Khiyaamadda HCTV Farxaan Iyo Siilaanyo ay ugu heshiiyeen Jamaal Cali Xuseen. Qore Maxamed Yare

0
Saturday June 01, 2013 - 19:24:46 in Maqaallo by Super Admin
  • Visits: 1412
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Khiyaamadda HCTV Farxaan Iyo Siilaanyo ay ugu heshiiyeen Jamaal Cali Xuseen. Qore Maxamed Yare

    Xafladii loogu dabaal degaayey sanad guuraddi kasoo wareegtey 10 guuraddii aasaaskii Television-ka calamiga ah ee HCTV ayaa farxaan xaaji cali oo ka mid ah 3-da mulkiile ee leh mulkiyada TV-ga

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xafladii loogu dabaal degaayey sanad guuraddi kasoo wareegtey 10 guuraddii aasaaskii Television-ka calamiga ah ee HCTV ayaa farxaan xaaji cali oo ka mid ah 3-da mulkiile ee leh mulkiyada TV-ga Khiyaamadda HCTV Farxaan Iyo Siilaanyo ay ugu heshiiyeen Jamaal Cali Xuseen. Qore Maxamed Yare
Xafladii loogu dabaal degaayey sanad guuraddi kasoo wareegtey 10 guuraddii aasaaskii Television-ka calamiga ah ee HCTV ayaa farxaan xaaji cali oo ka mid ah 3-da mulkiile ee leh mulkiyada TV-ga HCTV ayaa madaxweyne siilanyo gudoonsiiyey shahaado sharaf aanu muteysan madaxweynuhu
Sanadkii hore ayeey aheyd markii madaxweyne siilaanyo uu amar ku bixiyey in albaabada loo TV-ga HCTV oo markaas uu ku arkaayey caqabad hortaagan sawirka dhabta ahna usoo gudbinaayey shacabka reer Somaliland

Haddaba maalintaas laga bilaabo HCTV wuxuu isku badelay TV dawladeed wuxuuna gabi ahaanba joojiyey hawlihii dhexdhexaadineed ee uu dhexda ugu ahaa mucaaridka iyo muxaafidka wuxuuna marqudha isku badaley Tv Dawladu ay gacanta ku hayso, sidoo kale guddomiyihii Tv-ga farxaan xaaji cali ayaa isaguna xulufo dhow la noqdey kuna xidhmey xarunta madaxtooyada isagoo is moodaya inuu yahey masuul ka tirsan xukuumada siilaanyo ilaawaney shaqadii uu hayey shacabkiisa oo ah inuu soo gudbiyo xaqiiqda dhabta ah ee ka jira wadankiisa , waxaana kaaga markhaati ah shahaado sharaftii uu farxaan ku maamuusey siilanyo oo walibana madaxweynuhu aanu xaal ka bixin dhacdadii foosha xumeyd ee uu kula kacey TV-ga taas oo aheyd dhacdo aad u fool xun oo lagu xidhey tiro kor u dhaafeysa 22 suxufi xaruntii TV-gana albaabada loo laabey.

Haddaba hadii an usoo noqdo qormadeydan ayaan doonayaa inaan shacabka u iftiimiyo inaanu Farxaan isagu TV-ga bilaabin ee ay hore u bilaabeen niman kale balse uu kaga murmay gartoodana in badan lagu jiray oo markii danbe nimankii lacagtoodii ka qaateen oo iskaga dhaqaaqeen. munaasibadii lagu xusaayeyna aan magacyadooda lagu soo qaadin inkastoy haddana muwaadiniintaasi ay shuraakadoodi kala baxeen markii farxaan muran joogto ah kala dhamaan waayey
Haddaba sidaad ka war qabtaan TV-ga HCTV in mar farxaan uu dhigey saylada markii u waayey maaliyad, deyn badana lagu yeeshey TV-ga waxa ilaahey usoo direy Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen oo ah murashaxa madaxweynaha Xisbiga UCID Iyo muwaadin kale oo isaguna ku nool wadanka Saudi arabiya
Aqoonyahan Jamaal cali xuseen oo isagu ahaa ninkii qeybta libaax leh ka qaatey horumarka Tv-ga aduun badana ku bixiyey hirgaliyey in Tv-gu xarumo waaweyn ku yeesho daafaha dunida lacagtiisana u hurey ayuu maanta farxaan ku abaal dareeyey Jamal ayaa wakhtigii aad u adkaa ee uu ku jirey Ololaha doorashada ayaa Tv-gu ka faafiyey dacaayado aan sal iyo raad toona laheyn dacaayadahaas oo laga soo dhoodhoobey madaxtooyada ayaan waxba yeelin Aqoonyahan Jamaal Tartankiisiina alle waa ku guuleeyey nin alle wataana wehel uma baahna
Sidaas darted shahaadada uu farxaan ku maamusey madaxweynaha mulkiilayaasha kale ee TV-gu lama oga waa mid ku kooban Farxaan oo qudha, taasina waxey kuu cadeyneysa heshiiska madaxtooyada iyo farxaan inuu daaranyahey sidii Jamaal ali xusseen loogala dagaalami lahaa inuu qabto hogaanka dalka waxaan lagu burburinayaa siyaasada murshaxa madaxweynaha aqoonyahan Jamaal cali xuseen iyo xisbigiisa UCID laakiin samraa sedkii helee Jamaal wuu heli sedkiisa
By Maxamed Yare
Sahal_yare@hotmail.com



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured