War Deg-deg ah: Siyaasi Jamaal Cali Xuseen oo ka Hadley Xukuumada Cusub ee Madaxweyne Muuse Biixi "..Anigu Dalka umaan iman inaan Wasiir ka noqdo.. Siyaasadda waan u da' yarahay Mustaqbalka insha Allah....Waxaan Hanbalyeeynayaa Golaha Wasiiradda Cusub, Ilaahayna Hawsha haw fududeeyo, Madaxweynaha cusub aynu taageerno". Siyaasi Jamaal Cali Xuseen

0
Saturday December 16, 2017 - 00:00:18 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 3593
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    War Deg-deg ah: Siyaasi Jamaal Cali Xuseen oo ka Hadley Xukuumada Cusub ee Madaxweyne Muuse Biixi "..Anigu Dalka umaan iman inaan Wasiir ka noqdo.. Siyaasadda waan u da' yarahay Mustaqbalka insha Allah....Waxaan Hanbalyeeynayaa Golaha Wasiiradda Cusub, Ilaahayna Hawsha haw fududeeyo, Madaxweynaha cusub aynu taageerno". Siyaasi Jamaal Cali Xuseen

    War Deg-deg ah: Siyaasi Jamaal Cali Xuseen oo ka Hadley Xukuumada Cusub ee Madaxweyne Muuse Biixi "..Anigu Dalka umaan iman inaan Wasiir ka noqdo.. Siyaasadda waan u da' yarahay Mustaqbalka insha Allah....Waxaan Hanbalyeeynayaa Golaha Wasii

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

War Deg-deg ah: Siyaasi Jamaal Cali Xuseen oo ka Hadley Xukuumada Cusub ee Madaxweyne Muuse Biixi "..Anigu Dalka umaan iman inaan Wasiir ka noqdo.. Siyaasadda waan u da' yarahay Mustaqbalka insha Allah....Waxaan Hanbalyeeynayaa Golaha Wasiiradda Cusub, Ilaahayna Hawsha haw fududeeyo, Madaxweynaha cusub aynu taageerno". Siyaasi Jamaal Cali Xuseen
Hargeysa(Xogreebnews)-Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen, ayaa ka Hadley Xukuumada cusub ee Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi uu ku dhawaaqay shalay. Waxa kaloo uu sheegay inuu door weyn ku lahaa guushii Madaxweynaha cusub iyo taageerayaashiisi New Ucid, sidoo kale waxa sheegay in aanu Marmaba yeelan damac Wasiirnimo, hase-yeeshee hankiisa iyo hiigsigiisu yahay inuu umadda hoggaamiyo.
Siyaasi Jamaal Cali Xuseen waxa kaloo uu si cad daaha uga fayday inay guusha walaalo yihiin, isagoo tusaale usoo qaatay in Soo saaristii Uu lasoo baxay Ucid iyo weliba guusha waqti xaadirkan uu Madaxweyne Muuse Biixi Kursiga ku fuulay. Siyaasi Jamaal Cali Xuseen waxa uu si sarbeeb ah ugu jawaabay ashkhaas ilaa xalay baraha Bulshada dhex wareejineysay magaciisa, isla markaana dood ka dhiganayey in laga reebay golaha Wasiiradda. Sidaasna Jamaal Cali Xuseen waxa uu ku sheegay Qoraal uu ku baahiyey Bartiisa Facebook, qoraalkaasoo u dhignaa sidan. 


"... Kkkkk waar bal imtixaankan eegga, waar anigu dalka umaan iman inaan wasiir ka noqdo, manaan doonan xil, kii aan doontay iyo murashaxnimadiina wixii ka dhacay waad wada ogsoon tihiin. Horta taariikhda dadka badankoodu Ma ogee in 2010 kii markii Madaxweyne Axmed Siilaanyo la doortay uu igala soo xidhiidhay dalka Tanzania igana codsaday inaan wasiirka Maaliyadda u noqdo, laakiin aan anigu ka cudur daartay, runtiina aad iyo aad uga mahadnaqay Madaxweyne Siilaanyo. Markaasi marnaba taladda iigumay jirin inaan Taageerada aan Muuse u jeediyey aan Wasiir ku doonto. Waxaanan ku faraxsanahay in aniga iyo taageerayaashaydii aanu door weyn ka ciyaarnay guusha Madaxweynaha la doortay. Ilaahay baa marwalba ii suurtogeliya in aan dhinaca guusha la socdo, hadday tahay inay UCID xisbi u soo baxdo iyo in Kulmiye madaxweynaha ku guuleysto. Siyaasadda waan u da' yarahay Mustaqbalka inshallah, imikana waaya aragnimo weyn Oo aan caalamka ka soo helay intii aan xoogayga ku shaqaysanaayey waxay ii saamaxday inaan ku darsado waaya aragnimo dalka gudahiisa ah. Waxaan hanbalyeeynayaa golaha wasiiradda cusub, Ilaahayna hawsha haw fududeeyo, madaxweynaha cusub aynu taageerno. Dadka waaweyna wakhtigooda ha ka fasiidaystaan oo yaan lagu mashquulin Hebel Wasiir  Ma noqon iyo wuu noqday, dadka qaar Waxay rabaan inay dalka si kale wax Ugu taraan. Guul iyo gobanimo ".


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured