Dagaalka ganacsi iyo Kan Siyaasadeed ee La Kowsaday Dhalashadii Xukuumaddaha Kulmiye ee lagu Hayo Shirkada Telesom Xaguu Kasoo Fulay, muxuu'se Salka ku hayaa?.

0
Sunday March 18, 2018 - 03:31:59 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 2429
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dagaalka ganacsi iyo Kan Siyaasadeed ee La Kowsaday Dhalashadii Xukuumaddaha Kulmiye ee lagu Hayo Shirkada Telesom Xaguu Kasoo Fulay, muxuu'se Salka ku hayaa?.

    Cahdigii Marxuum Cigaal Iyo qaabkii Muwadiniintu u aas-aaseen Shirkadda Telesom, Tartankii Ganacsatada sida Xorta ah u dhex-mari Jiray Xilligii Xukuumadda Riyaale oo shacabku ka Faa'idi jireen Iyo Dagaalka Telesom ku Wajahan Tan iyo Maalintii Xu

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Cahdigii Marxuum Cigaal Iyo qaabkii Muwadiniintu u aas-aaseen Shirkadda Telesom, Tartankii Ganacsatada sida Xorta ah u dhex-mari Jiray Xilligii Xukuumadda Riyaale oo shacabku ka Faa'idi jireen Iyo Dagaalka Telesom ku Wajahan Tan iyo Maalintii Xukuumadihii UDUB Meesha ka Baxeen, Xukuumadaha Kulmiye-na dhasheen ee Curyaaminta Shirkadda Telesom!!!

Hargeysa(Xogreebnews)-Shirkadda Is-gaadhsiinta Casriga ah ee Telesom oo ay aas-aaseen Muwadiniin reer Somaliland ahi, waxa la aas-aasay xiligii Xukuumaddii Madaxweynihii hore ee Somaliland Marxuum Maxamed Xaji Ibraahin Cigaal dalka maamulayey, waqtigaas waxa uu Marxuum Cigaal siiyey Shirkaddaasi inay noqoto mid hana-qaada oo hab isgaadhsiineed isugu xidha dalka iyo dibediisa. Madaxweyne Cigaal waxa uu soo dhoweeyey ganacsatada ku shuraakowday Shirkadaas, oo iyaggu dalka keenay isgaadhsiin iyo isku xidh bulsho oo aan hore uga jirin dalka, marka laga reebo Shirkaddo yar-yar oo ka shaqeyn jiray gobolada Somaliland qaarkood.

Haddaba iyadoo uu aas-aaska Shirkadda Telesom ku yimi hab lamid ah kaa aan soo sheegnay, ayaa korinta ganacsiga shirkadaasi wuxuu noqday mid ay la dhaceen shacabweynaha Somaliland oo dhami, kuwasoo ay ku kasbatay hufnaan adeegyo kala duwan oo ay bixiso. Xiligii uu Somaliland Madaxweynaha ka ahaa Madaxweyne Daahir Riyaale kaahin waxa uu ahaa waqti ay Shirkaddo badan oo isgaadhsiineed ku hirdamayeen dalka, kuwasoo tartanka dhexdooda ay ka faa’ideen qaybaha bulshada oo ka helay adeegyo jaban iyo isgaadhsiin tayo badan dhamaantood. Waxanu tartankaa ganacsi ahaa mid aanay Xukuumaddu ku lahayn door Siyaasadeed iyo cid jeclaysi midna, hase-yeeshee Shirkaduhuu ay dadweynaha ku kala jiidanayeen adeegyada ay bixiyaan oo keliya. Waqtigaas waxay Shirkadda Telesom kasbatay dhamaan qulubta shacabka Somaliland oo ay hantiday, kaddib markii ay daah-furtay adeegga hawl fududeeyaha ah ee Lacagta Moobeelada lagu qaato Saad-ka iyo adeega isgaadhsiineed ee dhinaca Telefoonada Mobelka oo ay hantiday.

Intaa wixii ka dambeeyey waxa Somaliland ka dhacay isbedel Siyaasadeed oo salka ku haya in tallada dalka laga-la wareegay Xisbigii UDUB, isla markaana ay dalka qabsadeen Xisbigii Mucaaridka ahaa ee KULMIYE oo ilaa hadda haystaa. Xukuumadihii Kulmiye oo ay hadda hayso tallada tii labaad, waxay si toosa oo aan gabasho lahayn dagaal qaawan la bartilmaameedsadeen Shirkadda Waddaniga ah ee Telesom oo iyaddu ah Shirkadda ugu qanisan dhinaca adeegyada bulshada, waxanay Xukuumadihii Kulmiye muddo sideed sannadood ah maalinba u dhigayeen turun-turooyin iyo xeelado kala duwan oo ay cid gaar ah kaga xigtaysanayaan shirkadda Telesom.

Dagaalka Xukuumadda Kulmiye ku curyaamineyso Shirkadda Telesom waxa uu noqday mid hadda goostay xadhkaha, waxanay kooxaha Xukuumadda Kulmiye dabada ka riixaya ee ganacsatada la ologga ahi, xukuumadda usoo dhiibeen go’aan ka dhan ah Telesom, kaasoo saameynaya mid kamid ah adeegyadii ugu tayada iyo waxtarka badnaa ee Shirkaddu bixiso oo ah kan Saadka. Muddo hore oo laga joogo 9-Bilood ayey Xukuumadii waqtigaas sii dhacaysay ee Kulmiye oo iyaddu ahayd middii Sixir-bararka u horseedday Bulshada kaddib markii ay soo daabacatay lacag adag oo badan, isla markaana dalka keentay daabacaad lacageed oo aan hore Somaliland uga shaqeyn jirin, taasoo ahayd 1000 iyo 5000 oo isku taala, taasoo meesha ka saartay Lacagtii la isticmaali jiray ee 100 Shiling iyo 50-ka Shiling ahayd, sidoo kalena Baanka Dawladda iyaddu ka wareegtay una wareegtay Shirkadda gaar ah. Waxay Telesom kusoo rogtay amar ah inay joojiso adeegga Lacagta ee Saadka, hase-yeeshee gadood bulshadda Somaliland kala hortimi awgeed waxa uu isku daygaasi noqday mid faashilmay.

Haddana Xukuumadda Kulmiye intaas qorshahaas dagaal kagamay Hadhin Shirkadda Telesom ee markii uu dalka qabsaday Madaxweynaha Somaliland ee hadda Mudane Muuse Biixi waxa uu amar lamid ah kii hore ee dhicisoobay si badheedh ah ugu qaaday Shirkadda Telesom, waxanu faray inay joojiso adeegga Saadka ee dhinaca Dolarka oo ay u bedesho kashka Shilinka Somaliland wixii ka yar $100. Amarkaa dambe iyaddoo dan iyo maslaxadda wada noolaansha umadeed ee Somaliland eegeysa way aqbashay Shirkadda Telesom, waxanay fulisay amarkii oo way joojisay adeegaas oo umadda baahi-weyn u qabtay. Hase-yeeshee kooxda dagaalka Siyaasadeed iyo kan ganacsi isugu bahaystay Shirkadda Telesom waxay amaro kale oo haddana dul-dhigeen Telesom, kuwasoo uga digaya inaan qofka muwaadinka ah ee Mobelkiisa ay ugu jirto Lacag doolar ahi oo laga xanibay uu ka dhex sariifan karo, una bedelanaaya isticmaalka Lacagta Shilinka Somaliland. Tallaabadan kale waxay timi markii isbahaysiga ka dhanka ah Telesom ee duulaanka ku hayaa markii ay arkeen in aanay u dhitineyn Shirkadda Telesom adeega Saadka dhinaca Dolarka ee laga joojiyey oo ay weli haysato shacbiyadeedii… kala soco qaybaha dambe hadii eebbe idmo shabakadda Xogreebnews oo idiin Diyaarin doonta shirqoolada ka dhanka ah Bulshada iyo shirkadda Telesom ee ay wadan isbahaysato Xukuumadeed iyo ganacsato.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured