GUDOOMIYE JAAMAC SHABEEL OO LA SAFTAY SHEEKH SAMAALE, MUUSE BIIXINA CIDLA KAGA DHAQAAQAY, TARTANKA LOOGU JIRO HOGAANKA KULMIYE

0
Friday May 31, 2013 - 08:12:45 in Maqaallo by Super Admin
  • Visits: 1233
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    GUDOOMIYE JAAMAC SHABEEL OO LA SAFTAY SHEEKH SAMAALE, MUUSE BIIXINA CIDLA KAGA DHAQAAQAY, TARTANKA LOOGU JIRO HOGAANKA KULMIYE

    Guddoomiyaha Golaha Dhexe ee Xisbiga talada haya ee Kulmiye Jaamac Ismaaciil Cige (Jaamac

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddoomiyaha Golaha Dhexe ee Xisbiga talada haya ee Kulmiye Jaamac Ismaaciil Cige (Jaamac Guddoomiyaha Golaha Dhexe ee Xisbiga talada haya ee Kulmiye Jaamac Ismaaciil Cige (Jaamac Shabeel) ayaa meesha ka saaray inuu wax khilaaf ah oo xisbigooda ka dhexjira oo burbur u horseedi karaa uu jiro, kaas oo waxba kama jiraan ku sheegay khilaafka la sheegay inuu kala irdheeyey Xisbul Xaakimka dalka ee Kulmiye. Jaamac Shabeel waxa uu sheegay in shaqsiyaadka damaca leh ee Xisbiga Kulmiye dhexdiisa inay ku tartamaan rabaa ay badan yihiin, balse halka ragu ku kala baxayaa uu yahay shirwaynaha Xisbigaas oo uu tilmaamay in go’aamada ka soo baxaa ay yihiin kuwa lama taabtaan ah oo lagu khasban yahay in loo hogaansamaa.

Guddoomiyaha Golaha Dhexe ee Kulmiye Jaamac Ismaaciil Shabeel waxa uu sidoo kale beeniyey warar dhawaan warbaahinta qaarkeed lagu baahiyey oo sheegaya inuu is-casilaad u gudbiyey hogaanka xisbigaas, kaas oo tibaaxay inaanu warkaasi haba-yaraatee jirin.Waxaanu Jaamac Shabeel sidaas ku sheegay mar uu shalay Warbaahinta ugu waramayey Magaaladda Hargeysa. ugu horayna isaga oo ka hadlaya waxa ka jira wararka sheegaya inuu Xisbiga Kulmiye garabo u kala jabay, waxa uu yidhi “Wax garabo ah oo loo kala baxay ma jirto, xisbiga Kulmiye-na waxa uu xisbiyada kale kaga duwan yahay cod baa lagu kala baxaa, isla markaana raga damaca lihina way fara badan yihiin, waxaana badan inta aan imika ogayn waxan aad i waydiinaysaan ee shirwaynaha iman doonta ayaa faro badan, markaa ninkii wax doonaya iyo ninkasta oo wax isla hayaaba saaxadaa shirwaynaha ayuun buu ka tartamayaa mooyaane waxan kale ee suuqu waa iska huuhaa, halkaasaanu nin walba calafkiisa ka qaadayaa”. Guddoomiyaha Golaha Dhexe ee Xisbiga talada haya ee Kulmiye Jaamac Ismaaciil Cige (Jaamac Shabeel) mar uu ka hadlayey is-casilaad lala xidhiidhiyey, waxa uu yidhi “Warqad aan gudbiyey oo aan isku casilayaa ma jirto oo waa iska been waxaasi, mana jirto cabsi loo baqanayo xisbiga Kulmiye waxa kaliya ee ay Dimuqraadiyadu ku wanaagsan tahayba waxa weeyi waa kala saarista dadka iyo raga damaca leh, nin walibana marka uu tartamo saaxada shirwaynaha ayaa lagu kala baxayaa, markaa nin waliba calafkiisa shirwaynaha ayuu ka qaadanayaa. Markaa waxaan ku celinayaa wax burburayaa ma jiraan oo mar hadii uu Shirwayne fadhiyo madasha waa awooda ugu wayn ee xisbiga halka lagu go’aamiyo, waxa shirwaynahaas lagu go’aamiyo-na waa lagu khasban yahay”.Wariye muse ali


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured