Waa Kumma Wasiirka Ugu Waxqabadka Badan Golaha Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi?.

0
Friday August 16, 2019 - 03:16:54 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 2306
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Waa Kumma Wasiirka Ugu Waxqabadka Badan Golaha Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi?.

    Waa Kumma Wasiirka Ugu Waxqabadka Badan Golaha Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi?.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waa Kumma Wasiirka Ugu Waxqabadka Badan Golaha Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi?.
Wasiirka Jidadka iyo Gaadiidka Somaliland Md. Cabdilahi Abokor, ayaa sida cadceeda uga dhex-muuqday Golaha Wasiirada Xukuumada Madaxweyne Muuse Biixi, isaggoo La yimmi waxqabad mug iyo miisaan leh muddo laba sanadood gudahood.
Wasiir Cabdilahi Abokor waxa uu dib-u-dhis iyo dayactir balaadhaan ku sameeyey Wadooyin tiro badan oo hawlbowlayaal ah, kuwasoo inta badan ah kuwo ugu mashquulsan.
Sidoo kale waxa uu Wasiir Cabdilahi Abokor ku guuleystay hirgelinta iyo taabo-gelinta mashruuc aad muhiim u ah, kaasoo ah yagleelka iyo dhismaha Wadada ganacsi ee Berbera Corridor iyo Wajaale.
Wadada Corridor oo hadda socota, ayaa ah mid xawaare sare ku socota, isla markaana uu Wasiirka Jidadka iyo gadiidku hadh iyo habeen heegan ugu jiraa sidii ay u dhamaystirmi lahayd. Akhriste hadii aad u safartay ama martay wadada isku xidha Hargeysa iyo Berbera waxa indhahaagu qabanayaan dayactiirka sanaadkii 2018-ka Wasaarada Jidadku samaysay, oo aan isbedelin Iyo sidoo kale, shaqada cusub ee aanay hore Somaliland uga qaban wadaadaas, oo ah balaadhinta lagu samaynaayo ee Mashruuca Berbera Corridor, kaasoo mustaqbalka dhow ka dhiggaaya Wadada isku xidha Wajaale ilaa Berbera mid afar Haad oo waaweyn ah.
Waxyaabaha kale, ee Wasiirka Jidadku Md. Cabdilahi Abokor nasiibka u helay waxa ka Kamid ah bilowga dhismaha Wadaad dheer ee isku xidhi doonta Boorama ilaa Jabuuti, oo dhowaan la dhagax-dhigay isla markaana Xukuumada Madaxweyne Muuse Biixi ku mashquulsan tahay dhismaheeda.
Akhristayaal qormo iyo laba toona iyadoo aan lagu soo koobi Karin dedaalka iyo waxqabadka baaxada leh ee Wasiir Cabdilahi Abokor ku hirgeliyey mudo laba sanno waxka dhiman yihiin, waxaynu dib u yara milicsan doona waxqabad korka xaadis ah oo Wasiirku ka hirgeliyey Wadooyinka gobolada bariga.
Waxa kaloo, iyaggana dayactir iyo Dib u dhis lagu sameeyey Wadada Burco ilaa Laascaanood oo lagu sameeyay Geedo goyn maadaama, oo wadadaas dhirtu soo gashay, taasina  sababi jirtay shilal, isla markaana gaadiidkii isu qarin jirtay. Waxa kaloo kamid ah Waxqabadka muuqda ee ka hirgalay Wadadooyinka, Biriishka burco oo la ogga burburkii ay gaadhsiyeen Daadad iyo Biyaha Dooxu, Waxa iyana ka mida meelaha la dayactiray ama shaqada lagu wada ee shaqo ka socoto kamid ah  biriishyo u dhexeeya Magaalooyinka Burco Iyo Berbera sida Dubur, Kalajab iyo Buundada Hudisa oo mudo aan dayactir lagu samayn lana mari jiray meel jar ahayd oo xata ku adkayd gaadiidka raran ee waawayn, Waxa sido kale ka mida Biriishyada jiifa "Irish Biriish"  u dhaxeeya BERBERA Ilaa HARGEISA kuwooda xeebta soo xiga oo daadadku jari-jireen in ku dhow Haad lana isticmali jiray haadka midig oo qudha lana kala sugi jiray madama an laysku dhaafi karayn... La soco qaybaha dambe iyo Wadooyinka Galbeedka iyo bariga Somaliland laba sanno ka yar dayactir balaadhan lagu sameeyey.
Qalinkii.
Cabdicasiis Bashiir Nuur
Email. c.casiis98@hotmail.com
Hargeysa/Somaliland.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured