Khilaaf Sadex-geesoodka ah oo ka Dhex-qarxay Gudoomiyaha Haayada Shaqaalaha iyo Wasiirka Maaliyada, Xisaabiyaha guud oo Isku Dhinac ah....

0
Monday June 22, 2020 - 16:36:31 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1074
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Khilaaf Sadex-geesoodka ah oo ka Dhex-qarxay Gudoomiyaha Haayada Shaqaalaha iyo Wasiirka Maaliyada, Xisaabiyaha guud oo Isku Dhinac ah....

    Khilaaf Sadex-geesoodka ah oo ka Dhex-qarxay Gudoomiyaha Haayada Shaqaalaha iyo Wasiirka Maaliyada, Xisaabiyaha guud oo Isku Dhinac ah....

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Khilaaf Sadex-geesoodka ah oo ka Dhex-qarxay Gudoomiyaha Haayada Shaqaalaha iyo Wasiirka Maaliyada, Xisaabiyaha guud oo Isku Dhinac ah....
Hargeysa(Xogreebnews)- Khilaaf sadex geesood ah ayaa ka dhex qarxay Gudoomiyaha Haayada Shaqaalaha Somaliland iyo Wasiirka Maaliyada iyo Xisaabiyaha guud ee qaran, kuwasoo isku maan-dhaafsan labadii bilood ee u dambeeyey Mushaharka Shaqaale siffo khaldan Gudoomiyaha Haayada Shaqaalaha Somaliland Farxaan Aadan Haybe u qoray, iyo kuwo uu ka Saaray shaqaale-dawladeed, isla markaana uu ku Bedelay qaar kamid ah, Caa'iladiisa.
Sidoo kale, xudunta khilaafka masuuliyiintan, ayaa sii jiitamayey mudo laba bilood ah, waxanu hada Marayaa meel-xasaasiya sida ay noo sheegeen ilo-wareedyo ku dhow-dhow sadexda dhinac.
Wasiirka Maaliyada iyo xisaabiyaha guud oo isku dhinac ah, ayaa saluugsan nidaamka dawladnimada ka aradan ee Gudoomiyaha Haayada Shaqaalaha Somaliland Farxaan Aadan Haybe u qoray Shaqaalaha cusub iyo Bedelka boosas oo ku sameeyey, isla markaana ku Bedelay xubno kamid ah qoyskiisa.
Wararku waxay intaa ku Dareen marar badan uu Gudooomiye Farxaan damcay inuu xisaabiyaha guud ku qanciyo, shaqaalaha mushaharooyinkooda, balse aan weli wax natiijo ah laga gaadhin khilaafka. La soco wixii kasoo Kordha.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured