Munaasiba si heer sare ah looso agaasimay ayaa maanta kadhacday dugsiga dhexe ee xasan cawke degmada tog wajaale

0
Sunday June 23, 2013 - 10:51:47 in Maqaallo by Super Admin
  • Visits: 1242
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Munaasiba si heer sare ah looso agaasimay ayaa maanta kadhacday dugsiga dhexe ee xasan cawke degmada tog wajaale

    Waxa maanta dugsiga dhexe ee xasan cawka magaalada tog wajaale kadhacday munaasibad si

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxa maanta dugsiga dhexe ee xasan cawka magaalada tog wajaale kadhacday munaasibad si Waxa maanta dugsiga dhexe ee xasan cawka magaalada tog wajaale kadhacday munaasibad si heersare ah uu u soo agaasimay maamulka dugsiga dhex ee xasan cawke marwo Dhuux cali Aqli munaasibadaa oo lagu gudoon siinayey ardaydii imtixaanka kagalay kaalinta kowaad labaad iyo sadexaad waxakala oo kasoo qayb galay dadwayne aad utirobadan oo ay kamid yihiin waallidiintii dhashay ardayda lagudoonsiinayey jaa,isadaha iyo abaalmarinta ay ku mutaysteen mudadii ay waxbaranayeen ardayda lagudoon siinayey jaa,isadaha abaalmarinta ah ayaa isugu jiray wiilal iyo gabdho aad utiro badan

waxaana munaasibadaa kasoo qaybgalay maamulka magaala Tog wajaale maxamuud sheekh muuse bookh oo ku hadalay magaca mamulka magaalada tog wajaale oo ku amaanay sida fiican ee loosoo agaasimay waxaanu mahad gaara u jeediyey maamulka dugsiga dhexe ee xasan cawka marwo dhuux cali aqli iyo macalimiintii dugsiga ka hawlgalayey waxakale oo ka hadlay kormeeraha guud ee ee wasaarada waxbarashada degmada tog wajaale maxamed axmed ibraahin [maxamed axmedyaasiin] oo ku amaanay dedaalki ay muujiyeen ardayda iyo macalimiinta dugsiga dhexe ee xasan cawke waxa kale oo
uu ,usoojeediyey dadwaynaha reer togwajaale inay iska iloobaan inay hayadaha iyo NGO yada gaarka looleeyahay wax kasugaan balse ay tahay inay wax qabsadaan oo ay ka marmaan waxakale oo uu kormeeraha guud ee wasaarada waxbarashada degmada tog wajaale mr maxamed axmed yaasin dhaliil iyo dhaleecaynba usoo jeediyey NGO ga SOOHA oo uu ku tilmaamay mid kugumaysanayaan qadarkayar ee magac uyaalka ah ee ay

Kumagac doonanayaan iyag oo aan bixin wax lataabankaro balse ay isku sawiraan markasta jaa,isadaha ardayda la gudoon siinayey kuwaasi oo kadhiga inay iyagu bixiyeen kagana caawiyeen dugsiyada degmada tog wajaale gabagabadii ardaydii kaalmaha hore galashay waxaa abaalmarinihii gudoonsiiyey maamulka dugsiga dhexe ee xasan cawka Dhuux cali Aqli oo gudoonsiiyey abaalmarino kala duwan ardayda iyadoo markii danbe ardaydu kukala dareereen jawi farxad ku dheehantahay

Maxamed cabdilaahi Qombor
Togwajaale Office xogreebnews.com



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured