Maareeyaha Dekedda Berbera Eng. Siciid Xasan Cabdilahi oo Muddo Saddex Bilood ka yar ku Guuleystay inuu Soo Af-jaro Khilaafyo kala Duwan oo u Dhexeeyey Dp World, Ganacsato Iyo Deegaanka+ Qorshaha Isla Jaan-qaadka labada Maamul ee Dekedda.

0
Tuesday November 28, 2017 - 03:33:35 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 2129
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maareeyaha Dekedda Berbera Eng. Siciid Xasan Cabdilahi oo Muddo Saddex Bilood ka yar ku Guuleystay inuu Soo Af-jaro Khilaafyo kala Duwan oo u Dhexeeyey Dp World, Ganacsato Iyo Deegaanka+ Qorshaha Isla Jaan-qaadka labada Maamul ee Dekedda.

    Maareeyaha Dekedda Berbera Eng. Siciid Xasan Cabdilahi oo Muddo Saddex Bilood ka yar ku Guuleystay inuu Soo Af-jaro Khilaafyo kala Duwan oo u Dhexeeyey Dp World, Ganacsato Iyo Deegaanka+ Qorshaha Isla Jaan-qaadka labada Maamul ee Dekedda.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maareeyaha Dekedda Berbera Eng. Siciid Xasan Cabdilahi oo Muddo Saddex Bilood ka yar ku Guuleystay inuu Soo Af-jaro Khilaafyo kala Duwan oo u Dhexeeyey Dp World, Ganacsato Iyo Deegaanka+ Qorshaha Isla Jaan-qaadka labada Maamul ee Dekedda.
Berbera(Xogreebnews)-Maareeyaha Dekedda Berbera Eng. Siciid Xasan Cabdilahi, oo muddo Saddex bilood ka yar hayey xilka Farac Dekeda Berbera qaybta Somaliland maamusho, ayaa guulo waxku ool ah, usoo hooyey Qaranka Jamhuuriyadda
Somaliland, isaggoo Damiyey Shaqaaqooyin kala duwan oo Albaabada hore ugu laabay Dekeda Berbera.
Waxanu mudadii saddexda bilood ahayd ee u hayey xilka, soo af jaray Khilaafyadii curyaamiyey shaqo maalmeedkii Dekedda Berbera, isagoo xiligii uu xilka la wareegay,  ay gabi ahaanba taagnayd hawlaha shaqo ee Dekedu, kaddib markii khilaaf loo maaro waayey soo kala dhex-galay Ganacsatada Wax kala soo degta kana dhoofisa iyo Shirkada gacanta ku haysa Maamulka Dekeda ee DP World.
Maareeyaha cusub Eng. Siciid Xasan Cabdilahi oo si weyn xil isagga saaray markii uu la wareegay maamulka faraca Dekedda, ayaa degdeg ugu guuleystay inuu fardaamiyo mushkiladihii albaabada u xidhay Dekeda Berbera iyo is faham waagii u dhexeeyey ganacsatada iyo Shirkada maamusha dekedda Berbera ee DP World, arrinkaasoo maareeyuhu laba todobaad waxka yar ku dhameeyey, iyadoo wixii mudada ka dambeeyeyna aanay maalin keliya istaagin shaqo maalmeedkii Dekedda Berbera, isla markaana aanay dib isu khilaafin Ganacsatada isticmaasha iyo Shirkadda Dp World ee gacanta ku haysa maamulka Dekedda Berbera.
Sidoo kale, Maareeyaha mudada gaaban hayey xilka Maareeyenimo ee Dekedda Berbera Siciid Xasan Cabdilahi, waxa kaloo, uu ku guuleystay khilaafkii ugu cuslaa ee maarada mudada dheer loo la'aa ee u dhexeeyey Bulshada Deegaanka Saaxil ku dhaqan iyo Shirkada la wareegtay maamulka Dekedda Berbera, kuwasoo fiintu kala dhex miranaysay, isla markaana ay magaalada ka socdeen Mudaharaado lagaga soo horjeedö, iyadoo ay jirtay tabasho shacabka Deegaanku ka qabeen, arrimaha wareejinta iyo sida wax loo maamulayey ka hor intaan Maareeyaha cusub Siciid Xasan Cabdilahi loo magacaabin.
La soco qaybta Dambe, oo aynu kusoo qaadan doono siduu u xaliyey Maareeyuhu Gadoodkii shaqo joojintii Shaqaalaha Dekedda Berbera.
W/Q
Farxaan Guuleed Warsame.
Berbera /Somaliland.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured