XILDHIBAANADA GOLAHA DEEGAANKA HARGEYSA OO BILAABAY DHULBOOB,IYO WASIIR XAABSADE OO KU FAHMAY KAARTO MINISHIIBIYO AY WADEEN.

0
Thursday May 30, 2013 - 19:07:59 in Maqaallo by Super Admin
  • Visits: 1273
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    XILDHIBAANADA GOLAHA DEEGAANKA HARGEYSA OO BILAABAY DHULBOOB,IYO WASIIR XAABSADE OO KU FAHMAY KAARTO MINISHIIBIYO AY WADEEN.

    Iyagoo marmarsiiyo ka dhiganaya barakacayaal baanu dhulsiinay ayeey rabeen inay dhul badan liqaan.waa kuwan iyagoo qaylo ooda ka qaaday . Maayir ku xigeenka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Iyagoo marmarsiiyo ka dhiganaya barakacayaal baanu dhulsiinay ayeey rabeen inay dhul badan liqaan.waa kuwan iyagoo qaylo ooda ka qaaday . Maayir ku xigeenka XILDHIBAANADA GOLAHA DEEGAANKA HARGEYSA OO BILAABAY DHULBOOB,IYO WASIIR XAABSADE OO KU FAHMAY KAARTO MINISHIIBIYO AY WADEEN.
Iyagoo marmarsiiyo ka dhiganaya barakacayaal baanu dhulsiinay ayeey rabeen inay dhul badan liqaan.waa kuwan iyagoo qaylo ooda ka qaaday . Maayir ku xigeenka Caasimada Hargeysa Cabdicasiis Cagawayne oo ay weheliyaan xildhibaano ka tirsan dawlada Hoose oo shirjaraa,id ku qabtay xarunta dawlada hoose ee Hargeysa ayaa si kulul uga jawaabay xayiraad uu ku soo rogay dhul danguud ah oo ay dawlada hoose bixisay oo uu wasiirka Hawlaha Guud iyo Guriyayntu Axmed Cabdi Xaabsade xayiraad ku soo rogay,taas oo ay isku mari la’yihiin wasaarada Hawlaha Guud iyo Guriyaynta cida sharcigu u siinayo in ay bixiso dhulka danta guud ah,isla markaana wasiirku markii ay dawlada hoose bixisay dhulkan oo ku yaala xaafada maxamed Mooge uu xayiray isla markaana uu ku eedeeyay wasiirku in uu dhulkaa qayb ka mid ah uu maayir ku xigeenka caasimadu cabdicasiis cagawayne uu ka iibiyey shirkadada dhismaha ee Daryeel Constraction companyny,balse uu maanta maayir ku xigeenku uga riixay dhulkaa in uu hore u bixiyey maamulkii hore ee Eng.Jiciir.Maayir ku xigenka iyo xidhibaanada dawlada hoose ee shirkan jaraa,id qabtay maanta waxa ay u cuskanayeen in ay xaq u leeyihiin dhulkan in ay bixiyaan waxa uu yidhi isagoo maayir ku xigeenku k aka hadlaya”wasiirku waxa uu xaq u leeyahay in uu maamulo dhulka ay leedahay dawlada dhexe,waxa uu wasiirku masuul ka yahay dhulka layidhaahdo shacabka ee ay ku yaalan xafiisyada dawladu(sha’ab area)” ayuu yidhi maayir ku xigeenku.Muran kan kulul ee soo kala dhexgalay dawlada hoose ee ku wajahan cida uu sharcigu u banaynayo dawlada hoose iyo wasaradda Hawlaha guud in ay bixiso dhul danguud ah,ayadoo uu khilaaf kani soo bandhigay sirta ay labadan garab iska ogaayeen ayadoo maayirku xigeenkii iyo xildhibaanadii shirkan jaraa’id ka hadlay ay sheegen in uu wasiirku dhulbadan iibiyay oo taas oo ah fadeexad iyo siro bulshada ka qarsoon oo soo ifbaxaysa.Si kastaba ha ahaatee murankan u dhexeeya wasarada hawlaha guud iyo madaxda dawlada hoose ayaa cirka isku sii shareeraya,ayadoo anay ilaa hada wax hadal ahi ka soo bixin dhinaca dawlada dhexe,balse dadka u dhuun daloola dhinaca sharciga ayaa tilmamaya in ay wasarada Hawlaha guud sharci ahaan ay ayadu xaq u leedahay awooda bixinta dhulka danta guud.Muse Qaran



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured