Waddani Wixii U Dan Ah Somaliland U Dan Ah By Mukhtar Cilmi

0
Saturday June 01, 2013 - 09:26:46 in Maqaallo by Super Admin
  • Visits: 1291
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Waddani Wixii U Dan Ah Somaliland U Dan Ah By Mukhtar Cilmi

    Iyaadoo ay Somaliland marayso marxalado kala duwan oo kolba waji cosob la jaan qaado siyaasadaha ku wajahan ayaa mid aad uu muhim ah in laga hadlooo imikadan loo diyaar garoobo taas

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Iyaadoo ay Somaliland marayso marxalado kala duwan oo kolba waji cosob la jaan qaado siyaasadaha ku wajahan ayaa mid aad uu muhim ah in laga hadlooo imikadan loo diyaar garoobo taas

Asalamu calaykum waraxmatulahi wabarakato.

Iyaadoo ay Somaliland marayso marxalado kala duwan oo kolba waji cosob la jaan qaado siyaasadaha ku wajahan ayaa mid aad uu muhim ah in laga hadlooo imikadan loo diyaar garoobo taas oo ah doorashooyiinka 2015 ka dhici doona Somaliland ( madaxnimadda — Barlamaankaa ) waxa muhiim ah in ay wakhtigooda ay dhacaan oo dib ku dhac kale ku iman , Iyadoo hadafka Gudoomiyaha Xisbiga Waddani Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro uu yahay mid aaminsan inay doorashooyiinka dalka ay wakhtigooda dhacan,sidaas awgeed waxa uu Xisbiga Waddani guud ahaan rumaysanyahay in wixii Waddani u dan ah ay dan u tahay Somaliland.





Xisbiga Waddani waxaa u dan ah in doorashooyinka la qabto oo wakhtiyadooda ay dhacaan isla markaana aan dib loo dhigin mar danbe, Dib-udhigista doorashooyinka waxa ay sumcad xumo weyn u keenasay geedi socodkii dimoqraadiyada Somaliland, waxa kale oo aamin darro ka dhex abuuri karta wadamada iyo hayadaha xidhiidhka iyo saaxiibtimadu inaga dhaxayso ee inaga caawiya xaga horumarka siyaasada, dhaqaalaha, caafimaadka iyo waxbarashada.




Somalilandna waxaa u dan ah in doorashooyinkeeda la qabto oo shicibka la siiyo fursad ay ku doortaan xisbiga iyo qofka ay rabaan inuu hogaanka dalka sii amba qaado, Doorashadu waxa ay dan u tahay dadka oo helaya nasiib mar kale ay ku dhagaystaan xisbiga wanaag iyo horumar soo wada, xisbiga wax ka qabanaya cabashooyinka shaqo la’aaneed, biyo la’aaneed, waddo la,aaneed, Dhakhtar la,aaneed, Cadaalad la,aaneed iyo guud ahaanba horumar la’aaneed,ka diyaar u ah horumarkooda waa Waddani.

Waddani nabadu waa u dan,Waxa uu jecelyahay in dalku nabad ku waaro kuna jirona waligiiba, in dadku is dhexgalo oo lixda gobol ee Somaliland ay dawladnimo hano qaaday ka jirto, Waddani na waxaa u dan ah in waxa Hargaysa yaala laga helo Laascaanood, Boorama iyo Ceerigaabo, Xisbiga Waddani waxa u dan ah maamul fidin qoto dheer oo cilmi ku fadhida.

Somalilandna nabadu waa u dan Somaliland waa inay noqotaa ubaxa nabadgaliyadda Africa, Nabadu waxay dan u tahay dhamaan dadweynahay Somaliland oo dhan, Marka nabad la helo ayaa horumarku yimaadaa oo laga fikiraa in la helo waxyaabahaha nolosha qurxiya ama u fududeeya dadku inay si wanaagsan u nooladaan, Nabad marka la helo ayaa waxbarasho la tagaa, nabad marka la helo ayaa caafimaadka la ilaaliyaa oo dhakhtaro la dhisaa, nabad marka la helo ayaa dawladnimo la helaa, nabad Waddani na waa hooy nabadgaliyadda aaminsan .


By Mukhtar Cilmi



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured