Ingiriisku Meesha Uu Awr Marinaayo Irbadbuu ku dayaa ,Siilaanyo-na Deegaamaynta Berbera Waxay La Gashay Masaajidkii Dekeda

0
Thursday May 30, 2013 - 08:02:46 in Maqaallo by Super Admin
  • Visits: 1359
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ingiriisku Meesha Uu Awr Marinaayo Irbadbuu ku dayaa ,Siilaanyo-na Deegaamaynta Berbera Waxay La Gashay Masaajidkii Dekeda

    Qormadii 12 aad: Durduro geelbaa ku jabay damaacina waa xun yahay dantuna waa lama huraan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qormadii 12 aad: Durduro geelbaa ku jabay damaacina waa xun yahay dantuna waa lama huraan.

Ingiriisku Meesha Uu Awr Marinaayo Irbadbuu ku dayaa ,Siilaanyo-na Deegaamaynta Berbera Waxay La Gashay Masaajidkii Dekeda.

Qormadii 12 aad:

Durduro geelbaa ku jabay damaacina waa xun yahay dantuna waa lama huraan.

Saaxiibayaal waxaynu wada og nahay deegaameynta aan qorsoodiga ahayn ee la kowsatay xukuumada madaxweyne siilaanyo ee ku baahsan gobolada bariga iyo badhtamaha somaliland oo uu qaarkeed uu dhiig ku daatay sidii deegamayntii kalshaale oo kale .

Hadaba akhriste hadii mashruuca deegaamaynta aynu meel ku yara tiirino waxaynu maanta is bar bar dhigaynaa maxamed siyaad barremarkii uu safarada dalalka dibeda u bixi jiray wasiiradii uu kaxaysan jiray kuwa ay ahaayeen iyo siilaanyo marka uu safar dibadeed u baxayo wasiirada uu kaxaystaa kuwa ay yihiin , maxamed siyaad barre mudadii uu hayay xukunka xukuumadii milateriga ahayd ma kaxaysan jirin wasiirada mareexaanka kaga jira xukuumadiisa halka madaxweyne siilaanyona hadii aynu soo qaadno safarkii ugu danbeeyey ee uu ku tegay dalka maraynkanka wuxuu kaxaystay laba wasiir oo qoyskiisa ka soo jeeda oo kala ah wasiirada madaxtooyada iyo macdanta iyo biyaha waxaanu shir u qabtay siilaanyo jaaliyada somaliland ee dalka maraykanka.

Hadaba markii shirkaasi la isugu yimid waxaa dadkii soo hor fadhiistay siilaanyo oo madaxweyne ah iyo laba wasiir oo qoyskiisa ka soo jeeda oo hadana dawlad ah cajaa’ib !!! , waxaa hore loo yidhi waxaa hore loo yidhi biyo sare tegay waa la sugayay fadeexadii halkaa ka dhacdayna waxay ahayd mid aynu wada ogeyn maxamed siyaad barre wuxuu ahaa kaligii taliye hadana marka uu safar dibedadeed u baxayo iska dhaaf wasiirada mareexaanka kaga jira xukuumadiisa eh waxaa koobnaan jiraywasiirada kaga jira beelaha kale ee daarood ee uu isaguna ka soo jeedo hadaba su’aasha maanta taagani waxay tahay siilaanyo hadii loo doortay in uu noqdo madaxweyanhaa somaliland maanta wuxuu taagan yahay odey beeleed oo qoyskiisa oo kaliya madaxweyne u ah kadibna waxaan xasuustay qisadan soo socota.

Allla u naxariistee Aw Muuse Jaamac Cali wuxuu ahaan jiray odey reer burco ah waxaanu hawdka magaalada burco ku dhashay sanadkii 1895-kii labo sano kadib markii uu dhamaaday dagaalkii labaad ee dunida oo ahayn 1920-kii ayuu u dhoofay ama u tacabiray dalka ingiriiska magaalada London isaga oo ka shaqeeyey maraakiibta ,iyada oo ay markaa ay da’diisu tahay 25 jir dhaqan yaqaan ahaa diinta islaamkaan wax abdan ka yaqaanay soomaliduna xiligaasi wey ku yarayd dalka ingiriiska sidaa darteed Aw Muuse Jaamac Cali Waxaa loo doortay in uu noqdo odeyga soomaalida ee dalka ingiriiska oo dhan mudo kooban markii uu xilkasi hayay soomaaliduna ay ku soo abdatay ingiriiska waxaa dhacday in beelihii soomaalidu sida daaroodka,Hawiyaha ,Sheekhaashta ,SAMAROONTA Iyo beelihii soomaalida oo dhan marka laga reebo beesha isaaq oo kaliya ay beel waliba ay samaysatay odey hawlahooda fuliya oo ay kaga kaaftoomaan xilkii uu Aw Muuse U Hayay markii hore .

Hadaba markii uu Aw Muuse Mudo kooban ahaa odeyga isaaq ee dalka ibgiriiska dadkiina ay soo bateen beel waliba waxay samaysatay odey u gaar ah oo hawlahooda fuliya marka laga reebo beesha Garxajis oo kaliya halkaa iskumay taagine mudo yar kaDIB Aw Muuse wuxuu ku soo dhacay in uu noqday odey habar yoonis ah , halkaa isumay taagine Aw Muuse Wuxuu hadana ku soo dhacay odey ismaaciil caro ah xilka ama darajadii saarnmayd Aw Muuse marba hoosbay u sii socotay oo waxaa ka go’ayay bulshadii uu odeyga u ahaa manay ahayn karti daro isaga ka timi iyo qabyaalad uu isticmaalay sida siilaanyo oo kale waxaanu Aw Muuse Ku soo dhacay in uu noqday Odey Cabdalle Ismaaciil ah ,xilkii saarnaa Aw Muuse wuxuu hoos u sii socdaba wuxuu ku soo dhacay odey xirsi cismaan ah , mudo yar kadibna wuxuu hoos ugu soo dhacay odeyga reer caynaanshe ee dalka ingiriiska ,hadaba rag talo kama dhamaatee sanadkii 1992-kii markii Aw Muuse is arkay in markii hore loo doortay odey soomaaliyeed maantana uu taagan yahay odey reer xirsi caynaasha ah wuxuu go’aansatay in uu iskaga tago dalka ingiriiska oo inta nolashiisa ka hadhay uu ku qaato magaalada burco ee uu dhalasho ahaan ka soo jaaday si isku arkin isaga oo cidlo taagan ee uu halkaa ku xakameeyo taytalkisii hoos u socaday kuna geeriyooda isaga oo ah odey reer xirsi caynaanshe ah waxaana Allaha u naxariistee Aw muuse Jaamac Cali uu kiu geeriyooday laguna aasay magaalada burco sanadkii 1993-kii iyada oo ay markaa ay da’diisu tahay 98 sanno .

Hadaba saaxiibayaal hadii aynu miisaan saarno siilaanyo markii la doortay waxaa loo doortay in uu noqdo madaxweynaha somaliland oo uu qarankana si sinaan ah iyo cadaalad ah u hogaamiyo wuxuu se ka doorbiday fursda uu maanta haysto uga faa’iideeyo beeshiisa oo wax kale iska daaye aan loo sinaanin wufuuda u raacaysa siilaanyo safarada dibada iyo marka lala hadlaayo ama heshiis lala galaayo dal kale oo uu siyaad barre ka xishoon jiray in waftigaa ku daro wasiirada mareexaan siilanyana uu maanta taagan yahay hadii wada hadalka somaliya aanay ku jirin wasiirada beeshaydu qalinka la igu xadayaa waana sababta uu xirsi u noqday xabadii turubka ahayd ee la odhan jirey meel walba gale ee ciyaar walba raaci jirtay ,waxaana muuqata in siilaanyo uu maanta yahay odey qoys ee aanu ahayn madaxweyne qaran madaxtooyadii umadani wada lahaydna ay noqotay guri ay beeli leedahay oo marka siilaanyo iyo saleebaan gaal madaxtooyada isu yimaadaan isma weydiiyaan waxay umada somaliland dani ugu jirto waxay se is weydiiyaan kuna go’aan qaataan waxay beehooda dani ugu jirto.

Hadaba isku soo wada duuduuboo Ingiriisku Meesha Uu Awr Marinaayao Irbadbuu Ku Dayaa Siilaanyo-na Deegeemaynta Berbera Waxay La Gashay Masaajidkii Dekeda:

Hadaba saaxiibayaal waxaan idinku dhaafayaa mid ka mid ah heesihii ku jiray riwaayadii shabeel naagood ee uu curiyey Abwaankii Xasan Sheekh Muumin codkoodana ay ku wada qaadaan Abdi Muxumed Aamiin iyo Hibo Maxamed( Hibo Nuura) oo khusaynaysa mwduucan aynu ka hadlayno iyo tayo la aanta xukuumada siilaanyo.

DAB DHAXMOODAY!!!

Doc kastoo la eego

Nolosha dunidu waa dabkee

Haddu dabkii dhaxmoodo

Maxaa lagu diiriyaa?

Waa tilmaan la daahoo

Degdeg kuma haboonee!

Adoo deggan u fiirsoo

Ujeedada ideeqsii.

Ruux haddii la doortoo

Darajada la saariyo

Xilkii daryeeli waayo

Dab dhaxmooday weeyee

Waa su aal da weynoo

Madaxa daalinaysee!

Wixii lagu diirinaayo

Dad weynahaa la weydiin

DUR DUR OOMAY !!!

Durdurkaa laga cabbaa

Biyihiis lagu dabaashaa

Hadduu harraad dareem

Darkee laga waraabshaa?

Waa tilmaan la daahoo

Deg deg kuma haboonee

Adoo degan ufiirsoo

Ujeedada ideeqsii!

Ruuxa duunyo haystee

Dahabkana barkanayee

Wixiisii deeqi waayaa

Durdur oomay weeyee

Waa su aal da weynoo

Madaxa daalinaysee!

Darkii laga waraabin

Dadweynahaa la weydiin.

DAWO BUKOOTAY !!!

Qofkii cudur dilaayo

Dawadaa bogsiisee

Haday dawo bukooto

Maxaa lagu dabiibaa?

Waa tilmaan la daahoo

Degdeg kuma haboonee

Adoo degan ufiirsoo

Ujeedada ideeqsii.

Dalaalimada diintiyo

Distoorka iyo xeerka

Haddii dabool lasaaro

Dawo bukootay weeyee

Waa su aal da weynoo

Madaxa daalinaysee

Wixii lagu dabiibi

Dadweynahaa la weydiin

DUFAN BASAASAY !!!

Subaga dufankiisa

Dadku ku dhaashadaane

Hadduu dufan basaaso

Maxaa duxdii ka qaaday

Waa tilmaan la daahoo

Deg deg kuma haboonee

Adoo deggan ufiirsoo

ujeeddada i deeqsi

Isku soo wada duuboo

La Soco Taxanaha qormooyinka danbe.

Qalinka:C/risaaq Suudi Nuur

tel:4425243

Email:suudi88@gmail.com

Hargeysa/Somaliland




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured