Wasiir Raad-barad ah, oo Ka tirsan Xukuumada Madaxweyne Muuse Biixi oo Sheegay Bank laga Leeyahay China inuu Somaliland ku Maalgelinayan 1-Billion Dollar Iyo Bangiga oo aan Meelna Aduunka ka Diiwaangashanayn+ Maafiyadan oo Macdanta ka guranaysa Laasgeel Iyo Buurta Gacan-libaax.....

0
Monday August 27, 2018 - 04:34:58 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 2510
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiir Raad-barad ah, oo Ka tirsan Xukuumada Madaxweyne Muuse Biixi oo Sheegay Bank laga Leeyahay China inuu Somaliland ku Maalgelinayan 1-Billion Dollar Iyo Bangiga oo aan Meelna Aduunka ka Diiwaangashanayn+ Maafiyadan oo Macdanta ka guranaysa Laasgeel Iyo Buurta Gacan-libaax.....

    Wasiir Raad-barad ah, oo Ka tirsan Xukuumada Madaxweyne Muuse Biixi oo Sheegay Bank laga Leeyahay China inuu Somaliland ku Maalgelinayan 1-Billion Dollar Iyo Bangiga oo aan Meelna Aduunka ka Diiwaangashanayn+ Maafiyadan oo Macdanta ka guranaysa Laas

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiir Raad-barad ah, oo Ka tirsan Xukuumada Madaxweyne Muuse Biixi oo Sheegay Bank laga Leeyahay China inuu Somaliland ku Maalgelinayan 1-Billion Dollar Iyo Bangiga oo aan Meelna Aduunka ka Diiwaangashanayn+ Maafiyadan oo Macdanta ka guranaysa Laasgeel Iyo Buurta Gacan-libaax.....
Hargeysa(Xogreebnews)-Wasiirka Maalgashiga Somaliland Mohamed Ahmed Mohamoud (Cawad), ayaa sheegay inuu  heshiis Isfaham ah oo 1- bilyan oo dollar ku baxayso la galay Bank uu magaciisa Ku sheegay Bank Maxtor. Bank-kaasoo haba-yaraatee aan ka diiwaanshanayn dunida, isla markaana aanu jirin wax maalgelina uu sameeyey iyo meel uu ku yaalo midna.
mashruucan ayaa sida uu sheegay Wasiirku waxa laga fulinaya Deeganka Laas-geel iyo Buurta gacan Libaax oo ah, goobo Taariikhiya, isla markaana ay taalo Ataar Taarikheed iyo macdan kala duwan. Sidana waxa uu Wasiirka Maalgashiga Somalilan Mohamed Ahmed Mohamoud (Cawad), ku sheegay shir-saxaafadeed uu xafiiskiisa ku qabtay, iyadoo ay ku wehelinayaan Agaasimihiisa guud iyo saddex xubnood oo Chines ah oo ku sheegay inay wakiilka yihiin Bank aan diiwaangashayn, kaasoo lagu magacaabo Bank Maxtor, isaggoo Wasiirku la galay heshiiska 1Billion Dollarku baxayso.
Wasiir Cawad oo faahfaahinaya dhaqaalahå 1-ka Billion ee Dollarka badan ee Bank Maxtor ku bixinaaya Somaliland Iyo mashaaricda lagu qabanaayo Lacagtaa waxa uu yidhi, "...Waxanu isku afgaranay Wakiilada Bank Maxtor oo dalka China laga leeyahay oo ah Bank caalamiya inuu Somalilan ku gelinaya, 1- Billion Dollar, waxana lagu dhisayaa Magaalo Jaamacad leh, Beer Xayawaanka Duur-joogta lagu xanaaneeyo, Dukaamo Super-marketyo ah, Huteelo Super Star ah, intaas waxay gelinayaan Lacag dhan Hal Billion oo Dollar. lacagayow Kalana way sheegayaan lkn hada Heshiiskanu galnay waxa ku fadhiya 1 Billion Dollar. Waxaynu helaynaa aqoon badan iyo ilbaxnimo, shaqo abuurbaa dhacaya. Maxaad u malaynsaan hadii dhaqaalaheena?. 1- Billion Dollar gasho wax badanbaa isbedelaya".
Hadaba mashruucan ayaa sida uu sheegay Wasiirku waxa laga fulinaya Deeganka Laas-geel iyo buurta gacan Libaax oo ah, goobo Taariikhiya, isla markaana ay taalo Ataar Taarikheed iyo macdan kala duwan. Shabakada Xogreebnews.com waxay baadhis ku samaysay, xaqiiqadda Warkan Wasiirku bulshada u sheegay, waxana baadhistaa kasoo baxday inay tani noqonayso beentii dunida ugu weynayd ee u sheego masuul Xil umaddeed haya, waxana cad oo markhaati ma doon ah, inay kooxdan chineska ahi, doonayso inay gurtaan macdanta kala duwan ee deegaanada ku jirta, mana jirto wax maalgelina oo 1 Billion Dollar, Iska daayo aanay boqol kun oo dollar ah laga fulinaayo gudaha dalka.
Hadii aynu dib u yara milicsano dhamaan Bananka laga leeyahay dalka China waxa %50 Iska leh dawlada, mana jiro Bank China ku yaala oo private ah oo maalgelin sameeya. Teeda kale, qof kasta oo reer Somaliland oo akhriya warkan, waxanu ka codsanaynaa inuu sameeyo baadhis ku saabsan magaca Bank, oo aan meelnaba ka diiwaangashanayn dunida qof kastaana wuu Google.garayn karaa si u xaqiijiyo xogta warkan.
Dhinaca kale, hadii aynu uba raacno tan wasiir Cawad sheegayo, "1-ka Billion ee Dollar" siiga yaraa!!!. Runtii Lacagtan 1 Billion Dollar, ahi waa dhaqaale aad u badan, mana aha waxa la odhan karo sidaas fududbaa lagu bixiyey. Hadii aan taa Wasiirka uba raacno markale, muxuu Bank Maxtor, Inaga doonaysaa ilay 1 Billion Dollar, bay inagu maalgelinaysaa buu yidhi wasiirkuye, oo muu odhan way inaggu caawinayaanee, imisa Billion oo kale ayey inagga doonayaan?. se waxay gelinayaan waxa uu ku sheegay dalxiis, beero Xayawaan, jaamacad Iyo iyo waxyaabo kale oo lamid ah oo aanu dhaqaale kasoo baxay. Sidaas daraadeed yaa siinaya dhaqaalaha ka baxay.
Sidoo kale waxa iyanna iswaydiin mudan imisa sanadoodbay inala joogayan China'se sideebay u helayan dhaqaalahood,  arrimahaas iyo kuwo kaloo badan waxaynu doodeeda iyo falan-qayntoodaba u dhaafaynaa Bulshada Somaliland Iyo aqoonyahanka umadda.
Iyaddoo talaabadan Wasiir Cawad iyo Maafiyadan Chineeska ahi, bulshada lasoo hor fadhiistee ay durba ka dhalatay fadeexad hor leh oo Wasiirkani usoo jiiday Xukuumada Madaxweyne Muuse Biixi, isla markaana uu Wasiir Cawad oo dhalinyaro ahi caayey garaadka Bulshada Wasiirka u yahay. Si kastaba ha ahaatee sheekadan ayey qaybaha bulshada ee faalaysay ku tilmaameen riwaayad, uu Wasiirku isleeyahay kursiga kusii fadhi, wallow uu illaaway indhaha bulshaddu inay qabtaan Filimada dhalanteedka ah ee noocan oo kale ah, isla markaana aanu Madaxweyne Muuse Biixi laftiisu ka helin durbaanada noocan ah. Halkan kasii akhri Websiteka Wasaarada Maalgashiga Somaliland oo lagu daabacay heshiiskan. Sidoo kale daawo Muuqaalkan Fidyowga ah.
https://somalilandchronicle.com/2018/08/26/ministry-of-investment-signs-a-billion-dollar-deal-with-a-non-existent-chinese-bank/




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured