Sandro Rosell Oo Ku Rajo Weyn In Valdes Ku Qanciyo In Uu Ka Laabto Go`aankiisa Ahaa In Kooxda Uu Ka Tagayo .

0
Tuesday March 26, 2013 - 12:19:22 in Ciyaaro by Super Admin
  • Visits: 4459
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sandro Rosell Oo Ku Rajo Weyn In Valdes Ku Qanciyo In Uu Ka Laabto Go`aankiisa Ahaa In Kooxda Uu Ka Tagayo .

    Madaxa kooxda Barcelona Sandro Rosell ayaa muujiyay in uu si weyn ugu rajo weyn yahay in gool hayaha kooxda Victor Valdes in uu ku qanciyo in kooxda sii joogo isla markaana ka laabto go`aankii uu ku diiday in hishiis cusub uu kooxda ugu saxiixo .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxa kooxda Barcelona Sandro Rosell ayaa muujiyay in uu si weyn ugu rajo weyn yahay in gool hayaha kooxda Victor Valdes in uu ku qanciyo in kooxda sii joogo isla markaana ka laabto go`aankii uu ku diiday in hishiis cusub uu kooxda ugu saxiixo .
Isaga oo u waramayay wargeyska El Mundo Deportivo ayuu Sandro Rosell yiri ” arinta ugu wanaagsan waxa ay tahay in fursad la siiyo si waqti uu u qaato isla markaana aynu sugno dhamaadka xilli ciyareedkaan si aynu ugala hadalno mustaqbalkiisa”.

“Waxaan rajeynayaa in tababare Vilanova uu kala hadlo Valdes arinta hishiis kordhinta waana rajeyneynaa in ay is fahmayaan” ayuu sii raaciyay madaxa Barcdelona ee Sandro Rosell .



Waxa uu sidoo kale carabka ku adkeeyay in naadiga Barcelona ay ka shaqeynayaan sidii ay u heli lahaayeen badelka Valdes haddii uu ku adkeysto in hishiis cusub kooxda u saxiixan oo uu door bido in xagaaga dambe kooxda ka huleelo .


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured