ROF. AXMED ISMACIIL HSAMATAR OO ARDAYDA JAAMACADA ADMAS U JEEDIYEY KHUDBAD KU SAABSAN WAXBARASHADA IYO HORUMARKA IYO GABAY LAGU SOO DHAWEEYAY!

0
Saturday June 15, 2013 - 19:26:05 in Maqaallo by Super Admin
  • Visits: 2083
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    ROF. AXMED ISMACIIL HSAMATAR OO ARDAYDA JAAMACADA ADMAS U JEEDIYEY KHUDBAD KU SAABSAN WAXBARASHADA IYO HORUMARKA IYO GABAY LAGU SOO DHAWEEYAY!

    Professor Axmed Ismaaciil Samatar ayaa Khudbad aqooneed qeemo leh u jeediyey ardayda jaamacada Admas, kaas oo si qoto dheer

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Professor Axmed Ismaaciil Samatar ayaa Khudbad aqooneed qeemo leh u jeediyey ardayda jaamacada Admas, kaas oo si qoto dheer
Professor Axmed Ismaaciil Samatar ayaa Khudbad aqooneed qeemo leh u jeediyey ardayda jaamacada Admas, kaas oo si qoto dheer uga hadlay Waxbarashada iyo Horumarka. Munaasibad Professorku ka jeediyey Muxaadirada oo lagu qabtay Xarunta Jaamacadaasi ayaa waxa ka soo qaybgalay Maamulka Jaamacada, Macalimiinta iyo Ardayda, Wasiirka Kalluumaysiga iyo xubno kale. Ugu horayna waxa halkaasi hadal kooban oo soo dhaweyn ah ka jeediyey Gudoomiyaha Jaamacada Admas Ixsaan, kaas oo sheegay in Jaamacad ahaan ay farxad u tahay in uu uu la joogo aqoonyahan Soomaaliyeed Professor Axmed Ismaaciil Samatar oo caan ka ah gobolka, isla markaana sharaf iyo mudanaanba ku leh heer caalami inuu maanta madasha la joogo Jaamacada Admas. Waxaanu Ixsaan u mahadnaqay Mr Samatar inuu halkan uu uga jeediyo Mawduuc ku wajahan waxbarashada iyo Horumarka, waxaanu tilmaamay in Admas ahaan sidii caadada u ahayd cidii ay aqoon ku tuhmayaan ee dalka booqasho ku timaada ay aad u daba galaan oo ugu yaraan ay diirigalin iyo aqoontooda ay wax uga kordhiyaan. Waxaanu intaa ku daray in xafladani ay ka mid tahay mid ka mid ah kuwii hore, balse waxay kaga duwan tahay inay tahay mid aad u culus oo nin bahda aqoonta ku culisi uu caawa la joogo. Waxaanay ardaydu kaa sugayaan diirigalin (Motivation) ay ardaydu marka ay wax bartaan aanay meelahaa u tahriibin oo ay wadanka wax taraan ayuu sheegay Ixsaan, waxaanu intaa ku daray inuu Jaamacada iyo Somalilandba ku soo dhawaynayo Professor Axmed Ismaaciil Samatar.
Axmed Ismaaciil Samatar ayaa isaguna dhiniciisa sheegay in Horumarku uu yahay dad gartay inay isku yimaadaan oo ku heshiiyey mab’dana ka dhigtay dabeecad Irmaan oo ay ka mid yihiin Dhaqaalaha, Siyaasada, Dhaqanka oo ay ku sameeyaan horumarin xoog leh oo aan joogsanayn. Ardayda Jaamacadu waxa ay markii dambe waydiiyeen Professorka Su’aalo kuwaas oo Axmed Ismaaciil Samatar uu si hufan uga jawaabay. Dhinaca kale Maxamed Ismaaciil Xuseen oo isagu halkaasi Maanso uga tiriyey Axmed Ismaaciil Samatar waxa uu yidhi
Afartaa Xidhe Maanso
Araafrtii Hore Weeye
Halkii Aan Utiraabiyo
Murtidii Iga Hooya
Soomaaloo Isku Duuban
Hadii Aad U Ordaysay
Ood Ehelkaa Uga Baydhay
Ka Irdhawday Dadkaaga
Shantii Way Isa Seegtoo
Isma Aaminay See
Hadii Aad Wax Ogaatay
Waa Illaah Mahadiiye
Ka Istaaq Furulayso
Oo Wadankaagana Aamin
Waxaa Aad Ulanayso
Eed Muqdisho Ugu Aroortay
Axmadow Ummadaada
Ayaa Kuu Ogol Maanta
Adna Daacad Umuuji
Umadaada Usheeg
Inaad Koonfur Ilawday
Ood Midawgii Ogolayn
Kaftan Aan Gashadee
Waxa Aanu Qabnaa
Ictiraafka Dalkeena
Ee Amintaa Nagu Gaadhay
In Aan Is Hortaagto
Aadamaha Utusaysay
Umad Aan U Qalmayn
Oo Dhalanteed U Aroortay
Aan Ilawno Intii
Umal Aanu Qabnee
Eega Noo Odayee




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured