Xukuumada Madaxweyne Muuse Biixi Oo Ku Guulaystay Inay Dalka Keento 54 Sano Kadib Taaga Maraakiibta Soo Xidha Iyo Dabdemiska Badda...Maareeyaha Dekeda Berbera Oo Ku Guulaystay Inuu Dalka Keeno Taag Heer Caalamiya...

0
Thursday May 31, 2018 - 23:08:24 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 4247
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xukuumada Madaxweyne Muuse Biixi Oo Ku Guulaystay Inay Dalka Keento 54 Sano Kadib Taaga Maraakiibta Soo Xidha Iyo Dabdemiska Badda...Maareeyaha Dekeda Berbera Oo Ku Guulaystay Inuu Dalka Keeno Taag Heer Caalamiya...

    Xukuumada Madaxweyne Muuse Biixi Oo Ku Guulaystay Inay Dalka Keento 54 Sano Kadib Taaga Maraakiibta Soo Xidha Iyo Dabdemiska Badda...Maareeyaha Dekeda Berbera Oo Ku Guulaystay Inuu Dalka Keeno Taag Heer Caalamiya...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xukuumada Madaxweyne Muuse Biixi Oo Ku Guulaystay Inay Dalka Keento 54 Sano Kadib Taaga Maraakiibta Soo Xidha Iyo Dabdemiska Badda...Maareeyaha Dekeda Berbera Oo Ku Guulaystay Inuu Dalka Keeno Taag Heer Caalamiya...
Berbera, (Xogreebnews.com) - Xukuumada uu hogaamiyo Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa mudo 54-sanno kaddib ku guulaysatay inay Maanta Dekedda Caalamiga ee Berbera ay keento Taag cusub oo maraakiibta waaweyn ku soo xidhi doonaa Marsada Berbera.
Maareeyaha Dekeddaha Somaliland, Siciid Xasan Cabdilaahi, ayaa ku guuleystay inuu dekedda Berbera keeno Taagan cusub oo 3000 oo horse power ah, kaas oo soo jiidaya Markaakiibta xajmigoodu gaadhayso 50000 kun. Halka Taagii hore ee Dekedda Berbera yaalay uu ahaa 1400 horse power,  isla markaana la keenay sanadkii 1976,-kii oo ay keentay dawladii xiligaasi ee Somaliya.
Taagan cusub oo ah nooc casriya ayaa maamulka dekedda Berberi ka soo Iibiyey dalka Turkiga, waxaanu Taagani wataa qalab dheeraad ah oo dekeddu u baahan tahay xiligan, kuwaas oo ay ka mid yihiin Dabdemiska (Syma boats) oo aanay waligeed yeelan dekeda Berbera oo ay si weyn ugu baahnayd. Sidoo kale 
Waxa qalabkan Kamid ah Pilot boat oo cari ah, kaasoo qadaya pilots Somaliland si ay u so xidhan halka ay awal huudhi yar raci jireen.
Maareeyaha dekedaha Somaliland Siciid Xasan Cabdilaahi oo mudo kooban xilka maamulka dekeda Berbera hayey ayaa ku guulaystay inuu durtaba daboolo baahiyaha aasaasiga ah ee lagama maarmaanka u ah dekeda Berbera, si ay ula tartanto dekedaha ku yaalama mandaqada Geeska Afrika iyo kuwa caalamkaba. 


Maareeyaha Dekeda Berbera, Siciid Xasan Cabdilaahi oo faahfaahin kooban ka bixinaya qalabkan ay ku guulaysteen inay keeneen dekeda Berbera ayaa waxa uu yidhi "Qalabkan casriga ah ee aanu keenay Dekeda Berbera wuxuu leeyahay Taag wata dhamaan qalabkii kale ee Dabdemiska, horena umaynaan lahayn debdemiskaasi Badda.
Waxa inoogu dambaysay ilaa 1976 oo dalka la keentay Taagii ugu horeeyey, intay Somaliland jirtayna lama keenin wax taag ah oo cusub oo kan ka horeeyey.
Ka Maareeye ahaan waxaan ku bogaadinayaa Madaxweynaha jamhuuriyada Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi oo nala garab galay sidii keenista qalabkani ay noogu fuli lahayd isla markaana gacan weyn naga siiyey” ayuu yidhi Maareeyaha Dekeda Berbera, Siciid Xasan Cabdilaahi, mar uu faahfaahin ka bixinayey qalabkaasi casriga ah ee la keenay Dekeda Berbera.

Qalabkan cusub ee Taaga loo yaqaano ayaa loogu magac daray madaxweynihii Labaad ee Jamhuuriyada Somaliland Alle ha u naxariistee Marxuum Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal.
Qalabkan Taaga ah ee dekeda Berbera hadda la keenay, ayaa sidoo kale wax weyn ka tari doona hawlaha shaqo ee ay dekeda Berberi hayso,  kaasoo kordhin doona koboca dhaqaale iyo suuqa ganacsi ee Dekedda Berbera  ay noqoto mid si weyn usoo jiidata maraakiibta caalamiga ah ee badeecadaha kala duwan u sida Somaliland iyo dalalka geeska Afrika.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured