Waxaynu U Baahanahay Hogaamiye Yool Qaran Leh!

0
Monday June 03, 2013 - 07:54:59 in Maqaallo by Super Admin
  • Visits: 1715
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Waxaynu U Baahanahay Hogaamiye Yool Qaran Leh!

    Waxaynu U Baahanahay Hogaamiye Yool Qaran Leh!

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaynu U Baahanahay Hogaamiye Yool Qaran Leh!

Waxaynu U Baahanahay Hogaamiye Yool Qaran Leh!

Mar haddii ay jirto bulsho meel kuwada nool waxa iyan jiraysa inuu jiro ujeedo ka dhaxaysa oo la xidhiidha noloshooda taasi oo ay tahay in si dhow iyo si dheerba loo fuliyo, si taasi loo gadho waxa lagama maaran noqotay in la sameeyo dad ku haga ujeedada ka dhaxaysa si ay u gaadhaan yoolkooda. Kuwaasi ayaa noqda hogaamiyayal.

Halkaas waxa ka soo baxaya inay jirto ummada la hogaaminayo, hadaf la wadaagayo, iyo maamul hagaya. Waqtigan aynu joogno ah ee maaddadu qiimo badatay, qiyamkii wanaagsanaa uu la kulmayo tacaddi aan xadi iyo qiyaas lahayn ayaa keenaysa in la helo hogaamiye dhab oo leh yool iyo argti shishe oo wax ku ool ah.

Maamulku waa hab dabooli kara qayb kasta oo nolosha ah. Hadday tahay qof , qoys, shirkad ama xukuumadba. Bulshooyinku maanta waxay ukal hormarsan yihiin sida ay ukala maamul wanaagsan yihiin.

Kitaabka uu qoray Sh.Mustafe Subaaci ee Wanaagga Xadaaradeena waxaad ka helaysaa sida hogaanka wanaagsan bulsho kasta ay kalsooni ugu qabto iyagoo haddana kaladiin ah.

Mar haddii ay jiraan bulsahdii khayraadkii Allah dhigay dhulka iyo maaliyaddii loo adeegsan lahaa Waxa kaliya ee loo baahan yahay waa maamulkii isku dubaridi lahaa, macluumadka iyo goobaha laga hawlgelayana ku hogaamin lahaa bulshada.

Hogaamiyaha wanagaasani wuxuu leeyahay aragti iyo odoros bulsho oo ka fog awoodda. Waana dariiqa uu guusha bulsho ku gaadhayo hogaamintu..

Kama maaranato bulsho kasta inay yeelato hogaamiye dhab ah oo u haga hadba qaabka ugu fudud, fiican uguna dhakhso badan ee ay ku gaadhi karaan himimiladooda.. kuna haga khayrka iyo wanaagga kana hortaga sharka iyo xumaanta. Bulsho kasta oo guulaysatay waxa ka danbeeyaa waa hogaamiyayaal waaweyn. Dadka la doorto ayaa waxay noqdaan kuwo hogaamiyaal dhab ah iyo kuwo aan hawsha loo dhiibay fulin Karin.

Hogaamiyaha tayada lihi wuxu saamayn ku yeeshaa bulshada uu hogaaminayo. Wuxuuna adeegsada cadifadooda. Isagana waxa ka muqda asataan kasta oo bulshadu ku qancdo.

Somalidu hogaamiyaha waxay tidhaa “Saddex nimaan aqoon guurti ma noqdo : Wax tegay ka samirkood, Wax taagan ka talintood, wax soo socda ku talagakood

Waxa kale oo la yidhi:” waa inuu yeesha diin, doodo, dulqaad, deeq iyo dirir”

Astaamhaasi ayay culimida maamulka iyo hogaaminta (management and leadership) wax ka qoraa dhamaantood si kala duwan u qoraan Dr. Adalaat Khan oo ah madaxa macadka Mina Management Institute ee Malysia oo shahaado PHD ah ku sita aqoonta maamulka wuxuu qoraaladiisa ku sheegay in hogaanka toosan ee islaamku uu ka soo burqado afar goobood kitaabka quraanka, sunaha, xikmadihiii afarta khaliif iyo umadihii dariiqooda raacay ee ka danbeeyay ( salafu saalix” waan taasi ayuu leeyahay sirta guusha higaanka toosan. Dhamaan culmida maamulka ee caalamku waxay isku raacsan yihiin astaamo guud oo haddii qofku la yimaado uu noqonayo hogaamiye bulsho oo wax taabaagal ah kusoo kordhiya bulshadiisa ama dunida kaleba.

Hogaamiyuhu ka hor inta aanu qaban hogaanka ayuu leeyahay dareen bulsho oo dhab waxayna bulshadu siisaa shahaadada maanta maamulyaasheenu markay xilka qabtaan la siiyo ee layidhaa Shahaado sharaf “Honorable Certificate

Khaliifkii 1aad ee Muslmiinta AbuubakarAsidiiq ( RC) “Waxa la sheegay inuu dumarka da’da ah iyo kuwa jilicsan uu adhiga u lisi jiray ka hor hogaamintiisa , maalintii la doortay markii warkii gaadhay dumarkii magaalada waxay yidhaahdeen waar haddaba adhiga yaa noo lisi” Mar hore ayuu qaatay shahaado sharafta daryeel bulsho yo waxqabad ku fadhida.

Xikmad ayaa tidhaa: “hogaamiyuhu wuxu dhisaa naftiisa ka hor hogaamintiisa marka uu hogaanka qabtana wuxu dhisaa ta bulshadiisa” Astaamaha hogaanka tayada maaha mid la soo koobi karo waa kartida uu ku soo saari karo dad dareen bulsho leh, awood iyo aragti fog, qirta khaladka, raaca sharciga dhaliishana wax ku toosiya.

Si kooban waxaynu odhan karaa:

-Wuxu leeyahay yool iyo argati fog. ( vision and farsight )

-Wuxu garanyaa masuuliyadda iyo hawsha u taal ( Responsibility and duties)

-Waa qof daacad ah oo isku kalsoon ( Trust and confidence)

-Xaaladaga adag iyo xalkeeda isaga madaxa ku qaata oo dhamasytira ( Risk taker) .

-Wuxu daneeyaa inuu ra’yiga dadka oo wuu dhegaysto ( willing to listen people)

-Go’aan qadasho leh ( decision maker)

-Wuxu karti u leeyahay inuu si fiican wax u maamulo una fuliyo. ( Ability to executive)

Haddii aynu macnaha guud ee ay xambaarsan yihiin isyar dultaaagno qaarkood waxaynu odhan karaa yoolku waa ku ugu muhiimsan, waayo Yool samaynta ayaa ilmaamasay in laga fekerayo horusocod, waxa keliya loo baahan yahay waa dadaalkii lagu gaadhi lahaa.

Waa maxay Yool ( Vision )



Yool waxaa loola jeedaa hadafka kama danbaysta ah ee la doonayo in la gaadho.

Qiyaasta iyo baxaadda odorosku wuxu ku xidhan yahay hadba cidda diyaarinysaa sida Dawlad, shirkad iyo urur iwm

Waxaana loo baahan in hadafku yahay mid cad oo la wakhtiyay, Marka la isla garto yoolka iyo wakhtiga iyo weliba inuu yahay mid la gaadhi karo (specific, achievable, time bounded) markaasina waa in la sameeya hawl kasta oo lagu xaqiijinayo iyadoo qiimayn iyo dabagal jiro. (Evaluation and control).

Abuubarkar Sidiiq ( RC) waxa uu dardaaran ku yidhi

“Arrin kastaaba waxa uu leeyahay gundhig ninka helaana way kaga filan tahay inta kale, ninka ilaahay dartii u shaqeeyaana ilaahaybaa ku filaada, waxaan idinkula dardaarmayaa laba shay daadaal iyo inaad yool lahaataan, yoolku isagaa ayaa ah midka meel ku gaadhsiiya(vision/mission)

Taasi ayay maanta aqoomyahanada iyo faylasuufyadii iyo khubarada cilmiga maamulkuba ay garwaaqsadeen. Waxaana halkigyadooda ka mid ah :

“Haddan yool jirin dadku way dhinteen” “Without a vision, people perish” .

Ujeedo kasta oo aan dadaalkii iyo hawshii lagu gaadhi lahaa wadan waa khayaaliyi iyo riyo, hawl kasta oo aan lahayn yool cadna waa dhibaato iyo daal” “A vision without task is visionary, a task without vision drudgery” Buugga becoming Leader ee uu qoray Dr.Myles

Yoolka ugu weyn ee qofka muslinka ahi waa raali gelint Allah, halkaasi ayay ka bilaabantaa hogaaminta toosani ee leh yool iyo hami xambaarsan isbedel bulsho oo dhab.

Hogaanka kasta waxa uu dejiyaa yool, laakiin waxa muhim ah inuu xaqiijyo in warqad lagu qoro ama Idaacadaha iyo Tvg iyo jaraaidka laga sheego macno badan masamayso muhimaddu waa in la gaadhay ama la ogyahay ilaa hadda inta loo jiro.

Hogaamiyaha ayaana ah awoodda u bedelaysa yool mid dhab ah waa masuulyad isaga uun saran.

Leadership is the capacity to translate vision into reality”–Warren Bennis

Wakhtigii Oloalaha doorashda Xukuumadda Kulmiye waxay ololaha ku soo bandhigaty rajooyin waaweyn oo ay dadka badankiisu u riyaaqeen waxaana ka mid ah:

1 In shaqaalaha 300% loo kordhinayo mushaharka 2- Tahriibta la joojinayo halkudhigiii waagaasi wuxu ahaa ( Udub way tegaysaa ha tahriibin walaal), Dekedda Berbera iyo ninka haysta oo ay ku celcelin jireen inay tahay meesha musuqa ugu weyni yaalo. Biyaha Hargeysa. Dhisidda Dawlad kooban oo tayo leh, Shaqo laaanta baahsan oo la yarayn doono. 3- Waxbarashada asaasiga ah oo bilaash laga dhigayo…….

Waxay ahaayeen aragtiyo iyo rajooyin wanaagsan oo ku fadhiya xikamda ah in la fulin karo haddii si fiican loogu dhaqaaqo, isla markaana loo kala horaysiiyo siday u kala mudan yihiin. Qodobadan qaaekood waa la fuliyay qayb ka mid ah sida mushaharka shaqaalaha oo la kordhiyaya 100%,. Haddan xadkii la iclaamiyaya lama gaadhin , Waxbarashada asaasiga ahna bilaa lacag waa laga dhigay laakiin iyana waxa aad looga cabanaya tayo xumo soo baxaday oo u baahan in wax laga qabto. Sidoo kale yoolka marka la dejiyo inta hawshiisa lagu guda jiro waa lagu samayn karaa isbedel ( Amendment) haddii loo arko in sida la qorsheeyay si ka fiicani jirto , sida Dekedda Berbera.

lamana odhan karo waa lagu fashilmay waayo weli xukuumadda muddo badan ayaa u hadhay.

Yoolkana kolba qayb ayaa la fuliyaa mudada dhamaadka ayuunbaa la garan karaa in la fuliyay iyo in aan la fulin iyo ilaa heerka qaarkood la fuliyay. Waayo Yoolku wuxu noqon karaa mid dhow oo dhakhso loo gaadhi karo (Achievement goals) iyo mid muddo dheer lagu gaadhi karo.

Xukuumaddi Riyaale ee ku guul daraysatay inay maamulka mar kale qabato waxayaabaha u waaweyn ee fashilka ku keenay wuxu ahaa hogaamin aan yool lahayn, taasi oo sababtay in nolosha dadka ay sii adkaato. Isla wasaraad Dawladeed keliya ayaad ku arakaysay laba shaqaale ah oo midkoodaanu haysanba asaasiydiikii nolosha oo ku filan (basic needs ) (water, shelter , Nourishment )halka mid ka kalena uu taagnaa halkii noloha ugu saraysay ( self actualization) maaha cadaalada daro laakiin hogaan xumo ayayahayd waayo qof kasta nolol wanaagsan ayuu xaq u leeyahay . taasi inay wax iska bedelaana waa midutaal hogaanka bedelay.

Waxaab aloo baahan yahay in hogaamiyuhu masuuliyiidisa si fiican u guto waa inuu ka warhayo dadkiisa iyo kuwa uu madaxda uga dhigayba.

Masuuliyadda iyo xil gudashada waxaba tusaale inoogu filan Cumar Binu Khadab khaliifkii 2aad ee Muslmiinta ( RC) Cumar wax uu ahaa nin ula socda dhaq-dhaqaaqa maamulkiisa si fog oo masuuliyadi ku jirto,waxa uu ahaa mid ka war haya hawl kasta oo ay wadaan dadka gobolada maamulayaa nooca kast oo ay tahay. Qaladka ay sameeyaan xubnaha maamulkiisuna waxa uu ka qaadi jiray tallaabo haboon oo cadaalada ku jirto. Sidaa darteeed madaxda gobolada si isku mid ayay uga taxadireen in khaladaad dhaca .

Cumar (RC) Sifooyinka dadka uu maamulka uu dhiibiyo wuxu ku soo koobay xikmaddan “Waxaan rabaa nin marka uu la joogo dadkiisa aad moodo kii u talinayay, haddana aan wax xil ah hayn, marka xil loo dhiibona aanad moodayn kii talinayay” . Sanad kasta xilli xajka ayuu la xisaabtami jiray.

Khaliif Cumar (RC) wuxu ogyahay in guushiisu ku xidhantahay kooxda la shaqaynaysa. shaqaynay sidaa awgeed wuxuu rabaa inuu soo saro hogaamiyayal mustabal oo tayo leh.Xikmaddan .

Sanadkii 18 H oo abaar xumi dhacadayna Cumar jiif iyo jog wuu diiday wuxuuna ka dhaartay inuu cuno hilib iyo subag ilaa inta muslmiintu dhergayso. Wuu isbedelay oo caato noqday ilaa loo qaatay inuu sidaasi ku dhimanayo waa hogaamiyihii dunida maalintaas. Daryeelkaasi masuuliyaduu ku jirto ayaa keenay inuu guulaysto.

Dareenka uu Cumar kula hadlayo maamulkiisa waa tan maanta lagu dhaqmo ee ay xikmaddahan ka sameeyeen.

“Become the kind of leader that people would follow voluntarily; even if you had no title or position” “The nation will find it very hard to look up to the leaders who are keeping their ears to the ground” Sir.Winston Churchill .

“A great person attracts great people and knows how to hold them together”. –Johann Wolfgang

Waxa haddab is waydiin leh maxaa keena in Hogaamiyuhu guulaysto ?

Haddii xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ay inta badan dabooli waydo baahiyaha ay marka horeba ogaatay mudada u hadhay wuxu arrinku noqoya tii Abaanku ka gabiyay .

“ Tana aragte, tii horena waa wada ogaydeen’e, miyaan madax ilaahay taqaan nooba imanayn”

Bilahi Tawfiiq

Ahmed Adan Ali

Email:Ahmed26june@yahoo.com



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured