"Hanashada koobka Champions League waxay Liverpool ka dhigtay inay kalsooni ku qabto ku guuleysiga horyaalka" – Milner

0
Tuesday October 29, 2019 - 19:22:39 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 2795
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Hanashada koobka Champions League waxay Liverpool ka dhigtay inay kalsooni ku qabto ku guuleysiga horyaalka" – Milner

    "Hanashada koobka Champions League waxay Liverpool ka dhigtay inay kalsooni ku qabto ku guuleysiga horyaalka" – Milner

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Hanashada koobka Champions League waxay Liverpool ka dhigtay inay kalsooni ku qabto ku guuleysiga horyaalka" – Milner

(Liverpool) 29 Okt 2019. Xiddiga kooxda Liverpool iyo xulka qaranka England ee James Milner ayaa u arka in ku guuleysigooda tartanka Champions League ay kooxda u qaaday marxalad horumarsan marka laga hadlayo isku kalsoonida iyo sii wadida waxqabadka aadka u sarreeya.

Liverpool ayaa garaacday kooxda Tottenham Hotspur finalkii Champions League bishii June ee lasoo dhaafay, taasoo ka dhigtay in markoodii 6-aad ee taariikhda ay tartankan ku guuleystaan.

Dhinaca kale Liverpool ayaa xilli ciyaareedkii lasoo dhaafay waxay kaga  dhameysatay kaalinta labaad dhanka miiska kala sareynta ee horyaalka Premier League, waxayna hal dhibac oo qura ka dambeeyeen Manchester City oo koobka ku guuleysatay.

Laakiin ilaa iyo haatan xilli ciyaareedkan wiilasha uu hogaamiyo tababare Jürgen Klopp ee Liverpool ayaa waxay kaga hogaaminayaan horyaalka kooxda ku soo xigta ee Manchester City 6 dhibcood nadiif ah, sidaasi darteed Milner ayaa wuxuu rajeynayaa in hanashada Koobka Kooxaha Yurub ee Champions League uu u horseedi doono inay ku guuleystaan Premier League kaddib mudo dhan 30 sano ah.

James Milner ayaa wareysi uu ku bixiyay wargeyska "The Guardian” ee dalka England wuxuu ku sheegay:

"Xilli ciyaareedkan waxaan heysanaa koox sidaas sameyn karta, deganaansho dheeraad ah ayaa ka jirta gudaha iyo banaanka kooxda, dadka waxaay rajo fiican ka muujinayaan awooda aan ugu guuleysan karno horyaalka, waxaan rajeyneynaa inay sidaas dhacdo”.

"Manchester City waa koox aad u fiican, waxayna awoodaan inay guuleystaan kulan kasta, marka loo fiiriyo awooda ay heystaan, laakiin ma jiro farqi weyn oo inoo dhexeeya aniga iyo iyaga hadda, sidaas darteed waa inaan sii wadnaa inaan nafteena horay u sii riixno, isla markaana aanan ku fikirin haatan arrinta ku saabsan ku guuleysiga horyaalka”.

"Mararka qaar waa suurtogal inaan ciyaarto kulamo qaar ee xun, waxaana laga yaabaa inay jiri karaan dhaawacyo, sidoo kale kulamada qaar waxaad sameyn kartaa qaab ciyaareed aad u liita, waxaadna heleysaa natiijada aad rabtay, waana sababta ay muhiim u tahay inaan ku guuleysano horyaalka”.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured