Shan Kun oo Muwaadin, ayaa Kala Diri-kara Maayirka Caasimada iyo golihiisa deegaanka, Waa Qodob Sharci.. Awooda Muwaadiniintu xaqa u leeyihiin iyo mooganaantooda...?.

0
Tuesday October 16, 2018 - 01:35:25 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 2095
  • (Rating 1.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Shan Kun oo Muwaadin, ayaa Kala Diri-kara Maayirka Caasimada iyo golihiisa deegaanka, Waa Qodob Sharci.. Awooda Muwaadiniintu xaqa u leeyihiin iyo mooganaantooda...?.

    Shan Kun oo Muwaadin, ayaa Kala Diri-kara Maayirka Caasimada iyo golihiisa deegaanka, Waa Qodob Sharci.. Awooda Muwaadiniintu xaqa u leeyihiin iyo mooganaantooda...?.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Shan Kun oo Muwaadin, ayaa Kala Diri-kara Maayirka Caasimada iyo golihiisa deegaanka, Waa Qodob Sharci.. Awooda Muwaadiniintu xaqa u leeyihiin iyo mooganaantooda...?.
Hargeysa(Xogreebnews.com) Iyadoo ay maalinba Maalinta ka dambaysa,  ay isa-soo tarayaan Cabashooyinka kasoo Yeedhaya dadweynaha Caasimada Jamhuuriyada Somaliland ee Hargeysa, taasoo ku salaysan Cadaalad darro iyo sinaan La'aan aanay maamulka golaha deegaanka Caasimaddu u sinnayn Degmooyinka ay xukuumaan, balse qaarna sad-bursiimo loo tiriyo badhna sheegaan inay dulman yihiin, ayaa waxay shacabkii soo doortay mudanayaasha deegaanka waxa arrinkoodu kusoo ururay oohin ay lasoo istaagan Warbaahinta, iyagoo hilmaamsan awoodooda uu siiyey sharciga golayaasha deegaanka Somaliland, ee ismaamulka golayaasha deegaanku.
Sidaas daraadeed muwaadin waxaad leedahay awood, ama jaanis aad ku Kala diri karto golayaasha deegaanka ama Maayirka ku duudsiyey. Awoodaas oo ah mid la heli Karo, isla markaana lagu Kala diri Karo Xildhibanada golayaasha deegaanka heer kastoo ay yihiin. Sida uu dhigaayo XEERKA ISMAAMULKA GOBOLLADA IYO DEGMOOYINKA JSL. ( XEER LR. 23/2002 ). Kaasoo QODOBKA 29’aad KALA DIRIDDA GOLAHA. Farqadiisa afaraad si cad ugu sheegay in dadweynaha ku nool goboladdu leeyihiin awood ay ku Kala diraan mudanayaasha golaha deeganka, tusaale ahaan qodobkani wuxuu leeyahay dadweynaha ku nool caasimada A-da ah, waxay bulshadu awood u leedahay in 5000, qof iska diiwaangeliyaan Maxkamada sare, isla markaana ku dalbadaan in shaqada laga joojiyo Maayirka iyo golaha deegaanka, iyadoo maxkamadduna ku qasbanaan doontaa Fulinta Codsiyada Muwaadinta. Sidoo kale xeerkani waxa uu mar kale Janis kaa hore ka yar siinnayaa, Degmooyinka B-da C-da iyo D-da oo iyagga laga doonayo inay Maxkamada ka ashkateeyaan 2000 oo muwaadin golayaasha deeganka.
Hadaba Muwaadin si fiican u adeegso awoodaada sharcigu ku siiyey, isla markaana kula xisaabtan golahaaga deegaanka ee aadka cabanayso. 
Faldan Halkaan Hoose si wanaagsan uga Akhri Qodobka Xeerkan. Oo ku dhaqan.
"... QODOBKA 29’aad KALA DIRIDDA GOLAHA.
Marka ay (3) kalfadhi oo is xiga sabab la’aan, Degmooyinka Darajada "A” & "B” fadhiyadoodu u qabsoomi waayaan. Degmooyinka Darajooyinka C, & D hadii 4 Kalfadhi oo isku xiga sabab la’aan u qabsoomi waayaan.
Marka ay (1/3) xubnaha Goluhu soo jeediyaan (2/3) Na ansixiyaan.
Marka Guddi qaran oo gaara ah oo madax banana oo madaxweynuhu u magacaabay xilka kala diridda ay soo baadhaan gefafka dhacay ee lidka ku
ah xilgudashadooda warbixin iyo talooyin cadna ka keenaan.
4. Marka dadweynihii soo doortay ee Degmooyinka Darajada "A” (5,000) Shan Kun oo Qof Maxkamadda Gobolka iska diiwan galiyaan kuna hor saxeexaan, soona jeediyaan in la kala diro Golaha sidoo kale Degmooyinka Darajooyinka "B” "C” & "D” na waa 2000 oo Qof.
Dadweynaha soo jeedinaaya Codsiga kala dirida wax u shardi ah inay deggan yihiin Degmada kana diiwaan gashan yihiin, isla markaana buuxiyaan shuruudaha Codeynta Ee sharciga doorashooyinku jideeyeen.
Marka Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Guduhu uu ku qanco, hubiyana xaqiijinta inay jebiyeen ama ay ku sifoobeen Arrimaha ku xusan Qodobkan Ee sababta kala dirida Golaha, wuxuu Wasiirku Awood u leeyahay, in uu soo jeediyo kala dirida Golaha, una gudbiyo Madaxweynaha oo leh Awoodda kama dambaysta ah ee kala diridooda, iyada oo loo marayo maxakammadda awooda u leh kala diridooda ee Heer gobol.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured