Diiwaan-gelin Haabkeed Lama Hayo,Siilaanyo-na Wuxuu Doonayaa Mudo Kordhin, Somalilandna Waxay Doonaysaa Madaxweyne Talinaaya oo Jidh ahaan Iyo Maskax ahaanba Bad Qaba Qormadii 1 aad:

0
Tuesday June 18, 2013 - 07:56:18 in Maqaallo by Super Admin
  • Visits: 1208
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Diiwaan-gelin Haabkeed Lama Hayo,Siilaanyo-na Wuxuu Doonayaa Mudo Kordhin, Somalilandna Waxay Doonaysaa Madaxweyne Talinaaya oo Jidh ahaan Iyo Maskax ahaanba Bad Qaba Qormadii 1 aad:

    mudadii uu siilaanyo uu xilka hayay golihii deegaanka ee hore waxaa loo kordhiyey hal mar, inkasta oo ay mudadii loo kordhiyey ku darsadeen mudo lix bilood ka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

mudadii uu siilaanyo uu xilka hayay golihii deegaanka ee hore waxaa loo kordhiyey hal mar, inkasta oo ay mudadii loo kordhiyey ku darsadeen mudo lix bilood ka Diiwaan-gelin Haabkeed Lama Hayo,Siilaanyo-na Wuxuu Doonayaa Mudo Kordhin, Somalilandna Waxay Doonaysaa Madaxweyne Talinaaya oo Jidh ahaan Iyo Maskax ahaanba Bad Qaba Qormadii 1 aad:

mudadii uu siilaanyo uu xilka hayay golihii deegaanka ee hore waxaa loo kordhiyey hal mar, inkasta oo ay mudadii loo kordhiyey ku darsadeen mudo lix bilood ka badan oo sharci daro ah,golaha wakiilada mudadii uu siilaanyo xilka hayay waxaa loo kordhiyey laba jeer oo labadaa jeer hadii la isku daro mudada loo kordhiyeyna ay tahay shan sanadood,waana muadadii la doortay mudo la mid ah ,golaha guurtida mudadii uu siilaanyo xilka hayay waxay isu kordhiyeen mudado laba jeer ah oo labadaa jeerna waqtiga ay korarsadeen hadii la isu geeyana ay ka badan tahay lix sanadood.


hadaba saaxiibayaal dhacdooyinkaa hore waxaan idinku soo qaaday nin horaa yidhi iyada oo ay goor subaxnimo ah ay tahay cadceeduna ay siideysay falaadho uu heer kulkoodu sareeyo Alla saaka cadceedu kululaa markaasuu nin kalena ugu jawaabay bal xayta xageeda u dareertayna ka waran ,akhristow waxaad is weydiisaa meesha waxaaso mudo kordhin ahi ka dhacday mudadii koobnay ee uu siilaanyo xilka hayay iyo maanta oo nin siilaanyo mudo kordhin uga baahani aanu jirin, marka la eego jidh ahaan iyo maskax ahaanba.

dhinaca kale hadii aynu iska taagnana labada doorasho ee dhabarka la isugu xidhay doorashada golaha wakiilada iyo doorashada madaxtooyada ee umada loo sheegay inay dhacayso bisha juun ee 2015-ka waxaa shardi looga dhigay labada gole baarlamaana ay ansaxiyeen in aan labadaa doorasho lagu geli karin diiwaan gelin la´aan waxaana markiiba soo dibad baxday in la ma jaro habaabiyey diiwaan gelintii oo la yidhi waxaa diiwaan gelinta qabanaysa oo maamulaysa wasaarada arimaha gudaha halkii ay diiwaan gelinta masuuliyadeeda qaadan lahaayeen komishanka qaranku ,arintam ujeedadii laga lahaana akhtirow waxay ahayd in ay qaadacaan oo ay diidaan xisbiyada mucaaradku waxayna aynu og nahay in ay xisbiayada mucaaradku diideen diiwaan gelintaa ay wasaarada arimaha guduhu wado.

waxaana hubaal ah iyada oo ay arintu halkeedaa taagan tahay ay dhamaandooto mudada laabda sanno ahi ka dibna la odhan doono mudada kordhintu waa xal ee mudada ha la kordhiyo, gudoomiyaha golaha guurtiduna waa saleebaan gaal oo ah nin ay qabyaaladu ku talaalan tahay ,waxaanu saleebaan gaal ahaa ninkii tegay magaalada burco sanadkii 1995-kii oo beeshooda ku yidhi magaalada waxaa ka dhacaaya dagaal kooban oo laba sacadood qaadan doona oo magaalada lagaga sifeynayo maleeshiyo beeleed ee idinku albaabada uun xidha laba sacadood oo kaliya albaabada xidha wixii ka dhacayna waa la ogaa.

waxa kale oo xusid mudan horaantii sanadkii 2002-dii oo uu saleebaan gaal mucaarad ku ahaa madaxweyne cigaal wuxuu ka hadlay isaga oo jooga magaalada burco idaacada BBC-da waxaanu yidhi mudadii cigaal la doortay way dhamaatay dawladina ma jirto dadkana waxaan ugu baaqayaa in aysan cashuurta bixin ,waxaaba se intaa ka sii darnayd markii ay marxuum cigaal wadaado ka soo jeeda beesha siilaanyo iyo saleebaan gaal ay warbaahinta ka weerareen marxuum cigaal markaa ka dibna cigaal wuxuu ka hadlay khariyada hargeysa isaga oo si guud mar ah umada ugu sheegaya in saleebaan gaal iyo wadaada beeshiisa ka soo jeedaa ay qabyaalad isku soo raaceen,waxaanu marxuum cigaal yidhi anigu reer hebel odhan maayo laakiin saleeban gaal iyo wadaada beeshiisa ka soo jeeda hadii ay sidan wax ka bedel waayaan hadalka kiisa adag baanu idin kula hadli .

hadaba saaxiibayaal waan dhacdadaa hore idinku soo qaaday todobaadkan aynu ku jirno mar aan booqasho ku tegay magaalada burco ayay ragga aanu ehelka iyo asxaabta aanu nahay ee ka soo jeeda beesha siilaanyo iyo saleebaan gaal waxay igula kaftameen in aan beeshooda ku fara kululahay ,aniguna waxaan xasuusinayaa hadii raggaa ila hadlayay ay ku indho dilaacsadeen saleebaal gaal oo gudoomiyaha guurtida ah nin aan u sheego in uu shalay hogaamiye kooxeed ahaa iyo in aan u xaqiijiyo dadweynaha sugaya doorasho la qabto laba sanno ka dib in aysan ahayn mid ay siilaanyo iyo saleebaan gaal u fadhiyaan , iyada oo marxalada uu maanta siilaanyo ku sugan yahay lagu qarin karo mudo kordhin kaliya hadii se ay doorasho uu isu soo taago ay noqoto ay soo dibad bixi doonaan waxa umada laga qarinayo oo ah in aanu Siillaanyo miyir qabin ee uu yahay shaqsi asaasaqay maskax ahaan iyo jidh ahaana aanu u bedqabin, waalidiisana ay qaraniyaa xirsi oo xidhiid la leh urur Asha-baab iyo Aamina Weris oo hantidii dalka boobaysa, saaxiibna ay la tahay Xirsi, awooddii odayguna ay I gacan gashay xirsi iyo Aamina Weris labadoodaba waxaa ka dhexeeya xidhiidh qarsoodi ah friendship, taasoo xirsi xidhiidhka Aamina Weris uu ku helay hanti aad u badan. waxaanan idinku dhaafayaa mid ka mid ah suugaantii Allaha u anxariistee Abwaankii Yuusuf Xaaji Adan (Qabile) ee uu yidhi

Sidan Waan Naqaanaa Sidanna Waanu Garanaa

Haday Gacantu Sidan Tahay Sir bay Cidhib Ku Leedahay.

hadaba isku soo wada duuduboo Diiwaan-gelin Haabkeed Lama Hayo,Siilaanyo-na Wuxuu Doonayaa Mudo Kordhin, Somalilandna Waxay Doonaysaa Madaxweyne Talinaaya oo Jidh ahaan Iyo Maskax ahaanba Bad Qaba.

la soco taxanaha danbe ee qormooyinka

Qalinkii:C/risaaq Suudi Nuur

Tel:4425243

Email:suudi88@gmail.com
Hargeysa/Somaliland


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured