Maareeyaha Wakaalada Biyaha ee Magaalada Barbera Eng Cabdi Cartan Muwaadin ku Dayasho Mudan.

0
Saturday June 01, 2013 - 07:53:12 in Maqaallo by Super Admin
  • Visits: 1369
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maareeyaha Wakaalada Biyaha ee Magaalada Barbera Eng Cabdi Cartan Muwaadin ku Dayasho Mudan.

    Qalinkii; khaddar Abdi Hassan (Khaddar Gureyte). Email;khadar_gureyte@hotmail.com Magaalada Barbera waxaa aynu si buuxda uga wada war qabnaayo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qalinkii; khaddar Abdi Hassan (Khaddar Gureyte). Email;khadar_gureyte@hotmail.com Magaalada Barbera waxaa aynu si buuxda uga wada war qabnaayo Maareeyaha Wakaalada Biyaha ee Magaalada Barbera Eng Cabdi Cartan Muwaadin ku Dayasho Mudan.
Qalinkii; khaddar Abdi Hassan (Khaddar Gureyte). Email;khadar_gureyte@hotmail.comMagaalada Barbera waxaa aynu si buuxda uga wada war qabnaa inay tahay magaalo xeebeed aad u kulul, nolol fiicana aanay ka suuro galayn haddii lawaayo shayga nolosha Bani Aadamka ugu muhiimsan oo Biyaha ah.Eng; Cabdi Cartan Geedi waa Maareeyaha Wakaalada Biyaha ee magaalada Berbera waxaa aad si dhaba aad u dareemaysaa muwaadinkani sida Xirfada ,Aqoonta ,iyo Waayo aragnimada leh ee uu wax badan wax uga qabtey Biyaha magaalada Berbera ,iyada oo hadii aad Guri, Meherad iyo Hotel tagtaba aad si buuxda uga haqa beelaysid in aad hesho Biyo kugu filan .waxaana taasi u sii dheer iyada oo magaalada Barbera ay marwalba ka dhoofaan kumanaan kun oo Xoolaha nool ah kuwaasi oo Biyaha meesha laga sii yaa ay yihiin Biyaha Wakaalada Biyaha ee magaalada Berbera oo runtii noqonaysa arin ay dheer tahay wakaaladaha Biyaha magaalooyinka kale ee Dalkani Jamhuuriyada Somaliland.Waxaa uu hada yahay Eng Cabdi Cartan Geedi Maareeyaha wakaalada biyaha ee magaalada berbera mudo aan aad u badnayn waxaana usuurta galay inuu horu mariyo Biyaha magaalada Berbera oo inta badan si aada loogacaban jirey isla mar ahaan taana intii aanuu xilka qaban ay mudaharaado laga ga soo horjeedo Biyo yaraanta Magaalada Berbera ay dadku samayn jireen ,balse hada waxaa aad dareemaysaa sida dhamaanba shacabka magaalada berbera ay dhamaantood ugu mahad celinayaan muwaadinkan aadka uqaaligaa iyada oo ay yartahay cid sidan oo kale wax uga qabata baahiyaha magaalada berbera.Ugu horeyn waxaa uu wax ka qabtey Dhuumaha keenaya Biyaha magaalada Berbera oo awal mid kaliya ahayd oo uu kordhiyey tii horena dayactirbalaadhan uu kusameeyey iyada oo xataa iska daa inay biyuu go aanee uu sameeyey ilaa shan meelood oo lagu kaydiyo Biyaha ku waasi oo qaada Biyo aad u tiro badan oo runtii lagu noolaankaro in kabadan 10 bilood.kulaylka magaalada berbera awgeed muwaadinkani waxaa uu sameeyey in aanay biyaha ceelka ka soo baxaa aanay toos isaga soo galin magaalada berbera ee uu u sameeyo Berkado Biyaha qaboojiya si Biyhu iyaga oo ka qabow sidii Ceelka lagaga soo saaray ay utagaan magaalada si Dadku markiiba u cabi karraan una is ticmaali karaan ,waxana maalinba maalinta kadanbaysa uu isku dayayaa sidii uu xidhiidho ula samayn lahaa Haayadaha khuseeya dhinaca Biyaha si markaasi uu u sii kordhiyo ka haqabeelida biyaha waxaana hada kasocda Ceelal ay u qodayaan dalka turkigu kuwaasi oo qodaaya ilaa dhawr Ceel oo wax badan katari kara baahiyaha Ciyaha ee Mustaqbalka .Waxaa kale oo u suuro gashay inuu meelaha Miyiyada ah ee Deegaanka u ah magaalada Berbera uu iyadana ka hirgalyey inuu u qodo Ceelal si ay halkaasi Biyaha uga isticmaalaan dadka reermiyiga ahi waxaana uu u sameeyey qof ilaala ah oo ilaaliya nadaafada biyaha ee ceelashaasi si ay dadku u isticmaali karaan ,mushaharna uu uqoray qofkan ilaaliyaha ka ah ceelashani, mana jirto wax lacaga oo laga qaado dadka reer miyiga ah ee is ticmaalaya biyahani.Biyahan faraha badan ee uu ENG Cabdi Cartan Geedi ku guulaystay inuu shacabkiisa usoo saaro ayaa waxaa jira hadana in waliba meela badan oo biyaha is ticmaalaa aanay wax lacaga wakaalada siin oo ay kamid yihiin meelo fara badan oo goobaha dawladaa .iyada oo uu muwaadinkani xilka wakaaladani uu qabtay xili daymo farabadan lagu leeyahay wakaalada biyaha ,shaqaalaha aan lasiin jirin mushaharkooda sababtoo ah markii hore is mabay bixinayn wakaaladu ,gaadiidka wakaalada oo aan kabadanayn 3gaadhi ,xarunta wakaalada biyha oo iyadu aan ahayn goob lagu shaqaynkaro oo sii lii caysay inay duntana suuro gal ahayd.hadaba nasiib wanaag muwaadinkani isaga oo si daacada ugu adeegaya shacabkiisa islamar ahaantaana dareemaya masuuliyada ka saran baahiyha dhinaca biyaha ah ee ka jirey magaalada berbera oo dadka danyarta ahi aad usii liiteen , ayaa waxaa uu si aada u horu mariyey dhinaca baahida biyaha ee magaalada Barbara ,waxaana uu kudadaalay sidii uu udhisi lahaa niyada shaqaalaha wakaalada si ay iyaguna shacabkooda si daacada ugu adeegaan waxaana uu bilkasta u qadimaa mushaharkooda maadaama hore is kadaa in mushahar ay qaataanee waxaa dhici jirtey in aanay ilaa afar bilood aanay arki jirin wax mushahara ,xafiiska wakaalada oo hadaad gasho ahaa mid aad joogi kareyn hada waxaad ku raaxaysanaysaa inaad joogto oo sida loo qurxiyey iyo loo habeeyey dhamaanba xafiisyada ay kakoo bantahay wakaalada oo dhamaantoodba uu maareeyahani uu qalabeeyey, shaqaalaha hada ka shaqeeyaana ay tiradoodu aad ubadatay iyada oo marwalbana uu ku dadaalo sidii uu tayeyn lahaa shaqaalaha wakaalada biyaha .

Dhinaca Gaadiidka oo iyaduna ah halbowlaha ay kushaqaynayso wakaaladu oo uu aad u kordhiyey marka loo eego tiradii gaadiidka ahayd ee markii hore taalay wakaalada biyaha oo ay gaadhayaan dhowr iyo toban gaadhi kuwaasi oo dhamaantoodba loogu adeego shacabka reer Barbara sidii biyo ay marwalba u heli lahaayeen. dhismayaasha oo iyadana aan la ilaawi Karin sida uu u dhisay goobaha wakaalada biyaha iyada oo goobta ceelasha biyaha laga soo saaro xataa shaqaalaha looga dhisay masaajid ay ku cibaadaystaan ,iyo waliba mus qulihii ay is ticmaali lahaayeen .waxaa kale oo iyaduna xusida mudan sida uu muwaadinkan shacabka reer soomaliland ku qaaliga ahi uu ugu dadaalo sidii uu isaga laf ahaan tiisu uu isagu dayi lahaa inuu ka qayb qaato inuu ka hor tago dhibaatada tahriibka ee dhaliyarteenii maalinba maalinta kadanbaysa isagu sii gurayaan badaha waaweyn ,waxaana uu sameeyey koox dhalinyaro kubada cagta ah oo ku ciyaarta magaca wakaalada biyaha iyaga oo u ula dhaqmo sida shaqaalihiisa oo kale .Ugu danbayntii Muwaadinkan lama soo koobi karo waxyaabaha uu gobalka saaxil magaalo madaxdiisa berbera iyo deegaanka ku agxeeranba uu uqabtay waa muwaadin ku suntan horu marinta u madiisa kooda jaahilkaa iyo kooda liitaba ,waa muwaadin aan asal iyo raad toona kulahayn qabyaalada qudhunka ah ee inta badan shacabkeena reer soomaliland la hadhay ,waana muwaadin ay taariikhdu xusi doonto .
Gabagabadii Waxaan hadal qoraalkaygan aan kusoo afmeerayaa Qofkasta oo muwaadin dhaba ah oo umadan xil u hayaa waxaa muhiima inuu isaguna sidaas umadiisa ugu adeego ilayn waari maynee war hayna ga hadhee ,qofkastaana ay tariikhda ugalidoonto waxa uu umadiisa utarey inta uu xil shacab leeyahay uu hayey,muuqana doonto waxaa uu u qabtey iyo waxaa uu ka musuqmusuqay ,waxaana xaqiiqo ah hadii si fiican loo ilaaliyo hantida umadda kadhaxaysa in aynu ku liibaanayno if iyo aakhiraba maadaama aynu nahay umad islaama .
By ;Khadar Cabdi Hassan (Khadar Gureyte). Email ;khadar_gureyte@hotmail.com.phone;0634108231


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured