Waxqabadka Muga leh ee ku Talaabaaday Maareeyaha Dekedaha Somaliland Siciid Xasan Cabdilahi Mudadii uu Majaraha Hayey Dekeda Berbera...

0
Wednesday April 22, 2020 - 18:32:10 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1617
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Waxqabadka Muga leh ee ku Talaabaaday Maareeyaha Dekedaha Somaliland Siciid Xasan Cabdilahi Mudadii uu Majaraha Hayey Dekeda Berbera...

    Waxqabadka Muga leh ee ku Talaabaaday Maareeyaha Dekedaha Somaliland Siciid Xasan Cabdilahi Mudadii uu Majaraha Hayey Dekeda Berbera...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxqabadka Muga leh ee ku Talaabaaday Maareeyaha Dekedaha Somaliland Siciid Xasan Cabdilahi Mudadii uu Majaraha Hayey Dekeda Berbera...
Damiirka wanaagsan ayaa ku farayaa Masuulka umadiisa wax u qabtay una adeegay' si Hufana u gutay waajibaadkiisa shaqo in aad ku boggaadiso, ka ku fashilmay ee kasoo bixi-waayena aad u nasteexayso.
Xalinta khilaafyada oo joogta ah' waa Astaan u gaar noqotay Maareeye Siciid Xasan Cabdilahi' waxanan ku boggaadinaya talaabadii uu Bulshada Somaliland ugu naxaristay ee u dhowaan rarka kaga rogay markabkii Badeecadaha siday ee u mudada ku Xayirnaa duleedka Dekeda Berbera. Waxa uu ahaa go'aan geesinimo leh oo u Maareeyuhuu ku Garab istaagay bulshadiisa iyo ganacsatada dalka, iyadoo xili adag lagu jiro waxan leeyahay Hambalyo mudane Maareeye alla hakaa abaalmariyo.
Sidoo kale Maareeye Siciid waa masuul aqoonyahan ah' isaggo xilliyo kala duwan shirar Caalamiya uga qaybgalay Dekeda Berbera mudadii uu ahaa Maareeyaha waxana kamid ahaa Shirarkaas Shirkii ka Dhacay Jarmalka ee lagu qiimaynaayey Dekedaha Caalamiga ah, waxanu kasoo sameeyey Saaxibo badan. Waxa kaloo kamid ahaa Shirkii Taarikhiga ahaa ee ka dhacay dalka Tansaniya ee lagaga hadlaayey sidii ay iskaashi u yeelan Lahaayeen Dekeda caalamiga ahi' waxanu Maareeye Siciid ku guuleysatay inuu marsada Berbera ka dhigo mid Caalamiga' kana baxday localnimadii.
Waxa kaloo lama ilaawana labadii sanno ee u dambeeyey Dekeda Berbera maamulayey Maareeye mucjiso ah,oo wixii uu gacanta u qaado sida ugu wanaagsan ku dhamaynayaa, Maareeye Siciid waxa uu Maamulka Maamulka Dekeda Berbera la wareegay, iyadoo Khilaaf darteed Dekeda Albabada loo xidhay, isla markaana u ka taagan khilaafyo daraf walba ah.
Waxanu todobaadkii u horeeyey ku guuleysatay inuu albaabada u furo dekeda. Isagoo qodob-qodob u xaliyey dhibkii jiray' waxanu mudo laba bilood ka yar ku dhameeyey ilaa 7 khilaaf oo jihooyin kala duwan ah. Kuwasoo kala ahaa khilaafkii u dheexeyey shaqaalaha Dekeda iyo Shirkada Dp' khilaafkii u dheexeyey Dp iyo Ganacsatada isticmaasha Dekeda Berbera' khilaafkii u dhexeeyey Dp World iyo weliba shacabka Deegaanka iyo arimo kaloo badan waxa si is-xig-xigta u damiyey.
Waxa kaloo uu dhaxda u xidhay Maareeye Siciid Xasan Cabdilahi dhismaha iyo horumarinta Dekeda Berbera, iyo weliba qalabaynta Dekeda Berbera oo u geed-dheer iyo mid gaabanbaa u fuulay. Isagoo mudo ka yar 1 sanno' waxa uu Keenay Qalab kala duwan kuwasoo ay qayb kamid ah soo Ibisay Somaliland, halka qaybta kalena uu Maareeye Siciid Xasan Cabdilahi ku sanduleeyey inay Dekeda Berbera Keenan Shirkada Dp World.
Waxyaabaha ugu waaweynaa ee qaybta Somaliland keentay Dekeda waxa kamid ahaa Taag Casriya oo u Maareeyaha Dekedaha Somaliland kasoo Iibiyey dalka Turkiga, isla markaana soo xidha Maraakiibta waaweyn, iyadoo ay Dekeddu u si weyn ugu baahnay, waxa kaloo kamid ah dhisme laba dabaq ah oo u dhisay Maareeye Siciid wakaalada Dekedaha Somaliland, kaasoo kooban 24 qo iyo laba Hool.
Waxa kaloo lama ilaawan dhismaha Dekeda cusub ee Berbera oo gacantii ugu weynayd ka gaystay Maareeye Siciid, waxanu habeen iyo maalin u dabo-gal iyo dhirigelin ku waday mudo laba sano ah, dhowaan ayey dekedu dhamaan doontaa, isagoo Maareeye Siciid noqday shaqsi waxyaabo Tiro badan oo kale kusoo kordhiyey Dekeda sida nalalka Bada ee habeenkii Iftiima, iyadoo maraakibta hada habeenkii lasoo xidho. Sidoo kalena dekedu shaqayso 24 saacadoodba ah' nidaamka shaqaalaha iyo shaqada oo Casriya, taasina waxay fudaydisay inuu laban-laabmo ama sadex jibaarmo hananka shaqo ee dekedu.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured