Maxaa Sababay in Kooxaha Kubada Cagta Ee Ka Soo Jeeda Beesha Madaxweyne Siilaanyo Loo Kireeyo Hotelo, Halka Kooxahii Kalena La Dejiyey Iskuulo

0
Monday June 03, 2013 - 08:04:52 in Maqaallo by Super Admin
  • Visits: 1317
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxaa Sababay in Kooxaha Kubada Cagta Ee Ka Soo Jeeda Beesha Madaxweyne Siilaanyo Loo Kireeyo Hotelo, Halka Kooxahii Kalena La Dejiyey Iskuulo

    Qormadii 2 aad: cadaaladarada iyo qabyaalada, eexda,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qormadii 2 aad: cadaaladarada iyo qabyaalada, eexda,

Maxaa Sababay in Kooxaha Kubada Cagta Ee Ka Soo Jeeda Beesha Madaxweyne Siilaanyo Loo Kireeyo Hotelo, Halka Kooxahii Kalena La Dejiyey Iskuulo.

Qormadii 2 aad:

cadaaladarada iyo qabyaalada, eexda,qaraabo kiilka ka jirta somaliland ee aan qarsoodiga lahayn waxaa daliil u ah dhalinyaradii ka soo qayb gashay tartanka ciyaaraha gobolada ee somaliland oo qaarkood huteelo la dajiyey qaarna iskuulo.,

maah maah soomaaliyeedbaa jirta oo tidhaahda aniga oo aabahay la liita ayuu aabahayna aabihii keenay.

iyada oo ay dadweynaha reer somaliland ay marka horeba la yaabanaayeen sida loo kala takooray dhalinyaro la doonaayo inay kubada wada ciyaaraan ayay hadana ugu sii darsantay markii wasiirka dhalinyarada iyo ciyaaruhu uu warbaahinta Tv.iyada madaxa banaan ku cadaadiyey inay isticmaalaan internet-ka SOMTEL halkaa waxaa ka muuqanaysa in ay qabyaaladii ay gashay meel walba oo xataa ganacsigii ku jiro.

hadaba saaxiibayaal nin horaa yidhi nin weyn baan ahoo waramimayee waxaan arkay waaba la ogaan. shaki kuma jiro in dimuqoraadiyada soomaalidu uu yahay dusha ka sumuni hoosta ka sadex gambo wax kasta oo xumaadana xaqiiqada loo soo noqdaa ay tahay nidaamka beelaha tusaale ahaan maxamed siyaad barre wuxuu ahaa kaligii taliye dalkii soomaaliya ku qabsaday af-ganbi milateri oo aanu dhiig ku daadan 21/10/1969-kii hadana isagoon markiisii hore xukunka ku iman nidaam doorasho ah iyo mid beeleed midna markii sanadkii 1982-kii beeshii uu siyaad barre ka soo jeeday ee mareexaan ay arkeen in uu siyaad barre la anbaday xukunkii dalka waxay shir isugu yimaadeen magaalada muqdisho 3/4/1982-kii.

hadaba gurigii uu kulankaasi ay beesha mareexaan isugu timid wuxuu ahaa gurigii c/raxmaan jaamac barre waxaana ka soo qayb galay laba nin oo wasiiro ka ahaa dawladii markaa jirtay oo mareexaan ahaa oo la kala odhan jiray maxamed adan sheekh oo ahaa wasiirka caafimaadka iyo cuamr xaaji masale oo isaguna ahaa wasiirkii gaashaandhiga ee somaliya ,ganacsato,aqoon yahano iyo odayaal dhamaantoodba ka soo jeeda beesha mareexaan waxayna isku waafaqeen markii ay eegeen marxaladii uu dalku ku sugnaa xiligaasi in maxamed siyaad barre oo xukunka sii haya ay nusqaaan badani ugu jirto beeshooda qoyska siyaad barre iyo guud ahaanba umada soomaalida oo dhan suurta galna ay tahay in ay soomaaliya bur burto hadii uu siyaad barre uu xukunka sii hayo.

hadaba markii arinkaasi la isku waafaqay waxa la is weydiiyey intaa ay maanta isla garanay yaa siyaad barre u sheegi kara raggii goobta fadhiyay ee mareexaan badan koodu waxay yidhaahdeen indho laga baqaa ilahay bay ku yaalaan ee siyaad barre anagaa runta u sheegayna , akhristow waxaad ogaataa in ninka ay leeyihiin runtanu u sheegaynaa uu ahaa hogaamiye melateri oo hadii inta soo hor fadhiisataba uu amar ku bixiyo in la dilo cidi aysan is weydiseen , markii ay arintu ay halkaasi maraysay siyaad barre waxay beeshiisu ku war gelisay in ay doonayaan in ay kulan la qaataan waxaana xaruntii madaxtooyada ee villa somaliya la fadhiistay 15/4/1982-kii markii uu hadalku furmay ee raggii goobta fadhiyey ay hadalkii iska wada daba mareen si cadna ugu sheegeen in danta soomaaliyeed ta mareexaan iyo ta qoyska reer siyaad barreba ay ku jirto in uu xukunka ka tego ninkii odayga ahaa ee ay la hadlayeen ee siyaad barre wuxuu ugu jawaabay waan ka soo fikirayaa aniga ayaana war idinku soo celin doona raggii goobta ka hadlayna waxaa ugu hadalo cadaa labadii nin ee mareexaanka kaga jiray golaha wasiirada ee kala ahaa maxamed adan sheekh oo ahaa wasiirka caafimaadka iyo cumar xaaji masale oo ahaa wasiirkii gaashaandhiga.

hadaba maah maah soomaliyeedbaa jirta oo tidhaahda nin hadii uu ku hormaro waa la daba maraaye siyaad barre wuxuu raadiyey arinkan cida kula socota nimankan mareexaan, waxaanu soo helay rag labataneeyo nin ah oo ay ka mid ayaaheen ismaaciil cali abokor ,cumar carte qaalib ,cusmaan maxamed jeelle ,maxamed yusuf wayrax iyo warsame cali faarax dhamaantoodba labadii wasiir ee mareexaan shantan masuul ee kale ee aynu sheegnay iyo shan iyo toban nin oo kale ayaa xabsiga loo taxaabay 9/6/1982-kii waxaana maxkamadii badbaadada ee muqdisho ee uu gudoomiyaha ka ahaa maxamuud geelle yuusuf ay masuuliyiintaa aynu soo sheegnay ku riday xukun isugu jiray dil iyo xabsi daa'im 7/2/1988-kii qaylo dhaamtii caalamiga ahayd ee ka timid beesha caalamka ee siyaad barre la saarayna waxay sababtay in masuuliyiinta xabsiga laga siidaayo.

hadaba saaxiibayaal maanta weynu og nahay qabyaalada aan loo cumaamadin ee xukuumadan siilaanyo maah maah somaaliyeedbaa jirta oo tidhaahda Awr Mid gaan Geel buu ka Dhashay Siilaanyo-na habar jecluu ka dhashay waxana habar jeclo looga fadhiyey sidii ay mareexaanku siyaad barre runta ugu sheegeen in ay runta ugu sheegaan ,waxa se muuqata in ay qabyaalad isku raaxeen haday tahay siyaasiyiin,ganacsato iyo aqoon yahanada waxayna arintaasi keeni kartaa cawaaqib xumo ku timaada midnimadii iyo isku duubnidii somaliland.

Hadaba waxa layaabka lahi waxaa weeyan xukuumada siilaanyo oo ilaa ciyaarihii qabyaaladii gelisay oo ciyartoydii beesha madaxweyne siilaanyo waxay u kiraqysay hudheelo iyada oo loogu isticmalayo hantida qaranka ee ay maanta beesha madaxweyne siilaanyo gacanta ku hayso, hadaba dee kol hadii ilaa ciyaarihii la socda maxaa hadhay akhriste?

hadaba isku soo wada duuduuboo Maxaa Sababay in Kooxaha Kubada Cagta Ee Ka Soo Jeeda Beesha Madaxweyne Siilaanyo Loo Kireeyo Hotelo, Halka Kooxahii Kalena La Dejiyey Iskuulo.

La soco taxanaha qormooyinka danbe

Qalinkii:C/risaaq Suudi Nuur

Tel:4425243

Email:suudi88@gmail.com

Hargeysa/Somaliland




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured