Shacab-weynaha Gobolka Saaxil oo Niyad-sami iyo Kal-furnan Kusoo Dhoweeyey Marwo Rooda Axmed Yaasin oo ku Dhawaaqday Inay Tahay Musharaxada Golaha Wakiiladda Gobolka Saaxil U Taagan....

0
Wednesday June 13, 2018 - 05:27:20 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1957
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shacab-weynaha Gobolka Saaxil oo Niyad-sami iyo Kal-furnan Kusoo Dhoweeyey Marwo Rooda Axmed Yaasin oo ku Dhawaaqday Inay Tahay Musharaxada Golaha Wakiiladda Gobolka Saaxil U Taagan....

    Shacab-weynaha Gobolka Saaxil oo Niyad-sami iyo Kal-furnan Kusoo Dhoweeyey Marwo Rooda Axmed Yaasin oo ku Dhawaaqday Inay Tahay Musharaxada Golaha Wakiiladda Gobolka Saaxil U Taagan....

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Shacab-weynaha Gobolka Saaxil oo Niyad-sami iyo Kal-furnan Kusoo Dhoweeyey Marwo Rooda Axmed Yaasin oo ku Dhawaaqday Inay Tahay Musharaxada Golaha Wakiiladda Gobolka Saaxil U Taagan....
Hargeysa (Xogreebnews)- Siyaasiyada caanka ah geyiga Somaliland Marwo Rooda Axmed Yaasin, ayaa si rasmiya shaaca uga qaaday inay u taahan tahay Musharrax Golaha Wakiiladda Somaliland oo doorashadiisu hada ka Hadhsan tahay muddo 9-bilood ah.
Marwo Rooda Axmed Yaasin, ayaa ka sharaxan gobolka Saaxil, oo ay Ku dhex leedahay saamayn xoogan oo shacbi, iyadoo 10-kii sanno ee u dambeeyey gaadhka haysay hantida shacab ee gobolka, isla markaana ahayd Siyaasiyad af Xisbi iyo mid deegaan labada Ku digaacday qadiyado dhaawac Ku ah guud ahaan shacabka Somaliland, gaar ahaana reer Berbera.
Marwo Rooda Axmed Yaasin oo kamid Madaxda sarsare ee Xisbiga Kulmiye, ayaa sidoo kale waxay kamid tahay shaqsiyaadka sida weyn ugu suntan guushii Madaxweyne Muuse Biixi kursiga Ku fadhiistay. Sidoo kale waxay Marwo Rooda Axmed Yaasin Ku barbaartay Magaalada Berbera, iyadoo weli degen isla Magaaladaas. Dadka aqoonta durugsan u leh Marwo Rooda Axmed Yaasin waxay Ku tilmaameen shaqsiyad mucjiso ah, oo kasoo baxaysa shaqadii loo diro, iyadoo aan weliggood hormuud ka noqon hadimo lagu waxyeelanaayo shacabka Berbera.
Teeda kale, shacab weynaha Magaalada Berbera, ayaa kal-furnaan iyo niyadsami Ku qaabilay musharaxada Golaha Wakiiladda Somaliland Marwo Rooda Axmed Yaasin, oo haysata aqlabiyada shacabka Gobolkaa. La soco qaybaha dambe.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured