Qodobo Xiiso Badan oo Kamid ah Waxqabadka Madaxweyne Muuse Biixi Iyo Maareeyaha Dekeda Berbera?.

0
Thursday December 26, 2019 - 02:02:44 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1747
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qodobo Xiiso Badan oo Kamid ah Waxqabadka Madaxweyne Muuse Biixi Iyo Maareeyaha Dekeda Berbera?.

    Taarikhda Somaliland, gaar ahaan Dekeda Malaagada Berbera waxa shaqaalaha Faraca-bada lagu sameeyey isbedel xadaaarad iyo hour-socod ka muuqdo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Taarikhda Somaliland, gaar ahaan Dekeda Malaagada Berbera waxa shaqaalaha Faraca-bada lagu sameeyey isbedel xadaaarad iyo hour-socod ka muuqdo

Taarikhda Somaliland, gaar ahaan Dekeda Malaagada Berbera waxa shaqaalaha Faraca-bada lagu sameeyey isbedel xadaaarad iyo hour-socod ka muuqdo, waxanan dhowaan daawanaynay iyadoo shaqaalaha hawlaha, Maraakiibta loo soo xidhay aqoon korodhsi ku saabsan shaqada Maraakiibta ee soo xidhista iyo furista iyo weliba kuwo ku takhakhusay bayloodnimada Taaga casriga ah ee dekeda berberi dhowaan lasoo degtay. Abaal-marinta iyo aqoon-korodhsigu, waa laf-dhabarka shaqaalenimo, iyadoo Hayadda shaqaaleheeda aqoon-kordhinta lagu sameeyey ay isbedel xadaaradeed oo mustaqbal la imanayaan, isla markaana adeegyada dekeda shaqaalaha aqoonta lehii waxay ka dhigayaan mid la tartanta dhiggeeda dunida.

Sidoo kale, waxaynu ka wada-war-qabno waxqabadka bilaha ah ee Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi ka fuliso, laamaha dawlada ee dalka, iyo mashaaricaha kala duwan ee isdaba-jooga ah, sidaas daraadeed aniga shaqsiyaan waxa aad isoo jiitay masuul kamid ah Xukuumada Madaxweyne Muuse Biixi, oo runtii leh, karti, daacadnimo iyo dedaal waxqabad oo u sameeyey labadii sanadood ee lasoo dhaafay.

Masuulkaas waxqabadkiisa iyo hanaankiisa masuuliyadeed inta badan uu soo jiitay qaybaha bulshada caafimaadka qabtaa ee aragta wanaaga Xukuumada Madaxweyne Muuse Biixi, waa Maareeyaha Dekedaha Somaliland Eng. Siciid Xasan Cabdilahi, oo runtii la yimmi hanaan hoggaamineed oo wadaniyadii ka muuqato iyo dedaalo uu ku horumarinaayo Dekeda Berbera iyo weliba kuwa yaryar ee dalka.

Labadii sanadeed ee u dambeeyey waxa muuqata oo markhaati ma doonaa in Xukuumada Madaxweyne Muuse Biixi dhexda u xidhatay dhismaha iyo dayac-tirka dekedaha Somaliland itaal ay doonaanbaa ha lahadeene, waxaana kowka ah, Dekeda weyn ee Berbera oo noqotay mid casriya, isla markaana u guurtay inay la tartanto dekedaha dhigeeda ah ee geeska, waxa sanaad kadib, insha alla dhamaan doona dhismaha deked cusub oo 400-mt ah, sidoo kale waxa ku sii xigi doonaa dhismaha deked kaloo afar boqol ah, runtii himilooyinkaa hirgelitaankooda waxa qayb-weyn ku lahaa madaxweynaha Somaliland iyo Maareeyihiisa Dekeda oo daacad ka noqday taabo-qaadka mashaaricda lagu horumarinaayo Dekeda Berbera.

Tallaabooyinka Xukuumadu ku dhisayso Dekedo badan, ayay dadka gorfeeya cilmiga dhaqaaluhu waxay sheegayaan in ay sababaysa koboc dhaqaale oo dalku gaadho, iyadoo ay kor u qaadmi doonaan illaha dakhli ee dalku, sidoo kalena ay sadex-jibaarmi doonaan lasoo bixi-taanka Khayraadka badda ee Kaluunku kowka yahay, oo ay bulshadeena Somaliland ku dhiiran doonto. Guulaha iyo waxqabadka noociisa aan weli hore loo arag, ee Maareeyaha Dekedda Berbera Eng. Siciid Xasan Cabdilahi, ku tallaabsadday, ayaa lagu sheegay waxyaabaha u fudeydiyey, inuu daacad ka noqday gudashada waajibaadkiisa shaqo ee uu qaranka uga waakiil yahay. La soco qaybaha dambe.

Waa Bilahii Tawfiiq.

Cabdisamad Axmed Warsame

Berbera/Somaliland




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured