Cabdikhalaq Awal-bari Haldoorkii Dhalinyarada Gobolka Saaxil oo Shaaciyey Inuu u Taagan yahay Musharrax Golaha Deegaanka Degmada Berbera Iyo Shacabweynaha Reer Saaxil oo si weyn Usoo Dhoweeyey, Kana dareen-celiyey Kartidiisa iyo Waayo-aragnimada Shaqo ee u Dawlada Hoose u leeyahay…

0
Tuesday March 13, 2018 - 03:35:27 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1851
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Cabdikhalaq Awal-bari Haldoorkii Dhalinyarada Gobolka Saaxil oo Shaaciyey Inuu u Taagan yahay Musharrax Golaha Deegaanka Degmada Berbera Iyo Shacabweynaha Reer Saaxil oo si weyn Usoo Dhoweeyey, Kana dareen-celiyey Kartidiisa iyo Waayo-aragnimada Shaqo ee u Dawlada Hoose u leeyahay…

    Cabdikhalaq Awal-bari Haldoorkii Dhalinyarada Gobolka Saaxil oo Shaaciyey Inuu u Taagan yahay Musharrax Golaha Deegaanka Degmada Berbera Iyo Shacabweynaha Reer Saaxil oo si weyn Usoo Dhoweeyey, Kana dareen-celiyey Kartidiisa iyo Waayo-aragnimada Shaq

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Cabdikhalaq Awal-bari Haldoorkii Dhalinyarada Gobolka Saaxil oo Shaaciyey Inuu u Taagan yahay Musharrax Golaha Deegaanka Degmada Berbera Iyo Shacabweynaha Reer Saaxil oo si weyn Usoo Dhoweeyey, Kana dareen-celiyey Kartidiisa iyo Waayo-aragnimada Shaqo ee u Dawlada Hoose u leeyahay…

Berbera(Xogreebnews)-Cabdikhaalaq Cabdilahi Awal-bari oo kamid haldoorka dhalinyaradda Gobolka Saaxil sida weyn looga ixtiraamo, ayaa shaaciyey inuu u taagan yahay Musharrax Xildhibaan golaha deegaanka degmada Berbera doorashada lagu wado inay Somaliland ka dhacdo badhtamaha sannaadkan soo socda ee 2019-ka. Musharrax Xildhibaan Cabdikhaalaq Awal-bari, ayaa ah shaqsi saameyn aad u xoog badan ku leh Gobolka Saaxil iyo dhaqdhaqaaqyadiisa Siyaasadeed, waxanu noqday shaqsiga ugu miisaanka culus ee ilaayo hadda shaaciyey inuu u taagan yahay doorashada golaha deegaanka degmada Berbera.

Musharrax Cabdikhaalaq Awal-bari waxa uu shaaciyey Musharraxnimadiisa dhowaan bogga uu ku leeyahay barkulanka "Facebook”. Iyadoo ay kumanaan dadweyne ahi, markiiba ka fal-celiyeen Dhawaqiisa Musharraxnimo ee Xildhibaan Cabdikhaalaq Awal-bari, kuwasoo si mug iyo miisaan leh usoo dhoweeyey. Waxana mar keliya baraha bulshada iyo goobaha lagu kulmo ee Magaaladda Berbera qabsaday taageerada lixeedka leh ee loo hayo Haldoor Cabdikhaalaq Awal-bari, gaar ahaana waxa dhawaqa musharraxan si weyn ugu diirsaday dhalinyarada Gobolka Saaxil oo niyad sami iyo kal-furnaan ku qaabiley, isla markiiba, kuwasoo sheegay inuu yahay shaqsi ay kalsooni badan u hayaan inuu kasoo bixi doono waajibaadka qaran ee u isu taagay, iyaggoo ka duulaya aqoonta iyo waayo-aragnimada uu u leeyahay dawlada hoose ee degmada Berbera.

Murashax Xildhibaan Cabdikhaalaq Awal bari, ayaa ah masuul in badan ka soo shaqeeyey Dawladda Hoose ee Degmada Berbera, kaasoo leh khibrad iyo waayo-aragnimo maamul oo muddo dheer ah leh, waxanu xilal kala duwan kasoo qabtay waaxyaha dawladda hoose ee degmadaas. Sidoo kale waxa uu kamid yahay dadka lexejeclada weyn ka qaba horurmarinta Gobolka Saaxil iyo sidii loo dabooli lahaa baylahda kala duwan eek u gedaaman.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured