Isku shaandheeyta Golaha wasiirada iyo liiska laysla dhexmarayo ee soo gaadhay saxaafada qaarkeed.
Madaxweynaha Somaliland ayaa la filayaa inuu dhawaan magaacabo gole wasiiradood oo cusub waxaanay shaxdu leedahay sidan
Madaxweynaha Somaliland ayaa la filayaa inuu dhawaan magaacabo gole wasiiradood oo cusub waxaanay shaxdu leedahay sidan
WWasiirka arrimaha dibadda Professor Samatar
GGaashandhiga cali sandule
AArimaha Gudaha Ismaaciil yare
MMaaliyada Cadaani
KAsluumaysiga Caddami
WWassiral dawlaha Madaxtooyada; Kaysar Safiirka wareega
WWarfaafinta ; MAxamed WAbeeyo.
BBeeraha ; Timacad
10- Duulista hawada GAAFAdHI
Rag badan ayaa lafilayaa inay ka baxaan gola whasiiradda.
(GEESKA)Madaxweynaha
Somaliland Md. Axmed Maxamed Siilaanyo, ayaa la filayaa inuu isku
shaandhayn iyo magacaabis ku sameeyo golihiisa xukuumadda.
Ma
jiro war rasmi ahi, laakiin warar xogogaala ayaa Geeska Afrika u
sheegay in Madaxweynuhu samayn doono isku shaandhayn balaadhan oo muddo
laga sugayay, waxaana la sheegay in Madaxweynuhu isku shaandhayntiisa la
sugayay wada hadalada u socday xukuumadiisa iyo ururka Xaqsoor, kuwaas
oo habeen hore madaxtooyada ka sheegay inay heshiis gaadheen. Waxaana la
filayaa inay xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ku soo biiri doonaan xubno
ka mid ah ururka Xaqsoor. Ismaaciil Aadan Cismaan oo ahaa guddoomaha
ururka Dalsan ee ka qayb galay doorashadii deegaanada iyo Xasan
Gaafaadhi oo isna ahaa guddoomiyaha ururka Rays, oo labaduba ku biiray
xisbiga KULMIYE, ayay wararku sheegayaan inay ka mid noqon doonaan
xukuumadda cusub ee Madaxweyne Siilaanyo. Waxaana sidoo kale la filayaa
in Madaxweynuhu xilka ka qaado xubno ka tirsan golihiisa wasiirada,
laakiin lama saadaalin karo kuwa ay seeftu la tegi doonto.
Waxa
kale oo la filayaa sida ay wararku tibaaxayaan in Madaxweynuhu isku
bedel ku sameeyo xubno ka mid ah golihiisa wasiirada oo loo wareejin
doono wasaarado kale.
Si kastaba ha ahaate isku shaandhayntan iyo magacaabistan Madaxweynaha, ayay bulshadu u dheg taagaysaa.
Muse QARANDI
Leave a comment |
|
Isku shaandheeyta Golaha wasiirada iyo liiska laysla dhexmarayo ee soo gaadhay saxaafada qaarkeed.
Madaxweynaha Somaliland ayaa la filayaa inuu dhawaan magaacabo gole wasiiradood oo cusub waxaanay shaxdu leedahay sidan