Waa Dhaxal Ay Mahadin-doonan kuwa Nool iyo kuwa Dhalan-doona Horumarka Dekedaha ee Madaxweyne Muuse Biixi Iyo Maareeye Siciid Ku Talaabsadeen Mudo Kooban!!!. W/Q. Cabdifatax Cali Farax

0
Saturday November 09, 2019 - 02:46:19 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 3685
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Waa Dhaxal Ay Mahadin-doonan kuwa Nool iyo kuwa Dhalan-doona Horumarka Dekedaha ee Madaxweyne Muuse Biixi Iyo Maareeye Siciid Ku Talaabsadeen Mudo Kooban!!!. W/Q. Cabdifatax Cali Farax

    Waa Dhaxal Ay Mahadin-doonan kuwa Nool iyo kuwa Dhalan-doona Horumarka Dekedaha ee Madaxweyne Muuse Biixi Iyo Maareeye Siciid Ku Talaabsadeen Mudo Kooban!!!. W/Q. Cabdifatax Cali Farax

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waa Dhaxal Ay Mahadin-doonan kuwa Nool iyo kuwa Dhalan-doona Horumarka Dekedaha ee Madaxweyne Muuse Biixi Iyo Maareeye Siciid Ku Talaabsadeen Mudo Kooban!!!. W/Q. Cabdifatax Cali Farax
Hoggaamiye kastoo Somaliland soo maray waxa uu qaranka Jamhuuriyadda hana-qaaday soo gaadhsiiyey meel, mana jiro hoggaamiye aan waxqaban, hase-yeeshee Nin-ba meeshuu gaadhsiiyey ayuu kan ka dambeeyana kasii dhaqaajiyaa, waana tusaale fiican oo ku dayasho mudan oo lagaga daydo Somaliland oo aan, iyaddu weli aqoonsi ka helin aduunweynaha intiisa kale.
Haddaba, qormadan Maanta oo ah mid kooban, waxaan kusoo qaadan Isbedelka iyo horumarka la taaban karo ee Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi ka sameeyey Dekeda Berbera, oo u ka dhigay mid casriya, isla markaana la tartanta dhigeeda kale ee Geeska, waxanu Madaxweynaha oo kaashanaya masuulkiisa firfircoon ee Dekedaha qaranka uga wakiilka ah, ka hirgeliyeen nidaam casriya oo wanaajiyey shaqadii iyo adeegyadii ay bixin jirtay Dekeddu, iyadoo la kaashanaysaa Shirkadda DP World ee maamusha qayb kamid ah Dekeda.
Madaxweyne Muuse Biixi oo dadka aqoonta dhaqaalaha lehi, ku tilmaameen inuu damacsan yahay inuu koriyo Illaha dhaqaale ee dalka Somaliland, gaar ahaan Dekedaha iyo madaarada iyo weliba Kastamayada oo kor-loo qaadayo Bilicdooda iyo hanaankooda shaqo, waxa uu Dekeda Berbera suuro-geliyey Nidaam  shaqo oo hufan, nadaafad joogto ah iyo weliba Dekeda oo mudooyinkii u dambeeyey Tartan kula jirta Dekedo Caalamiya.
Sidoo kale, waxa uu labadii sanadood ee u dambeeyey Madaxweyne Muuse Biixi iyo Maareeyihiisa Dekedu keenen Dekeda qalabyo casriya oo ay baahi-weyn u qabtay, kuwasoo tiro badnaa, balse aynu ka xusi karno Taagii Casriga ahaa ay usoo Iibiyeen Dekeda Berbera, oo ahaa mid baahi-weyn daboolay, isla markaana si fudud u hirgeliyey in Dekeda Berbera maalin iyo Habeen lagu soo xidho Maraakibta waaweyn ee Xamuulka qaada.
Waxa kaloo Xusid mudan in Madaxweyne Muuse Biixi iyo Maareeye Siciid ku Guuleysteen in la bilaabo dhismaha Deked casriya oo dheererkeedu yahay 400 Meter, taasoo hada maraysa meel wanaagsan, isla markaana u socota si habsami leh, waxana ku xigga markay tani dhamaato mid kaloo iyanna 400, oo kale ah, waxanu mashruucani noqon doonaa mid ay mahadiyaan Bulshada Somaliland ee Nool iyo kuwa dhalan-doona intaba.


Geesta kale, iyadoo aynaan qormo iyo laba toona kaga geyoonnayn waxqabadka sannaadihii u dambeeyey lagu talaabsaday ee Dekeda Berbera, waxa kaloo ay Xukuumada Madaxweyne Muuse Biixi leedahay qorshayaal cusub oo ay doonayso inay ku horumariso Dekedaha yaryar ee Somaliland, isla markaana ku samayso dib-u-dhis iyo dayactir balaadhan, waxana talaabada markhaati ka ah, Safarkii dhowaan waftiga uu horkacaayey Maareeyaha Dekeduhu ku tagay Marsada Saylac iyo Noobiyada ku taala Jasiirada Ceebaad, kaasoo ahaa mid iskugu jiray Taarikh cusub iyo shaqo cusub.
Tallaabooyinka Xukuumadu ku dhisayso Dekedo badan, waxay sababi doontaa koboc dhaqaale oo Somaliland gaadho, iyadoo ay kor u qaadmi doonaan illaha dakhli ee dalku, sidoo kalena ay sadex-jibaarmi doonaan lasoo bixi-taanka Khayraadka badda ee Kaluunku kowka yahay, oo ay bulshadeena Somaliland ku dhiiran doonto. Guulaha iyo waxqabadka noociisa aan weli hore loo arag, ee Maareeyaha Dekedda Berbera Eng. Siciid Xasan Cabdilahi, ku tallaabsadday, ayaa lagu sheegay waxyaabaha u fudeydiyey, inuu daacad ka noqday gudashada waajibaadkiisa shaqo ee uu qaranka uga waakiil yahay. La soco qaybaha dambe.

W/Q. Cabdifatax Cali Farax

Hargeysa/Somaliland




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured