Xafiisyada Cashuuraha Barriga Gobolka Iyo Degmada Tog-wajaale Oo Heshiis Rasmiya Ka Gaadhay Murran-Cashuureed U Dhexeeyey Iyaga Iyo Ganacsatada Degmada Wajaale .
Tog-wajaale Maamulka Xafiisyada Cashuuraha Barriga ee Gobolka Gabiley iyo Degmada Tog-wajaale ayaa heshiisyo rasmiya la galay Ganacsatada ku dhaqan
Xafiisyada Cashuuraha Barriga Gobolka
Iyo Degmada Tog-wajaale Oo Heshiis Rasmiya Ka Gaadhay Murran-Cashuureed U
Dhexeeyey Iyaga Iyo Ganacsatada Degmada Wajaale . Tog-wajaale Maamulka
Xafiisyada Cashuuraha Barriga ee Gobolka Gabiley iyo Degmada Tog-wajaale ayaa
heshiisyo rasmiya la galay Ganacsatada ku dhaqan Magaalada Tog-wajaale, ka dib
markii dhawaan uu soo kala dhex galay khilaaf culus oo la xidhiidhay dhinaca
bixinta Cashuur-sanadeedka loo yaqaano Macaashal-Macaashka oo bilowga bisha Lixaad
ee fooda inagu soo haysa uu qorshuhu ahaa in Xafiiska Cashuuraha Barriga ee
Degmada Tog-wajaale ka ururinayo Meheradaha Ganacsi ee Magaaladaasi. Khilaafkaasi
oo soo kala dhex-galay Maamulka Cashuuraha Barriga iyo Ganacsatada Magaalada oo
ka bilaabmay markii ugu horreysay qiimayntii uu Xafiiska Cashuuraha Barrigu ku
sameeyey Meheradaha Ganacsi, taasi oo ay Ganacsatadu si wayn uga biyo-diideen,
Isla markaana ay Dacwado ka dhan ah Xafiiska Cashuuraha Barriga ee Degmada
Tog-wajaale u gudbiyeen Maamulka Dawlada/Hoose ee Degmada iyo Taliska Booliiska
ee Magaalada. Taasi oo Maamulaha Cashuuraha Barriga ee Gobolka Gabiley soo kala
dhex galay Khilaafkaa ka dhashay qiimaynta Cashuur-Sanadeedka Macaashal-Macashka. Iyada oo
Maamulka Cashuuraha Barriga ee heer Gobol iyo Heer Degmo ay kullan ku wada
qaateen Maanta Hoolka Shirarka ee Hotel Central ee Magaalada Tog-wajaale,
Mulkiilayaasha Meheradaha Ganacsi ee Magaalada, halkaasi oo ay ku garnaqsadeen
isla markaana ay iskaga xog-waraysteen Xudunta Khilaafkooda iyo waxa sababay,
taasi oo ay Ganacsatadu ku sheegeen in lagu Shan Jibaaray Intii Sanadkii hore
laga qaaday cashuurta Macaashal-Macaashka, isla markaana waxay Carabka ku
dhufteen in Intooda ugu badani ay Laamo kale ku leeyihiin Caasimada Hargaysa,
Iyaga oo farta ku fiiqay in Dalku uu yahay Dal kaliya sidoo kalena Wasaaradu ay
tahay isla Wasaarad, hadana Meheradii Hargaysa inta lagaga qiimeeyey ay
Meheradani Tog-wajaale Shan jeer ama Lix Jeer ay ku jibaaran tahay, iyaga oo
xusay in laga yaabo in Meheradaa Hargaysi ka socod wacan tahay. Ganacsatadu
waxa kale oo ay Raali-galin ka bixiyeen Dacwada ay ka gudbiyeen Xafiiska
Cashuuraha Barriga ee Tog-wajaale oo ay u gudbiyeen Meel aan khusaynin isla
markaana waxay hoosta ka xariiqeen in laga dhex faa’iidaystay oo laga
majaro-habaabiyey Dacwadooda, waxaanay xuseen inay ka haboonayd in ay u
gudbiyaan Xafiiska Wasaarada ee Heer Gobol. Waxaanay tilmaameen in ay Xaq u
leeyihiin in ay ka gor-gortamaan. Kulankani ay
Xafiiska Cashuuraha Barriga ee heer Gobol iyo heer Degmo ee Gabiley iyo
Tog-wajaale kula garnaqsanayeen Ganacsatada Magaalada Wajaale ayaa waxa Isaguna
halkaa ka hadlay Maamulaha Cashuuraha Barriga ee Gobolka Gabiley Mustafe
Muxumed Riiraash oo ugu horreyn Ganacsatada uga mahad-celiyey sida ay u soo
ajiibeen Dalabkii Xafiiskiisu u soo jeediyey, waxaanu xusay in Gor-gortanku
wanaagsan yahay oo Qofku Xaq u leeyahay in uu waxna diidi karo Waxna ogolaan
karo, laakiin aanay ku jirin wixii Qaranimada wax yeelaynayaa, oo Cashuurtu ay
ka mid tahay Tiirka ugu wayn ee Dawladnimadu ku dhisan tahay. Isaga oo
Maamuluhu Farta ku fiiiqay in aanay Cidna ugu habranaynin Cashuurta Qarankani
waajibiyey. Maamulaha
Xafiiska Cashuuraha Barriga ee Degmada Tog-wajaale Mawliid Maxamed Iimaan
(Sahsahle) oo Isaguna halkaasi ka hadlay ayaa sharraxaad ka bixiyey Nidaamka
Ganacsi ee Magaalada Wajaale iyo Habka iyo Hanaanka ay ku qiimeeyeen, Waxaanu
xusay in Ganacsatada ku dhaqan Wajaale ay dhamaantood Meel kaliya wax ka soo
iibsadaan Meelna ku wada iibiyaan oo Jumladlayaal iyo Tafaariiqlayaal ay wada
yihiin, Taasi darteedna ay ku qiimeeyaan Tafaariiqlayaal, waxaanu tilmaamay in
aanay Wajaale ka jirin Ganacsade ku kooban Jumadle kaliya, waxaanu farta ku
fiiqay in Ganacsatada waawayn ee sheegta inay yihiin Jumlad-layaal ay
Ganacsatada yaryar dheer yihiin, Iyaga oo Gaadiid ay gaar u leeyihiin ku
dhig-dhiga Xaafadaha Magaalada iyo Daafaheedaba, Maamulaha Xafiiska
Cashuuraha Barriga ee Degmada Tog-wajaale waxa kale oo uu Xukuumada dhexe ugu
baaqay inay u guntadaan sidii ay wax uga qaban lahaayeen daba-galista Liisamada
u fasaxaya in Ganacsaduhu waxna soo dajin karo waxna dhoofin karo, waxaanu
tilmaamay in uu Xog-badan ka hayo in Inta ugu badan ee Ganacsatada Magaaladani
Tog-wajaale aanay lahaynba Liisamadii u fasaxayey Ganacsiga, ee ay ku
shaqaystaan Liisamo ay leeyihiin Niman Mukhallasiin ahi. Isaga oo farta ku
fiiqay in Dakhli badani kaga maqan yahay Xukuumada. Gaba-gabadii
waxa uu si wayn ugu mahad celiyey Ganacsatada si wacan u bixisa Cashuurta oo uu
ku baaqay in ay kaga daydaan Intooda Cashuurta ku adagi xogreebnews.com-Tog wajaale
Office Leave a comment |
|
Xafiisyada Cashuuraha Barriga Gobolka Iyo Degmada Tog-wajaale Oo Heshiis Rasmiya Ka Gaadhay Murran-Cashuureed U Dhexeeyey Iyaga Iyo Ganacsatada Degmada Wajaale .
Tog-wajaale Maamulka Xafiisyada Cashuuraha Barriga ee Gobolka Gabiley iyo Degmada Tog-wajaale ayaa heshiisyo rasmiya la galay Ganacsatada ku dhaqan