![]() Madaxweynaha Ismaamulka Somalida Itoobiya Mustafe M. Omar oo Wax ka qoray taariikhnololeedkiisa.
Madaxweynaha Ismaamulka Somalida Itoobiya Mustafe M. Omar oo Wax ka qoray taariikhnololeedkiisa.
"Qaybta 1aad: Hebel-diidnimaddayda halkee baan ka wadaa wax badan ayaa idinka bixi? 1. 1997 waxaan xafiiska waxbarashadda ka ahaa Khabiirka diyaarinta mashaariicadda. Mushaharkaygu wuxuu ahaa 710 Birr. Hal sano markaan shaqeeyey ayaa axmaar aan ka hoos shaqayn jiray ka tagay shaqadii. Booskiisii oo aan magacaabid siyaasadeed ahayn maadaama uu ka hooseeyay agaasime, ayaan codsaday in la igu dalacsiiyo ama la keeno qof kale oo aan wax ka barto oo iga khibrad badan. Midna lama yeeline wiil markaa jaamacad Tigreegu aasaaseen oo la odhan jiray Civil Service ka soo baxay ayaa lagu soo qoray meeshii. Waa sidee markaan idhina waxaa wataa la yidhi nin Gabrewahid la yidhaa oo Tigree ah oo markaa la taliye ka ahaa deeganka (dhab ahaan madaxweyne ka ahaa). Wiilkii oo aan shaqada iman baan is casilay oon ka tagay. Anigu waxaan isu haystay inaan dulmi diiday laakiin, halkaa waxaa suuqa la isla dhex maray waa CUMAR-DIID. Cumar oo ahaa yarkii meesha la keenay. 2. 1998 Bil kadib markii aan xafiiska waxbarashadda ka tagay waxaan shaqo ka helay xafiis la odhan jiray xafiiska sanduuqa horumarinta oo bangiga aduunku maalgalin jiray kililkana maamul ahaan ka madax banaana. Mushahar 2500 birr ah oo waagaa hadaan wadaad ahaan lahaa 3 islaamood i masruufi lahaa ayaan shaqo ku bilaabay. Inaan itixaan aan Addis Ababa ku soo galay ku helay iyo in aan ku helay wadaad suufi ah oo ilaa hadda hooyaday ka qayila oo wixii ii kordhaba yidhaa waa bunkii aad keentay iyo ducadayda ma kala sheegi karo. 3 sano markaan ka shaqeeyay hawshuna eesh calaa tahay ayaa xafiiskii madax looga soo dhigay Da’ud Maxamed Cali (oo markii danbe noqday Madaxweynaha deegaanka) oo aan Harar isku guri seexan jirnay saaxiibna ahayn (laakii markii aan Cumar-diidka noqday ee ninkii Tigreega ahaa xanaaqay isna la duday oo aanaan isku fiicnayan iskuna da’yay in aan xafiiskii sanduuqa la iga shaqaaleeyn balse wadaadkii suufiga ahaa iyo wax soo dirayba maalmihii xafiiska sanduuqa aan shaqada ka bilaabay ila daba galay ninkan xafiis buu ka soo cararay waa in la qiimeeyaa. Waxaa ka diiday nin ahaan jirayn xoghayha kililka oo Sultan la odhan jiray oo hada tabliiq wayn ah oo ka soo jeeda gobolka Afdheer. Lama qiimaynayo qof 7 cisho xafiiskan joogay ayuu yidhi. Sidaas ayaan ku badbaaday. Da’uud markii danbe ee uu xafiiska loo soo magacaabay isla habeenkiiba wuu ii yimid xafaadayda wuxuuna yidhi xafiiskaa la ii dhiibaay adigaan wax walba kaa waydiinayaa. Waa inaad ila shaqeeysaa. Haye ayaan idhi. Markaa waxaan ahay Project Officer (Economist) waxaana iiga sareeya qaybta aan k shaqeeyo ee mashaariicda nin Department Head ahaa oo la odhan jiray Ahmed. Da’uud bil anagoon wada shaqayn ayaan isku dhacnay. Waayo wuxuu bilaabay inuu dulmiyo Axmed oo madax ii ahaa iyo wiil kale oo aana magaciisa sheegayn oo Shariif ahaa oo qaybta xisaabaadka jooga. Shir walba caraatan iyo waxba ma qabataan joogta ah. Anigana wuxuu yidhi wax uuna Mustafe ogolaan oo mashaariic ah lama saxeexayo lacagtooda sababtoo ah dadka kale oo dhan waa musuq miidhan (isagoo runtii dhanna aniga igu raali galinayay dhanka kalena ay dhaqan kiisa ahayd inuu cid walba ka shakiyo kaligiina isu arko inuu daacad yahay). Leave a comment |
|
Madaxweynaha Ismaamulka Somalida Itoobiya Mustafe M. Omar oo Wax ka qoray taariikhnololeedkiisa.
Madaxweynaha Ismaamulka Somalida Itoobiya Mustafe M. Omar oo Wax ka qoray taariikhnololeedkiisa.