Waxqabadka Mugga-weyn ee u Ku Talaabsaday Maareeyaha Dekedda Berbera Eng. Siciid Xasan Cabdilahi Sannaad Gudihii?. Qalinkii Saki Xasan Saleeban

0
Thursday February 21, 2019 - 03:46:34 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 2233
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Waxqabadka Mugga-weyn ee u Ku Talaabsaday Maareeyaha Dekedda Berbera Eng. Siciid Xasan Cabdilahi Sannaad Gudihii?. Qalinkii Saki Xasan Saleeban

    "Xukuumaddu waxay Dekedda Usoo Iibisay Taaga Maraakibta soo xidha oo Casriya, Dab-demiska Badda (Syma boats), PILOT BOAT iyo dhisme Dabaq-dabahiya ah oo Hayadda Dekeddu dhisatay oo ka kooban 24 Xafiis iyo laba hool oo waaweyn iyo goob ay fadhiis

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Xukuumaddu waxay Dekedda Usoo Iibisay Taaga Maraakibta soo xidha oo Casriya, Dab-demiska Badda (Syma boats), PILOT BOAT iyo dhisme Dabaq-dabahiya ah oo Hayadda Dekeddu dhisatay oo ka kooban 24 Xafiis iyo laba hool oo waaweyn iyo goob ay fadhiistaan Kastamka. Waxa la keenay Wiishash waaweyn iyo qalabyo casriya…"
Xukuumadda uu hoggaamiyo Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, ayaa sannaad-2018-kii, iyo kan2019-ka  fulisay Mashaaric horumarineed Dekedda weyn ee Magaaladda Berbera, isla markaana kusoo kordhisay qalabyo baahi-weyn loo qabay, sidoo kalena dhismayaal iyo hanaanka shaqadda oo laga dhigay mid la jaan-qaadaya dekeddaha horumaray ee dunida, iyadoo isbedel la mahadiyey uu ku sameeyey Maareeyaha Dekedda Berbera Eng. Siciid Xasan Cabdilahi.
Waxqabadka mugga iyo miisaanka leh, ee Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi ka fulisay Dekedda Berbera sanaadka dhamaaaday ee 2018-kii,  waxaynu qodob-qodob u dul istaagi doonaa adeegga sannaadka sii dhamaanaya ay ka fulisay, iyaddoo aynu ku koobnaan doono waxqabadka u gaarka ah Xukuumadda Somaliland ee sannadkan la fuliyey, maadaama oo ay dekedda hadda wada-maamulaan Shirkadda DP World iyo Xukuumadda Somaliland. Ugu horeyn waxaynu Barnaamijkeenan kusoo qaadan doonaa isbedelka horumarineed ee ay ku talaabsatay Dekeddu mudada uu maareeyaha ka ahaa Siciid Xasan Cabdilahi oo isaggu noqday masuulkii ugu waxqabadka badnaa ee abid soo mara hoggaaminta Dekedda, isagoo sanaad gudihii ku gaadhsiiyey Dekedda darajooyin ay gaadhi-wayday 27-kii sanaadood ee Somaliland jirtay.
Ugu horeyn Xukuumadda Somaliland waxa ay dekedda Berbera usoo iibisay Taaga Maraakiibta soo xidha oo casriya, kaasoo ah 3000 oo horse power, isla markaana soo jiidaya Markaakiibta xajmigoodu gaadhayso 50000 kun. Halka Taagii hore ee Dekedda Berbera yaalay uu ahaa 1400 horse power, kaasoo ay 1976,-kii keentay dawladii xiligaasi ee Somaliya.
Taagan cusub oo ah nooc casriya, ayuu Maareeyaha dekedda Berberi kasoo Iibiyey dalka Turkiga, ayuu maareeyaha Dekedda Berbera Mudane Siciid Xasan Cabdilahi markii u dalka soo gaadhay, waxa uu Saxaafadda ka siiyey warbixin kooban, waxanu hirgelinta Taaga si gaar ah ugu boggaadiyey Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi, sidoo kale waxa ay Xukuumaddu Taaga ugu magac-dartay Madaxweynihii hore ee Somaliland Ilahay ha u naxariistee Maxamed X. Ibraahin Cigaal, Maareeyaha Dekeda Berbera, Siciid Xasan Cabdilaahi oo faahfaahin kooban ka bixinaya qalabkan ay ku guulaysteen inay keeneen dekeda Berbera ayaa waxa uu yidhi "Qalabkan casriga ah ee aanu keenay Dekeda Berbera wuxuu leeyahay Taag wata dhamaan qalabkii kale ee Dabdemiska, horena umaynaan lahayn debdemiska Badda. Waxa inoogu dambaysay ilaa 1976 oo dalka la keenay Taagii ugu horeeyey, intay Somaliland jirtayna lama keenin wax Taag ah oo cusub oo kan ka horeeyey. Ka Maareeye ahaan waxaan ku bogaadinayaa Madaxweynaha jamhuuriyada Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi oo nala garab galay keenista qalabkan, iyo sidii uu noogu fuli lahaa, isla markaana gacan weyn naga siiyey” ayuu yidhi Maareeyaha Dekeda Berbera, Siciid Xasan Cabdilaahi, mar uu faahfaahin ka bixinayey Taaga Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi usoo Iibisay Dekedda Berbera sannaadkan sii dhamanaya. 
Sidoo kale, waxa garab-socday Taaga Maraakiibta waawey soo xidha ee Xukuumaddu kasoo iibisay dalka Turkiga, qalab kale oo isna baahi-weyn ay u qabtay Dekeddu, kaasoo kala ahaa PILOT BOAT iyo weliba Dab-demiska (Syma boats) oo aanay waligeed yeelan dekeda Berbera oo ay si weyn ugu baahnayd. Iyaddoo qalabka Dab-demiska Badda ee u Maareeyuhuu keenay Dekeddu yahay mid taarikh hor ah, kaasoo hadii shil dab ahi ka dhaco Badda dhex-deeda gaar ahaan xadka Biyaha Somaliland gurmad ka geysan karo, isla markaana bakhtiinaya dabkaa noocu doonaba ha ahaadee.
Taaga Cusub iyo qaabka uu u daboolay Baahiyihii Dekedda ee soo xidhista Maraakiibta, ayuu dhowaan Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi soo kormeeray, dhowaan safarkiisi goboladda bariga, isagoo uu fuulay Madaxweynuhuu Taaga casriga ah, iyaddoo ay weheliyaan Maareeyaha Dekedda Berbera Eng. Siciid Xasan Cabdilahi iyo weliba masuuliyiintii safarka ku wehelinaysay, kuwasoo badda kusoo mushaaxay.
Sidoo kale, waxa iyanna waxqabadka Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi ka fulisay Dekedda Berbera kamid ah, dhisme dabaq ah, oo markaad indhaha ku dhufato, aad la ash-qaraarayso, kasoo ay yeelanayso Hayadda dekedduhu, waxana hirgelisay Xukuumadda Somaliland, isla markaana dhismihiisa, waxa la fuliyey mudadii uu maamulka Dekedda Berbera gacanta ku hayey Maareeye Siciid Xasan Cabdilahi, waxanu dhismahani ka kooban yahay 24 Xafiis iyo laba hool oo waaweyn iyo goob ay fadhiistaan waaxda Kastamka Dekeddu. Waxanu dhismahani wax-weyn ka bedelay muuqaalka guud ee Dekedda, isoo soo kordhiyey bilic Dahabiya.
Fulinta dhismahan ay dhisatay Hay’adda Dekeddaha Somaliland, ayaa dhowaan waxa xadhigga ka jaray Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi, oo kasoo u boggaadiyey Maamulka Dekedda Berbera, inay qaranka usoo kordhiyeen dhisme qurux badan oo waxka taraya Dekedda. Waxanu Madaxweynuhuu mid-mid u fuulay xafiisyada bilicda-san ee u xadhigga ka jaray, isaoo halkaa warbixin kaga dhagaystay Maareeyaha Dekedda Berbera Mudane Siciid Xasan Cabdilahi, waxanu yidhi Maareeyuhu, "Mudane Madaxweyne kani waa Dhismaha ay yeelanayso xarunta Dekeddaha Somaliland. Waa dhisme weyn oo ka kooban 24 Xafiis iyo laba hool oo waaweyn iyo goob ay fadhiistaan Kastamku. Mudane Madaxweyne dhismahani waxa uu Kamid yahay waxqabadkii mudadii Xukuumadaada aanu fulinay, annagoo ka duulayna awaamiirtaadii aadna fartay iyo Siyaasadaadii baanu fulinaynaa".
Marka aad milicsato Booqashadii Madaxweynaha Somaliland dhowaan ku tagay gudaha Dekedda Berbera, isla markaana aad daawato muuqaalada bilicda san iyo hanaanka wanaagsan ee dhinaca baratakoolka, waxa kusoo jiidanaya weedho iskugu jiray waano iyo bushaaro la xidhiidha filashada wacan ee qaranka Somaliland higsanaayo, maadaama oo la filaayo todobaadyada soo socda inay bilaabanto dhismaha dekedda cusub ee Berbera, waxa uu madaxweyne Muuse Biixi soo kormeeray goobta loo asteeyey in la dhiso Dekedda cusub, waxanu goobtaas ka jeediyey Madaxweynuhu hadal kooban, balse saameyn balaadhan ku reebay dheggaha shacabka.
Waxanu Madaxweynuhu marka hore halkaas warbixin kaga dhagaystay Maareeyaha Dekeddu Siciid Xasan Cabdilahi, oo isaggu sharaxaya goorta ay bilaabmayso iyo sidoo kale hadii laba sanno gudahood ay ku dhamayn waayaan shirkadda qandaraaska la siiyey ciqaabta ay la kulmi doonaan waxa uu yidhi Maareeyuhu. "Halkani Madaxweyne waa goobta laga dhisaayo Dekedda cusub, waxana halkaa inooga muuqda dhuumihii Haamaha Shidaal, sidaas daraadeed, waxa dhuumaha la rarayaa Hal Kiilo-miter, Waayo waa halis. Sidaas daraadeed dhismuhu wuxuu ka bilaabmayaa halkan 400 ee Miter xagaasay u soconayaan, dhowaana way bilaabmaysaa Dekeddu, Kambanigii ku guuleystay dhismaha wuxuu qalabkiisi nasoo gaadhayaa insha allah December 16-keeda, sidaas daraadeed, mudadaa 24-ka bilood dhexdooda inay ku dhamaato ayaa heshiiska Lagu saxeexay. Hadii ay dib u dhac sameeyaan waxa ku dhacaya ganaax weyn ayey Kala kulmi doonto Dawladda Somaliland, Madaxweyne inaad ku ducayso ayaanu kaaga baahanay".
Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi waxa uu ka hadlay goobta laga dhisaayo Dekedda cusub, isagoo aad uga mahad celiyey waxqabadka Hayadda Dekedda samaysay, sidoo kalena waxa amaro faray Dp World iyo Maareeyaha Dekeda, Kuna waaniyey inaan shaqo muwaadin qaban Karo aan ajanabi ka shaqayn, isagoo arrimahaa ka hadlaya waxa uu yidhi Madaxweynuhu, "Qoladiinan Dekedda maamusha waxa la idinka rabbaa wixii shaqo iyo qandaraas idinka baxaya inay cadaalad ku baxaan, cabasho yey halkaa kasoo noqon, Dp World waa inaad Maareeye ku kaantarooshaa. Qodobka labaad meeshaa wax Somaliland karayso ee qalab ama aqoon waa inaaanay cid kale keenin, qoladan Dp World sidaasaad kula shaqaynaysaa Maareeye. Qodobka Sadexaadna waxa weeye, dadka deeganka, qiyaasta waa la iska garanayaa waxa loo reebayo, Waayo beri meelbaa laga helayaa dheeman, meelbaa laga Helaya Badrool meelbaa laga helaya, deegankana waa in sidaas loo fahamsiiyaa, oo waa inaanay dhicin dad aan aqoonin inay waxay doonaan ka hadal labadaas qodobaad ku dedaalaysaa". Ayuu yidhi Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi.
Dhinaca kale, waxqabadka mugga leh ee Maareeyaha Dekedda Berbera Siciid Xasan Cabdilahi ku sameeyey Dekedda Berbera, waxa kamid ah isbedel dhinaca shaqadda iyo waqtiga ah oo ka hirgeliyey. Dekedda Berberi waxa ay hore u ahaan jirtay mid shaqeysaa saacadaha Maalintii uun, balse Maareeyaha Dekeddu waxa uu ka hirgeliyey nidaam casriya oo dekeddu kaga dayanayso dekedda dhiggeeda ah ee geeska, iyadduu muddo sided bilood ah, Dekeddu shaqeyso 24-ka saacadoodba, isla markaana ay is bedelaan sadex qaybood ee shaqaale ah, maalin iyo habeenbaa, iyaddoo koox kastaaba shaqayso 8-saacadood sida aduunweynaha oo kale. Nidaamka dhinaca waqtiga ee shaqada dekeddu waxa uu wax wey ka bedelay dhaqdhaqaaqa ganacsi ee dalka iyo isticmaalka dekedda Berbera, waxana kor-u-qaadmay badeecadaha laga soo dejiyo, iyadoo sidoo kalena ay kusoo xidhaan dekedda habeen iyo maalinba Maraakiibtu. 
Waxa kaloo, iyanna xusid mudan in Maareeyaha Dekedda Berbera ku guuleystay xalinta Mushkilado tiro badan oo u kula wareegay Dekedda Berbera oo albabaadu u xidhan yihiin, isla markaana ay ka jiraa khilaafyo sadex-geesood ah iyo kuwo kaloo is barkanaa, waxana kamid ahaa khilaafyadaas.
Maareeyaha Dekedda Berbera Eng. Siciid Xasan Cabdilahi, waxa uu ku Guuleystay, isla markaana soo af-jaray xiisado ama kacdoono maaradooda la waayey oo ragaadiyey shaqada Dekedda, kuwasoo kala ahaa sidan. Xalinta Khilaafkii Shaqaalaha Muruq-maalka Dekeda iyo Dp World ka dhex-taagnaa, khilaafkii kale ee isna cirka isku shareeray ee Bulshada Deeganka Saaxil ku diidanaayeen gacanku haynta DP World ee Dekedda Berbera, Shaqaaqadii iyo murankii albaabada u xidhay dekeda ee u dhexeeyey Ganacsatada dalka ee isticmaasha Dekedda iyo maamulka DP World, iyo sidoo kale arrimo ay Kamid yihiin Xuquuqda shaqaalaha dekeda, Tayeynta adeegga Dekedda, Isla jaan-qaadista maamulka DP World iyo Somaliland, ku Wada-shaqeynta heshiiskii la galay, dayactirka qalabkii hore ee Dekeda iyo kan cusub ee la keenay.
Guulaha iyo waxqabadka noociisa aan weli hore loo arag, ee Maareeyaha Dekedda Berbera Eng. Siciid Xasan Cabdilahi, ku tallaabsadday, ayaa lagu sheegay waxyaabaha u fudeydiyey, inuu daacad ka noqday gudashada waajibaadkiisa shaqo ee uu qaranka uga waakiil yahay.
Tusaale ahaan, arrinka xalinta shaqa joojintii Muruq-maalka Dekedda sida joogtada ah usoo noq-noqon jiray, xiligii hore waxa uu maareeyuhu ku dhammeeyey waqti yar oo kooban, iyaddoo arrimaha u fudeydiyey ay Kamid ahayd, inuu daacad ka ahaa, arrimaha, isla markaana aanu dhicna u xaglin, waxanu dul istaagay halka sartu ka qudhuntay ee is-faham waagu ka taagnaa. Waxanu aakhirkii ku får daamiyey inuu wax walbaa sidoodii caadiga ahayd kusoo dabaalo dedaal dheer, kaddibna waxa uu ku guuleystay in aanay dib isku taagin shaqo maalmeedkii Dekeddu.
Sidoo kale, waxa xusid mudan, inuu Maareeyaha Dekedda Berbera Eng. Siciid Xasan Cabdilahi, uu sabab u noqdo, yareeyntii ama soo af-jaradii xiisadii mucaaridnimada lahayd ee shacabka Somaliland ku diidanaayeen Shirkadda Maalgelinta ku samaynaysaa Dekedda Berbera ee Dp World.
W/Q
Saki Xasan Saleeban 
Berbera / Somaliland.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured