![]() "Weligay Madaxweyne Farmaajo ismaanu arag oo Xataa Telefoon kumaanu Wada hadal ismana Naqaano... Warka Waxa Laga Leeyahay Ujeedo Siyaasadeed". Siyaasi Jamaal Cali Xuseen.
"Weligay Madaxweyne Farmaajo ismaanu arag oo Xataa Telefoon kumaanu Wada hadal ismana Naqaano... Warka Waxa Laga Leeyahay Ujeedo Siyaasadeed". Siyaasi Jamaal Cali Xuseen.
Hargeysa(Xogreebnews)- Siyaasi Jamaal Cali Xuseen, ayaa beeniyey Warar aan sal iyo raad-toona lahayn oo lagu faafiyey qaar kamid ah baraha Enternetka. Warkaas oo ay faafiyeen shaqsiyaad dano Siyaasadeed leh, ayuu Aqoonyahan Jamaal ku Tilmaamay waxba kama jiran.
Siyaasi Jamaal Cali Xuseen, waxa uu sheegay in aanay weligood wax xidhiidh iyo wada-hadaltoona dhexmarin Madaxweynaha Somaliya Maxamed Cabdilaahi Farmaajo, marar badana Siyaasi Jamaal ka Hadlay shirqoolo uu Somaliland u maleegayo, ha ugu dambeeyo qoraala uu Aqoonyahanku ka qoray Shirkii Jabuuti.
Siyaasi Jamaal Cali Xuseen, oo arimaha kaga Hadlay qoraal uu ku daabacay bartiisa Facebook waxa uu u dhigan yahay sidan.
"Beentii imika baayacmushteri bay gashay oo waxaaba la doonaa in lagu soo shaac baxo. Waxaabey yidhaahdeen Madaxweyne Farmaajo ayaa Raysal Wasaare ama Raysal Wasaare ku Xigeen ama Wasiir A ugu balan qaaday Jamaal sidaad hoos ka aragtid qolada Oogo Media oo aanan weligay arkin. Horta hadduu warkoodu sugan yahay ama iyo ama iyo ama muu noqdeen. Qoraalkan qoladda beenta ahi soo qortay hoos ka daalacda iyagoo laba ujeedo leh 1. Ku soo shaac baxa iyadoo cidi akhrisan weyday iyo 2. Iyo ujeedo siyaasadeed Oo aan garanayo cida ka danbeysa. Isku soo wada duuboo weligay Madaxweyne Farmaajo ismaanu arag oo xataa telefoon kumaanu wada hadal ismana naqaano. Qoraaladaydii ugu danbeeyey shirkii Jabuuti waatii la ogaa. Kolkaa haddii ay cidiba akhrisato Oogo Media been bay qoraan Oo dad Ilaahay ka baqanaya mahee waxba ha ka akhrisanina. Subxaanalah maxaa la waashay Oo xishoodkii iyo xayigiiba laga tegay.
Leave a comment |
|
"Weligay Madaxweyne Farmaajo ismaanu arag oo Xataa Telefoon kumaanu Wada hadal ismana Naqaano... Warka Waxa Laga Leeyahay Ujeedo Siyaasadeed". Siyaasi Jamaal Cali Xuseen.
"Weligay Madaxweyne Farmaajo ismaanu arag oo Xataa Telefoon kumaanu Wada hadal ismana Naqaano... Warka Waxa Laga Leeyahay Ujeedo Siyaasadeed". Siyaasi Jamaal Cali Xuseen.