyadoon soo hadal qaadi jirin wararka  siyaasadda ee mucaaradka dalka .
Maanta oo ay Taariikhdu tahay 19/8/2020 Reedhyow Hargaysa waxa u beryay waa ka du'wan waayadii hore usoo maray muddo 80-sanno ah , kadib wareegto soo baxday ayaa lagu sheegay in warbaahinta dawladdu ay ai dhex-dhexaadnimo ah utabiso barnaamijyada iyo wararka arrimaha siyaasadda mucaaridka ah iyo afkaarta bulshada reer Somaliland , wareegtadani kaliya kuma socoto Radio-Hargaysa balse waxay ku socoray dhammaan warbaahinta dawladda ee Somaliland , SOLNA , R/Hargaysa, Tv-ga qaranka, iyo wargaysyada Dawan .
  Wareegtadan oo ka turjumaysay  Madaxweynaha JSL Muuse Biixi  siyaasadiisa ku aadan xorriyatul qawlka iyo ku dhaqanka dastuurka iyo qawaaniinta dalka waxaanu leenahay (Mudane Madaxweyne , Maamuus ay lahayd baad marisay Radio-Hargaysa iyo warbaahinta kale Dawladda JSL waxaanad u tilmaantay waajib qaran oo ay qaranka masuul uga ahaayeen).
Balse su'aashu waxay ka taagan tahay , ma lagu dhaqmi doonaa amarada ay wareegtadu siday ?
Se hadii lagu dhaqmo intee ayaa lasii wadi karaa ? 
Iyo sidee loo wadaayaa?
Su'aalahan jawabahooda wakhtigaa sharrixi doona 
FG: Taariikhda Radio-Hargaysa waynaga kaga sheekayna Taxanaheenii oo wwli inoo socds


          W/Q: C/risaaq Abshir
           Hargeysa, Somaliland


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured