Maxaa Sababay in Kooxaha Kubada Cagta Ee Ka Soo Jeeda Beesha Madaxweyne Siilaanyo Loo Kireeyo Hotelo, Halka Kooxahii Kalena La Dejiyey Iskuulo.

0
Sunday June 02, 2013 - 12:36:35 in Maqaallo by Super Admin
  • Visits: 1331
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxaa Sababay in Kooxaha Kubada Cagta Ee Ka Soo Jeeda Beesha Madaxweyne Siilaanyo Loo Kireeyo Hotelo, Halka Kooxahii Kalena La Dejiyey Iskuulo.

    Qormadii 1 aad: cadaaladarada iyo qabyaalada, eexda,qaraabo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qormadii 1 aad: cadaaladarada iyo qabyaalada, eexda,qaraabo cadaaladarada iyo qabyaalada, eexda,qaraabo kiilka ka jirta somaliland ee aan qarsoodiga lahayn waxaa daliil u ah dhalinyaradii ka soo qayb gashay tartanka ciyaaraha gobolada ee somaliland oo qaarkood huteelo la dajiyey qaarna iskuulo, hadaba Allah u naxariistee Abwaankii weynaa ee Cabdi Iidaan Faarax waxaa laga hayaa in uu yidhi habartii docdeediyo dagalkay ku nooleyd daruuruhu ku hooreen dadba wada hel moodayoo daad wararac bay tidhi waa se dumare yeel keed.


hadaba saaxiibayaal gabaygan waxaan u soo qaatay halka uu maanta taagan yahay madaxweyne siilaanyo oo aan waxba ka duwaneyn halkii ay taagneyd islaantii uu sheegay abwaankii Cabdi iidaan faarax ,waxaana dhacay in maalin dhaweyd ay odayaal reer hargeysa ahi la kulmeen madaxweyne siilaanyo waxayna qaar ka mid ah odayaashaasi ii xaqiijiyeen markii ay dhamaysteen wixii ay ka wada hadlayeen siilaanyo ay si guud mar ah uga la hadleen shaqa la'aanta haysta dhalinyarada somaliland wuxuu se siilaanyo ugu jawaabay anigu inta aan ka war qabo dhalinyarada somaliland waxaa shaqeeya in ka badan 90% mudadii aan anigu xilka hayay .

hadaba akhristow waxaad is weydiisaa sababta uu siilaanyo u ugaan waayay shaqo la'aanta baahsan ee haysata dhalinyarada somaliland su'aashan waxaa ka jawaabay nin aanu saaxiib nahay oo igu yidhi hadii aad aragto nin madax ah oo calooshiisa la ciyaar ah wuxuu ka warami karaa gurigiisa oo kaliya,siilaanyo-na shaqo la'aanta somaliland ka jirta wuxuu ogaan lahaa marka ay shaqo la'yihiin dhalinyarada beeshiisu oo waxaa u tegi lahayd cabashada oo waxaa la odhan lahaa ina hebel iyo inanakii hebel dhalay ayaa shaqo la' tusaale kale hadaan ku siiyo akhtistow dhuxusha hadii uu qiimaheedu uu kor u kaco oo ninka madaxda ahi yahay nin maan gaab ah gurigiisana aan dhuxushaba lagu isticmaalin ee lagu isticmaalo gaas sideebuu u ogaan karaa in uu dhuxusha qiimaheedii kor u kacay.

hadaba waxaa muuqata in madaxweyne siilaanyo maanta uu la mid yahay boqorkii faransiiska ahaa ee xukunka dalka faransiiska hayay xiligii kacaankii wershdaha oo ahayd badhtamihii qarnigii 17 aad xiligaasi oo busaarad baahsani ka dhacday caalamka oo dhan qiimihii roodhiiduna uu kor u kacay markii ay dadweynuhu awoodi waayeen qiimaha kordhayna waxay sameeyeen mudaharaad ay la hor yimaadeen qasrigii boqortooyada ,markii uu boqorku uu dabaqa sare isa soo taagay ee uu arkay dadka faraha badan ee mudaharaadaya kuwii ku xeeraa wuxuu weydiiyey maxay dadkani ka mudaharaadayaan , waxayna ugu jawaabeen qiimihii roodhidaa kor u kacay ,waxaanu boqorkii yidhi oo hadii uu roodhidii qiimaheedii kor u kacay may keegaba cunaan ,iyada oo aynu og nahay shaqo la'aanta baahsan ee dalkeena ka jirta hadana waxaa cad in dhalinyarada ka soo jeeda beesha madaxqweyne siilaanyo intooda badani ay qaataan laba ama sadex mushahar iyaga oo meel qudha ka shaqeeya , ciyaarahan dhalinyarada loo qabtayna waxaa lagu tilaami karaa asqo siyaasadeed oo dhalinyarada camalka la' lagu mashuulinayo,sidaa darteed siilaanyo waxaa la gudboon in dhalinyarada somaliland ay u sinaadaan shaqooyinka wasaaradaha iyo hayadaha xukuumada.

hadaba isku soo wada duuduuboo Maxaa Sababay in Kooxaha Kubada Cagta Ee Ka Soo Jeeda Beesha Madaxweyne Siilaanyo Loo Kireeyo Hotelo, Halka Kooxahii Kalena La Dejiyey Iskuulo.

La soco taxanaha qormooyinka danbe

Qalinkii:C/risaaq Suudi Nuur

Tel:4425243

Email:suudi88@gmail.com

Hargeysa/Somaliland



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured