"Helitaanka lambarka 7-aad kaddib Cristiano Ronaldo ma ahan wax fudud" – Hazard

0
Tuesday October 29, 2019 - 19:20:57 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 3054
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Helitaanka lambarka 7-aad kaddib Cristiano Ronaldo ma ahan wax fudud" – Hazard

    "Helitaanka lambarka 7-aad kaddib Cristiano Ronaldo ma ahan wax fudud" – Hazard

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Helitaanka lambarka 7-aad kaddib Cristiano Ronaldo ma ahan wax fudud" – Hazard

(Madrid) 29 Okt 2019. Xiddiga reer Belgian iyo kooxda Real Madrid ee Eden Hazard ayaa xaqiijiyay sida ay u adag tahay xirashada maliya Lambarka 7-aad ee Los Blancos, kaddib Cristiano Ronaldo.

Cristiano Ronaldo ayaa xirnaan jiray maaliyada Lambarka 7-aad ee kooxda Real Madrid, kahor inta uusan ka dhaqaaqin garoonka Santiago Bernabéu, kaddib waxaa xirtay xilli ciyaareedkii la soo dhaafay Mariano Díaz.

Laakiin kaddib imaatinka Eden Hazard ee Real Madrid suuqii xagaaga ee la soo dhaafay, wuxuu helay maaliyada Lambarka 7-aad ee Los Blancos, maadaama lagu tiriyo inuu ka mid yahay xiddigaha ugu fiican kubadda cagta adduunka xilligan la joogo, marka loo fiiriyo wax qabadkiisii kooxda Chelsea.

Haddaba 28 jirkaan ayaa wareysi uu ku bixiyay Taleefishinka qaaska ah ee kooxda Real Madrid wuxuu ku sheegay:

Image result for eden hazard no 7

"Qaadashada maaliyada lambarka 7-aad, kadib Cristiano Ronaldo ma fududa, waa maaliyad xambaarsan taariikh weyn”.

"Waxaan dadaal weyn ku bixin doonaa sida aan ugu guuleysan laheyn wax walba xilli ciyaareedkan, waa inaan ku guuleysanaa koob”.

"Waan ogahay in Champions League uu muhim yahay, waxaan halkaan u joogaa inaan ku guuleysto, sidoo kale wuxuu muhiin u yahay qof walba xitaa aniga”.

"Waxaan la ciyaarayaa kooxda adduunka ugu fiican waxaana rajeynayaa inaan intii karaankeyga ah sameeyo”.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured