Sheeko gaaban: Dajiya deeqsan. Qalinkii Xasan M. Cisman.

0
Friday August 14, 2020 - 20:46:50 in Maqaallo by Super Admin
  • Visits: 980
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 2
  • Share via Social Media

    Sheeko gaaban: Dajiya deeqsan. Qalinkii Xasan M. Cisman.

    waan xasuustaa maalintaynu isabaranay Iyo halkaynu isku baranay, waxay ahayd subax xusuusteeda leh Iyo madal muuqaalkeedu wacnaa, waxaad si kadisa u soo gashay goob ka mida goobaha barkunka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

waan xasuustaa maalintaynu isabaranay Iyo halkaynu isku baranay, waxay ahayd subax xusuusteeda leh Iyo madal muuqaalkeedu wacnaa, waxaad si kadisa u soo gashay goob ka mida goobaha barkunka
waan xasuustaa maalintaynu
isabaranay Iyo halkaynu isku baranay,
waxay ahayd subax xusuusteeda leh
Iyo madal muuqaalkeedu wacnaa,
waxaad si kadisa u soo gashay
goob ka mida goobaha barkunka
ee bulshada kulmiya ama media
hadba sidii loo yaqaano,
anigu badayaa goobtan waan ku caan,baxoo
xaraabo Iyo xaraarad jacaylba waan ka abuura,
anigoo kaftan sheekooyin xulan
music Iyo madadaalo asaxaabeed
isaga jira uunbuu waxaad Saarkii
Caashaqa moodo markaliya i suul,daaray,
shaw maqliba lahaydaa !
cod,yaroo macaan oo maqalkiisu igu cusub yahoo markiiba i maanqaaday,
dhagaystay oo sii dhugtay dhamaystayna wuxuu isugu jiraa bariidin Iyo salaan asxaabeed,
Allah codka dhan,dhankiisu sii macaanayaa oo maqalka dhagaha u
roonaayaa,
Anigoo si u yar qaad qaadan baan
codkaa codkiisii ooy xamaasad aad abuurtay ka yar muuqato kugu soo dhaweeyay,
waad ii soo jawaabtay oo waxaad ii sheegtay inaad ku soo dhawdahay
asxaabta iigana Mahad celinaysid
soo dhawaytayda kuna faraxsantahay inaad asxaabta ka mid noqotay,
codkaagaa danbe maqalkiisuna
anigoo marka horeba diiranaa,buu
si ii sii yar daaray,
intaa ka dib waxaan qorshaystay
inaan si gaara kuula kalaamo maadaamo meeshani masrax tahay,
waxaan kuu soo galay qolkaaga gaarka ah ee khadka adigoo online ah salaan ka dib waxaan kuu soo qadimay inaan bes kugu ahay codkaad soo duubtayna Uu maankayga dhex sabaynayo si na ii taabay,
waad iiga jawaabtay codsigaygii Adigoo codkaagii macaanaa ee i maanqaaday qosol yaroo sii macaan ku ladhaya,
waxaad ii sheegtay inaad barashayda ku faraxsantahay
jecashahayna inaynu wakhti kale sii wada qaadano,
jawaabtaadaasi waxay ii noqotay mid aan ugu xasilay sidii ruux haraadan oo biyo la siiyay,
waxaynu iswaydaarsanay sawiradeena muuqaalka intaa ka dib waxaynu ku balanay inaynu kulano,
xaafadihiinan kuugu imid
markii hore waxaynu ahayn laba qof oo hawada iska bartay ooy kalsooni kooban Iyo isbarasho koobani hagayso,
caawa se waxaan jecelahay inuu kulankeena ka dhasho,
xidhiidh jacayloo xaqiiqo ku dhisaniyo kalsooni aan dhamaad lahayn ooy farxadi weheliso,
waxaan taaganahay goobtii kulanka
waxaad igaga soo baxday dhinaca waqooyi adigoo iftiinka Iyo ilayska kaa soo baxaya uu indhaha IGA qaaday,
agtaydaad soo gaadhay Qurux,badnaanta Iyo qor,qornaanta aan qiyaasta lahayne Guulle kuu dhaliyaybaan anigu la dhaygagsanahay,
salaan jaceeco la jacayl weheliso,
qosol qiiriyo qushuuc ku lamaanyihiin, kaftan maanka kabaya,
ka dib waxaynu kala guddoonay
jacayl dhaxal gala,
axdigaynu habeenkaa xusuusta Iyo xiisaha jacayl Igu reebay kala dhiganay wali waa halkiisii Iyo inaynu hamigeena rumayno,
hadda kulankii shannaad baynu maraynaa Iyo xidhiidhkeeni jacayl oo kobcay inuu kaalin galana Ay IGA go'antahay,
markastood ii sheekaynayso maankaygaad kobcisaa gacaliso,
mar,waad ila kaftantaa mar,waad IGA qoslisaa marna waan qiiroodaa oo xusuuso horiyo jacaylo dhalanteeda oo i soo maraybaan marxaladan la simaa,
sawirka ii so baxana wuxu noqdaa
inaan raaliyo haween Iyo raaxo Adduun helay,
dajiyoo kale miyaa dumar lala simaa waaba lagu ducaystaaye.
4 minutes ago
Mucaashaq Xasan M. Cisman



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured