Hambalyo Madaxweyne Muuse Biixi iyo Maareeyaha Dekedaha Somaliland Eng Siciid Xasan Cabdilahi oo Ku Guulaystay Inay Isbedel Iyo Horumar-balaadhan kala Gaadhsiiyan Dalka iyo Dekedda Berbera..!. W/Q Farxan Cali Warsame.

0
Wednesday August 08, 2018 - 04:25:13 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 9138
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hambalyo Madaxweyne Muuse Biixi iyo Maareeyaha Dekedaha Somaliland Eng Siciid Xasan Cabdilahi oo Ku Guulaystay Inay Isbedel Iyo Horumar-balaadhan kala Gaadhsiiyan Dalka iyo Dekedda Berbera..!. W/Q Farxan Cali Warsame.

    Hambalyo Madaxweyne Muuse Biixi iyo Maareeyaha Dekedaha Somaliland Eng Siciid Xasan Cabdilahi oo Ku Guulaystay Inay Isbedel Iyo Horumar-balaadhan kala Gaadhsiiyan Dalka iyo Dekedda Berbera..!. W/Q Farxan Cali Warsame.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hambalyo Madaxweyne Muuse Biixi iyo Maareeyaha Dekedaha Somaliland Eng Siciid Xasan Cabdilahi oo Ku Guulaystay Inay Isbedel Iyo Horumar-balaadhan kala Gaadhsiiyan Dalka iyo Dekedda Berbera..!. W/Q Farxan Cali Warsame.
Waa arrin mudan in la boggaadiyo, marka hana-qaad iyo horumar ay ku talaabsato Xukuumadaadu,  waana sunne wanaagsan in masuulka waxqabad iyo tisqaad ku sammeeya Hayadda uu qaranka Waakilka uga yahay uu gaadhsiiyo inaad uga mahad celiso oo ku boggaadiso tacabka iyo tamarka uu dalka uga faaideeyey.
Sidaas daraadeed waxan qalinka u qaatay inaan Dawladda Madaxweyne Muuse Biixi iyo Maareeyaha Dekeda Berbera Eng Siciid Xasan Cabdilahi ku boggaadiyo horumarka dhinacyada badan ee Dekeddu gaadhay mudadii labadan masuul kala maamulayeen dalka iyo dekedda labadaba. Haddaba waxa aad isoo jiitay in uu maareeyaha Dekeddu ku guulaystay inuu shaqada Marsada ka dhigo mid 24-ka Saacadoodba shaqaysa, halka ay awal hore dekeddu lá shaqayn jirtay Cadceeddu markay soo baxdo iyo markay dhacdo uun.
Hada'se ilahay waxa uu inaggu simmay oo faaido qaranku wado leeyahayna ah in Saacad kastaba Albaabada dekeddeenu furan yihiin Alxamdulilah.
Sidoo kale, waxa xusid mudan in aanu qodobkaas oo keliya ahayn horumarka tisqaadka ah ee Dekeda Berbera u gaadhsiiyey Mareeye Siciid Xasan Cabdilahi, hase-yeeshee waxa kaloo Kamid ah, dhexda u xidhay Maareeye Eng. Siciid Xasan Cabdilahi uu u jeesto dhinaca waxqabadka iyo inuu daboolo baahiyaadkii lagama maarmaanka ahaa ee Dekeda Berberi qabtay, waxanu maamulka Shirkada DP World ku sanduleeyey inay keenaan qalabyadii daruuriga ahaa qaarkood, waanu ku geeleystay inuu keeno shan cagaf oo ah kuwo wax lagu raro ah oo u soo horumariyey.
Sidoo kale isla jaanqaadka maamul ee DP World iyo Somaliland  waxa uu albaabada u furay inuu koro dhaqdhaqaaqa ganacsi ee dekeddu, kaddib markii la habeeyey, isla markaana kor loo qaaday adeegyada ay bixiso Dekeddu, waxanu qorshahaasi sababay in habeen iyo maalin ay shaqeeyso dekeddu, oo aanay is taagin marnaba u adeegida bulshada ee Dekeddu.
Dhinaca Siyaasadda mandaqada waxay dekedda Berberi sannaadkan si weyn caan uga noqotay dunida, taasoo jiidatay indhaha caalamka.
Dekeda weyn ee Berbera waxa si toosa u maamula Xukuumada Jamhuuriyadda Somaliland, oo ah qaran madaxbanaan, sidoo kalena Dekedda Berbera waxa hada wada maamula Somaliland iyo Dp world, waxana la filayaa in sanaadkan daba yaaqadiisa ay si toosa u bilaabmaan mashaariicdii dib u dhiska Dekedda Berbera iyo dhismaha Deked cusub laga garab dhisi doono tan weyn ee Berbera. 
Hawlahaas fulintooda iyo ku daba galka Dp world waxa Somaliland u jooga Maareeyaha Dekedda Berbera Eng Siciid Xasan Cabdilahi oo ah shaqsi xula, oo si weyn ugu soo jeeda inuu horumariyo Dekeda qaran ee Berbera.
Maareeyaha faraca Somaliland maamusho ee Dekedda Berbera Eng. Siciid Xasan Cabdilahi, waxa uu ku Guuleystay mashaakilad badan oo ay tahli kari waayeen masuuliyiintii isagga xilka uga horreeysay, Tusaale ahaan waxa uu soo af-jaray xiisado ama kacdoono maaradooda la waayey oo ragaadiyey shaqada Dekedda, kuwasoo kala ahaa sidan. Xalinta Khilaafkii Shaqaalaha Muruq-maalka Dekeda iyo Dp World ka dhex-taagnaa, khilaafkii kale ee isna cirka isku shareeray ee Bulshada Deeganka Saaxil ku diidanaayeen gacanku haynta DP World ee Dekedda Berbera, Shaqaaqadii iyo murankii albaabada u xidhay dekeda ee u dhexeeyey Ganacsatada dalka ee isticmaasha Dekedda iyo maamulka DP World, iyo sidoo kale arrimo ay Kamid yihiin Xuquuqda shaqaalaha dekeda.
Guulaha iyo waxqabadka noociisa aan weli hore loo arag, ee Maareeyaha faraca Somaliland ee Berbera Eng. Siciid Xasan Cabdilahi, ku tallaabsadday, ayaa lagu sheegay waxyaabaha u fudeydiyey, inuu daacad ka noqday gudashada waajibaadkiisa shaqo ee uu qaranka uga waakiil yahay.
Tusaale ahaan, arrinka xalinta shaqa joojintii Muruq-maalka Dekedda sida joogtada ah u sameyn jireen, xiligii hore waxa uu maareeyuhu ku dhammeeyey waqti yar oo kooban, iyaddoo arrimaha u fudeydiyey ay Kamid ahayd, inuu daacad ka ahaa, arrimaha, isla markaana aanu dhicna u xaglin, waxanu dul istaagay halka sartu ka qudhuntay ee is-faham waagu ka taagnaa. Waxanu aakhirkii daamiyey inuu wax walbaa sidoodii caadiga ahayd kusoo dabaalo dedaal dheer, kaddibna waxa uu ku guuleystay in aanay dib isku taagin shaqo maalmeedkii Dekeddu.
Sidoo kale, waxa xusid mudan,  inuu Maareeyaha Dekedda Berbera Eng. Siciid Xasan Cabdilahi, uu sabab u noqdo, yareeyntii ama soo af-jaradii xiisadii mucaaridnimada lahayd ee shacabka Somaliland ku diidanaayeen Shirkadda Maalgelinta ku samaynaysaa Dekedda Berbera ee Dp World, oo hadda maamusha Dekedaas.
W/Q
Farxan Cali Warsame.
Berbera / Somaliland.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured