Fadeexada Xil-gudasho La'aaneed ee Maamulka Wajaale oo Sababtay Inuu Dabku ku Fiddo Suuq-ganacsiyeedka Hantida Umaddu Taalay+ Qaylo-dhaantii Maamulka dhinaca Itoobiya + Gurnadkii Ex. Gudoomiye Aadan Shiine ee Boorama iyo Hargeysa+ Shacabka oo ku Wareeray Garaacista Maamulka Degmada oo Mobeladda Wada Xidhay

0
Thursday December 28, 2017 - 03:50:05 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1822
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Fadeexada Xil-gudasho La'aaneed ee Maamulka Wajaale oo Sababtay Inuu Dabku ku Fiddo Suuq-ganacsiyeedka Hantida Umaddu Taalay+ Qaylo-dhaantii Maamulka dhinaca Itoobiya + Gurnadkii Ex. Gudoomiye Aadan Shiine ee Boorama iyo Hargeysa+ Shacabka oo ku Wareeray Garaacista Maamulka Degmada oo Mobeladda Wada Xidhay

    Fadeexada Xil-gudasho La'aaneed ee Maamulka Wajaale oo Sababtay Inuu Dabku ku Fiddo Suuq-ganacsiyeedka Hantida Umaddu Taalay+ Qaylo-dhaantii Maamulka dhinaca Itoobiya + Gurnadkii Ex. Gudoomiye Aadan Shiine ee Boorama iyo Hargeysa+ Shacabka oo ku

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Fadeexada Xil-gudasho La'aaneed ee Maamulka Wajaale oo Sababtay Inuu Dabku ku Fiddo Suuq-ganacsiyeedka Hantida Umaddu Taalay+ Qaylo-dhaantii Maamulka dhinaca Itoobiya + Gurnadkii Ex. Gudoomiye Aadan Shiine ee Boorama iyo Hargeysa+ Shacabka oo ku Wareeray Garaacista Maamulka Degmada oo Mobeladda Wada Xidhay

Wajaale(Xogreebnews) Magaalo-xudduudeedka Degmada Wajaale oo ah goob-ganacsiyeed laf-dhabar u ah dhaqaalaha Somaliland, ayaa 26-kii Bishan December 2017-ka waxa suuqa ugu weyn Wajaale ka kacay Dab aad u xoogan oo aanu noociisu weli ka dhicin meel kamid ah Somaliland. Lama garanayo Sababta dhabta ah ee Dabka dhalisay. balse Abaaro 2:45 AM ee Habeenimo ayaa dabku ka bilbaabmay sakaddo ka mida suuq gaar ahaan xaga xigta xadka Somaliland iyo Itoobiya, waxaana Meheradahaa la arkay iyadoo dabku is qabsaday isla markaana uu gaadhay ilaa ku dhawaad kontameeyo Meheradood oo aad iskugu dhaw, manay jirin cid ku dhex jirtay meheradahaa oo ilaalilnaysay.

Hase-yeeshee waxa Bulshada Degmada Wajaale fiditaanka Dabka iyo baaxadda khasaare ee u geystay dusha u saareen Maamulka Degmada Wajaale, kuwasoo si xilkasnimo ah uga muquurtay damintii iyo la tacaalidda Dabkaas. Gudoomiyaha Degmada iyo ku-xigeenkiisa iyo weliba xoghayaha Wajaale dhamaantood kamay qayb-qaadan gurmad nooca uu doono ha noqdee lagu bakhtiiyo Dabkaa, iyaddoo ay Degmada Wajaale ku sugnaayeen Dab-demisyo, ayaa haddana waxa la waayey cid hawlgelisa iyo cid gurmad qaran uu dalabta shacabka Hantidoodii ku Kubanayso Hortooda.

Inkastoo uu xilli dambe ahaa waqtiga uu dabku ka kacay Suuq-ganacsiyeedka Wajaale, haddana waxa nasiib-darro ahayd in la waayo meel lagala xidhiidho dawladda Somaliland masuuliyiinteeda Magaalada Wajaale, kaddib markii ay Moobeelada wada-damiyeen masuuliyiintii Degmada, sida Gudoomiyaha, gudoomiye-ku-xigeenka iyo Xoghayaha, kuwasoo dhamaantood wada xidhay Moobeelada.

Maayirka dhinaca Itoobiya ee Wajaale oo lagu magacaabo Maxamuud, ayaa markii uu wada-garaacay Masuuliyiintii Magaaladda Wajaale sida gudoomiyaha iyo ku-xigeenka waxa uu markii dambe la xidhiidhay Maayirkii hore ee Wajaale oo lagu magacaabo Shiine, kaasoo u sheegay masiibada meesha ka dhacday. Ex Maayir Shiine, ayaa la sheegay inuu deg-deg uga kala dalbaday Magaalooyinka Boorama iyo Hargeysa Gurmad deg-deg ah oo Dam-demisyo ah, kuwasoo isla waqtigii uu la hadlay Muj. Shiine deg-deg ugu soo gurmaday, wallow uu Dabkii si weyn ugu fidday Suuq-ganacsiyeedka, Ciidamada dab-demista, afartii habeenimo iyo dheeraad soo gaadhay Magaalada Wajaale oo weli olooleysa, isla markaana uu Dabku baabiyey hanti aad u badan nooc walba iskugu jirta.

Haddaba, Bulshada reer Wajaale qaybaheeda kala duwan, waxa ay si weyn ula yaaban-yihiin, masuuliyad-darada maamulka degmada Wajaale ee hadda, kaasoo noqday mid fadhiid ah oo aan haba-yaraatee wax gurmad ah aan u samayn masiibadii Dabkaas iyo hawlaha kale ee Magaaladda Wajaale ee dhinaca adeegga Bulshadda. Waxana qaybaha kala duwan ee Bulshadda oo la tiiraan-yeysan dhibaatada dabkaas uu geystay, Xukuumadda Cusub ee Madaxweyne Muuse Biixi ka codsanaysayaan inuu degdeg xilalka uga qaado dhamaan maamulka waqtigan ee Wajaale, kaasoo ku fashilmay gudashada waajibaadkooda qaran.

Magaaladda Wajaale waa goob-xuduudeed, masuuliyiinta Xukuumadda uga wakiilka ah waxa la gudboon inaanay moobelada xidhan habeen iyo dharaar, waayo waa goob xudud ah oo weliba magaalo ganacsiyeed ah oo weliba hanti aad u badani u taalo shacabka Somaliland, masuuliyiinta Xukuumadda ee Wajaale waxa ay ahayd inay is-qabiyaan oo ay heegan galaan, sidii loo helo xilli walbaa oo xaaladi timaado. Maamulkii kan ka horeeyey ee gurmad Xukuumadda uga dalbaday Dabka Suuqa Wajaale ka kacay, oo lagu magacaabo Shiine, waxa uu waqtigii hore ee u maamulayey magaaladda hore uga dhagax-dhigay Magalaadda Wajaale Xarun Dab-demis uu dhisay, hase-yeeshee markii maamulkan dambe yimi, waxa Dab-demisyadii loo kala diray Magaalooyinka waaweyn ee dalka, iyadoo aan la garanayn sababta ay u gurman waayeen hadii wax looga tagay degmada Wajaale.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured