Maareeyaha Dekedda Berbera Eng. Siciid Xasan Cabdilahi Khabiir Aqoonyahan ah oo Horumariyey Dekeda Iyo Fulinta Mashaariicda…!. Qalinkii Cabdifatax Cali Faarax

0
Thursday April 12, 2018 - 02:05:30 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 5122
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maareeyaha Dekedda Berbera Eng. Siciid Xasan Cabdilahi Khabiir Aqoonyahan ah oo Horumariyey Dekeda Iyo Fulinta Mashaariicda…!. Qalinkii Cabdifatax Cali Faarax

    Maareeyaha Dekedda Berbera Eng. Siciid Xasan Cabdilahi Khabiir Aqoonyahan ah oo Horumariyey Dekeda Iyo Fulinta Mashaariicda…!. Qalinkii Cabdifatax Cali Faarax

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maareeyaha Dekedda Berbera Eng. Siciid Xasan Cabdilahi Khabiir Aqoonyahan ah oo Horumariyey Dekeda Iyo Fulinta Mashaariicda…!. Qalinkii Cabdifatax Cali Faarax

Hoodada xilka iyo hoggaaminta suuban, waa loo dhashaa, sidoo kalena waxa lagu gaadhaa darajadda Ilahay iyo aqoon la barto. Sidaasi daraadeed waxaynu qormadan kooban ku eegi doonaa horumarka mustaqbalka dhow ee Dekedda Berbera, Maalgelinta Shirkadda Maamusha Dekedda Berbera ee DP World iyo doorka ku daba-galka fulinta mashaaricahaas ee dhinaca Xukuumadda Somaliland.

Ugu horayn Dekedda Berbera oo ay isha ku hayaan Dalal badan oo mandaqadda geeska afrika ku yaal inay ka dhigtaan marin ay wax ka dhoofiyaan, kalana soo degaan, gaar ahaan dalka aynu jaarka nahay ee Eithiopia oo ay ku noolyihiin dad gaadhaya 110 milyan oo go’doon ka ah Bad ay wax kala soo degaan, balse muddooyinkan danbe indhahoodu usoo jeesteen dekedda Berbera oo ku taal marin-biyood muhiim ah iyo goob Istaraajiyadeed, ayaa kaalinta koowaad kaga jira dalalka qorshahoodu yahay inay wax kala soo degan dekedda Berbera.

Si taasi u hirgasho-na waxa dhowaan si rasmiya loo bilaabi doonaa dhismaha Deked Cusub oo ay yeelan doonto Jamhuuriyadda Somaliland oo laga yagleelaayo dekedda hadda maamusha Dekedda Berbera.

Waxa kaloo dhismaha dekedda cusub garab socda adeegyo kala duwan oo lagu balaadhinayo iyo sidoo kale dayac tir qalabyada dekedda oo tayo badan, waxana qorshaha Xukuumadda Somaliland ee mustaqbalka iyo kan Shirkadduba yahay in dekedda Berberi noqoto midda ugu weyn Dekeddaha inaggu xeeran iyo weliba inay noqoto deked ay isticmaalaan qoomiyaddo kala duwan oo yeelata xidhiidh ganacsi oo tamariya. Dp World iyo Xukuumadda Somaliland ee u gadh-wadeenka ka yahay Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi waxa ka go’an in Free Zone-ka Dekedda Berberi la mid noqdo Free Zone-ka dekedda Dubai ee Jebel Ali, islamarkaana soo jiidan doono maalgashiga, dheeri gelin doono ganacsatada, abuuri doono shaqooyin cusub, kana dhigi doono Berbera marin badeed gobolka laga soo galo. Waxa kaloo Shirkadda DP World wajiga koobaad ee horumarinta dekedda Berbera oo ah Free Zone-ka oo ah 12KM2 kuna dhinac yaalla dekedda sanadkan la bilaabi doono dhismihiisa.

Sidoo kale, Xukuumadda Somaliland, oo door lexaad leh ku leh maamulka Dekedda Berbera, isla markaana uu Dawlada uga Wakiil yahay Maareeyaha Hay’adda Dekedda Eng. Siciid Xasan Cabdilahi oo ah aqoonyahan ku xeel-dheer maamulka iyo maareeynta iyo weliba dejenta ama fulinta mashaaricaha, ayaa geestiisaha waxa uu dhex-da u xidhay xaqiijinta himiladda shacabka Somaliland leeyihiin ee ah ka midho-dhalinta mashaaricaha maalgelinta Dekedda Berbera ee Dp World, waxanu masuulkani si fiican oo hufan ugu hagar-baxay mudadii ay wada shaqaynaayeen DP World xidhiidh iyo is faham shaqo oo aan mar keliya istaagin. Waxa kaloo xusid mudan inuu maareeyaha Hay’addaha Dekeddaha Somaliland Eng. Siciid Xasan Cabdilahi ku guuleystay inuu bakhtiiyo mushkilada kala duwan oo hore al-baabada ugu xidhay Dekedda Berbera.

Walow guud ahaan maamuladii Somaliland ee kala dambeeyey ay ku ammaanan yihiin sida ay u horumariyeen dekedda Berbera, haddana waxa aynu maanta xusi karnaa Maareeyaha Dekedda Caalamiga ah ee Berbera Eng. Siciid Xasan Cabdilahi inuu noqday mashiinka iyo aabaha horumarka dekedda Berbera ee caasimadda Gobalka Saaxil. Maareeye Siciid waa shakhsi runtii si weyn uga qeyb-qaatay guud ahaan horumarka dalka, gaar ahaan gobolka Saaxil oo uu astaan u yahay horumarka ka socda Dekedda Berbera oo qorshihiisu yahay deked ay ku soo hirtaan dalalka aynu jaarka nahay oo hilaadinaaya siddii ay adeegyaddooda ganacsi ugu isticmaali lahaayeen dekedda Berbera oo ay aad ula dhaceen baaxaddeeda iyo dib u dhiskeedaba. La soco cadadyada dambe.

W/Q

Cabdifatax Cali Faarax

Barbera/Somaliland

Image result for maareeyaha dekeda siciid xasanImage result for maareeyaha dekeda siciid xasanImage result for maareeyaha dekeda siciid xasanImage result for maareeyaha dekeda siciid xasan




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured