CIMRIGA XUKUUMADAHU WUXU KU XIDHAN YAHAY TAYADOODA

0
Tuesday June 18, 2013 - 08:01:29 in Maqaallo by Super Admin
  • Visits: 1377
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    CIMRIGA XUKUUMADAHU WUXU KU XIDHAN YAHAY TAYADOODA

    Ahmed Adam Cali ( Haybe)

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ahmed Adam Cali ( Haybe)

CIMRIGA XUKUUMADAHU WUXU KU XIDHAN YAHAY TAYADOODA.

Ahmed Adam Cali ( Haybe)

Dawlad hawlkar, cadaalad iyo fikir bulsho oo xeel dheer leh , garsoorkeeduna caadil yahay, oo dhowraysa xuquuqda qofka iyo ta bulshadaba guud ahaan, Umadduna u siman tahay ayaa ah lagama maarmaan ah xilli kasta oo la joogo.

Dadka dhaqanka iyo akhlaaqda wanaagsani waxay u qaataan masuuliyadooda si dhamasytiran, waxbay dhegaysanyaan, miisamaayaan, rogrogayan, taxliilinyaan. tashi ka samaynayaan ka dibna go’aan ka gaadhayaan.

“A leader that cares to hear other view points, makes decisions based on input from others, and does not mind having ideas challenged. They actively listen to the needs and wants of their people“.

Adeegsiga awoodaha dawladnimo iyadoo lafahmi kari waayo majaraha siyaasadeed iyo dhaqaale ee danaha bulshada loogu adeegayo ayaa ah masuuliyad ta ugu hoosaysa..

Hababka dhaqan dhaqaale iyo siyaasadeed een ku fadhiyin xikmada iyo fikir bulsho oo ku salaysan cadaalad qoto dheer iyo mustaqbal ifiya waxay horseedaan cabshooyinka bulshada. iyo in la duudisayo xuquuqahooda asaasiga ah. Taasi oo ay sababayso iyadoo wax kasta ay ku urursan yihiin gacanta kooxda hogaanka iyo hadba inta ku dhow.

Iyadoo bulshadu weyday fursado horumarineed ayaa haddana maalin kasta la maqalaya wax qabad balladhan oo maamulada noocani ahi samayaan kaasi oo ka soo butaacaya warbaahinta loona sameeyo xaflado iyo damaashaad khudabado dhaadheer iyo sacab aan kala go’ lahayn laga sameeyo. Umana bedelaan eryadooda ficil iyo waxqbad sida hogaamayaha tossani sameeyo ” A leader that is able to turn words into action”

Xukumadaha waxa keliya ee laga rabaa waa saddex qodob. Taageerada kuwa saxan,qabashada kuwa qaldama ( Amaan iyo kala danabayn] Quudinta kuwaaan waxba hayn(Intuba waa Naxariis bulsho).

"A government big enough to give you everything you want, is big enough to take away everything you have."

Waxay ilaabaan nooca maamuladani sida arimuhu u kala mudan yihiin (lack priorty). Arrimihii ugu muhiimsana ee la tebayay maaha kuwa mar walba lagu celcelinayo in la qabtay.

“Wise are those who learn that the bottom line doesn't always have to be their top priority”


Xukuumadaha noocan ahi waxay awoodi kari waayaan inay wax ka qabtaan mushkildaha dhaqaale ee jira si bulshadu uga nasato welwelka iyo dhibaatada dhaqaale ee haysta. Eed kastana waxay mucaaradka ama bulshada hadba kay ku haboontahay.

Waxa iyana meesha ka baxda wax isa siinta iyo isu naxariisashada, tanna waxay abuurta loolan iyo xasad dhex mara bulshada kaas oo u dhexeeya dadka wax haysta iyo oo maamuladan ku xidhma iyo kuwa aan waxaba haysan ee qaadaa ma dherge ah taasi oo raad ku yeelata nabada iyo xasiloonida qofka iyo guud ahaanba bulshada.

Dadka aqoonta leh iyo xirfadlayda karti iyo daacadnimo lagu tuhmayo ( Intellectuals and rofeiosnals) oo laga qayb geliyo hawlaha harumarinta waxay keentaa in tayada maamul kor u kacdo. La xisaabtanka iyo dabagalka hay’adaha dawladdana waxay kordhisaa in hawlaha bulshada loo qabanayaa tayo yeeshaan korna u kacaan.

“A leader that is not afraid to be held accountable and is not afraid to hold people accountable to performance standards”.

Hogaamada liitaa khayraadka dalka kama faa’iidayn karo waxaana soo baxa heerka fakhriga oo gaadha halka ugu hoosaysa, nolosha dadka oo adkaata, niyadda iyo rajada dadka oo daciifta. Mar kasta heerka nolosha dhabta ee bulshada iyo fariimaha ay diraaan ee warbaahinta mariyaana waa wax kala fog, dhalanteedkaas oo qofka fogi rumaysanyo.

Kaalinta adeegaydii bulshadana waxa buuxiya kuwa gaarka loo leeyahay sida baananka, korontada, biyaha, caafimaadka ,waxbarashada iwm. Kuwaas oo marka la dabagelo waayo iyo isu roga goobo bilaa tayo ah oon wax badan ku soo kordhin bulshada.

Dawladaha liitaa way cimri gaaban yihin wayo dhaqaalaha iyo siyaasadda cidhiidhi sii noqonaya ee shaqo la’aanta iyo korodhka noloshu ka mid yahay .wuxuu badiyaa nacaybka bulsho iyo in kalsoonidii loo hayay lunto, soo dedejisaa in bulshadu ku celceliso Erayda Change... Change ... isbedel...isbedel..isbedel..

Waxaana inagu filan masuuliyada oo si buuxda loo qaato halku dhigyadan labadii Khlaiif ee Abuubakar Sidiq iyo Cismaan Cafaan RC u jeediyeen dadkii gobolada ee ay xukumayeen.

”Fariidnimo ta ugu wanaagsani waa cabsida ilaahy,nacasnimana ta ugu xumi waa dembiga oo ladabaasho, run waxaa ugu wanaagsan amaanada ,beenna waxa ugu xun khiyaamada” . Abiibark Asidiq (RC)

”Wanaagana is fara xumaantana iska reeba ,ogaada qofka muslinka ahi ma dulleeyo naftiisa.Anigu waxaan la jiraa qofka taagta daran ilaa iyo inta uu yahay mid dulman”. Cisman Binu Cafan (RC)



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured