Guddida Xisbiga Kulmiye ee Toronto oo Madaxweyaha la Doortay Muuse Biixi ku Tilmaamay Shaqsigii ugu Mudnaa ee la doortay, Una soo Diray Hambalyadii Qarniga + Codsiyo ay u kala direen Shacabka iyo Xisbiyada kale...Guddida Toronto oo Farta ku Fiiqday Dariiqa aqoonsiga S/land.

0
Monday November 27, 2017 - 05:17:27 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 2403
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Guddida Xisbiga Kulmiye ee Toronto oo Madaxweyaha la Doortay Muuse Biixi ku Tilmaamay Shaqsigii ugu Mudnaa ee la doortay, Una soo Diray Hambalyadii Qarniga + Codsiyo ay u kala direen Shacabka iyo Xisbiyada kale...Guddida Toronto oo Farta ku Fiiqday Dariiqa aqoonsiga S/land.

    Guddida Xisbiga Kulmiye ee Toronto oo Madaxweyaha la Doortay Muuse Biixi ku Tilmaamay Shaqsigii ugu Mudnaa ee la doortay, Una soo Diray Hambalyadii Qarniga + Codsiyo ay u kala direen Shacabka iyo Xisbiyada kale...Guddida Toronto oo Farta ku Fiiqday D

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddida Xisbiga Kulmiye ee Toronto oo Madaxweyaha la Doortay Muuse Biixi ku Tilmaamay Shaqsigii ugu Mudnaa ee la doortay, Una soo Diray Hambalyadii Qarniga + Codsiyo ay u kala direen Shacabka iyo Xisbiyada kale...Guddida Toronto oo Farta ku Fiiqday Dariiqa aqoonsiga S/land.
Toronto(Xogreebnews)-Guddida Xisbiga Kulmiye ee laanta Toronto, ayaa hambalyo iyo duco usoo diray Madaxweynaha cusub ee  Shacabka Somaliland doorteen Md. Muuse Biixi Cabdi. Guddidu waxay Bulshada Somaliland iyo Xisbiyada dalka ku amaaneen hanaankii wanaagsanaa ee ay uga qaybqaateen Oloolihii iyo Codbixintii labada, tallaabooyin kaasoo si weyn usoo jiitay indaha Caalamka.
Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye ee  Toronto Md. Yaasiin Cabdi Xasan iyo Gudoomiye ku-xigeenka Laantaa Shuceyb Cabdilaahi Xuseen iyo weliba Gudoomiye ku-xigeenka garabka Haweenka Xisbiga Kulmiye Canada Marwo Fowsiya Maxamud Nuur, oo kulan Ku yeeshay xafiiskooda Toronto, ayaa si wada-jir ah Hambalyo, duco iyo dardaaran u diray Madaxweynaha La doortay ee  Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi, waxanay ilahay uga baryeen inuu u fudaydiyo xilka culus ee  loo doortay, iyagoo ku waaniyey inuu Shacabka Somaliland middeeyo.
Sidoo kale, guddida Toronto ee  Xisbiga Kulmiye waxay Shacabweynaha Somaliland ee ku dhaqan gobolada iyo degmooyinka dalka ugu baqeen inay wadajiran, iskuna duubnada, isla Markaana ka dheerada wax kasto lidku qaranimada iyo midnimada shacabka, waxanay 
Ugu baaqeen shacabka Somaliland inay la shaqeeyan Xukuumada cusub ee Madaxweynaha cusub ee  la doortay Md. Muuse Biixi Cabdi.
Geesta kale, Guddidu waxay Hambalyo u dirtay Xisbiyada qaranka,  gaar ahaan Waddani iyo Ucid, waxanay ku tilmameen Musharraxa Waddani mid go'aan wanaagsan dhaxal-siiyeey shacabkiisa, iyagoo ku waaniyey inuu Xisbigiisu ahaa mid curdin ah, isla markaana si weyn oo xawaare ah ku socday, sidaas daraadeedna leh mustaqbal siyaasadeed oo dambe.
Guntii iyo gaba-gabebadii Somaliland waa dal xaq u leh inuu helo xuquuqdiisa dawladnimo, ee ah inuu helo aqoonsi buuxa. Ilahayna waxan ka baryeynaa inuu inna gaadhsiiyo guul qaran oo xag walba ah. Maanta waxa qaranka Somaliland shookaanta u haya shaqsigii ugu mudnaa, kasoo ay Cod aqlabiyad ah shacabku gacantooda ugu Codeeyeen. Sidaas daraadeed qof kastoo Somaliland ahi, waxa waajibku ah inuu tamartiisa la garab galo Madaxweynaha iyo Xukuumadiisa waana waajib qaran oo ina wada Saaran. 
War-murtiyeedkan nuxurkiisa Warbaahinta waxa si Wada jira usoo gaadhsiiyey hoggaanka ugu sareeya Toronto ee Xisbiga Kulmiye, 
Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye ee  Toronto Md. Yaasiin Cabdi Xasan iyo Gudoomiye ku-xigeenka Laantaa Shuceyb Cabdilaahi Xuseen iyo weliba Gudoomiye ku-xigeenka garabka Haweenka Xisbiga Kulmiye Canada Marwo Fowsiya Maxamud Nuur. Alla Mahad leh.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured