Ma jirto Saxaafad Madax-banaan oo Koomishanka Heshiis la Galay+ Khataraha shaacinta Natiijooyin Khalkhaliya Amniga iyo Xasuusta Koomishankii Hore kaga Gaashaanteen Xiligii 2010-kii oo Idaacaddii sharci Darada ahayd ee Horyaal Heshiis uu la galay…

0
Monday October 16, 2017 - 20:21:46 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 2267
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ma jirto Saxaafad Madax-banaan oo Koomishanka Heshiis la Galay+ Khataraha shaacinta Natiijooyin Khalkhaliya Amniga iyo Xasuusta Koomishankii Hore kaga Gaashaanteen Xiligii 2010-kii oo Idaacaddii sharci Darada ahayd ee Horyaal Heshiis uu la galay…

    Ma jirto Saxaafad Madax-banaan oo Koomishanka Heshiis la Galay+ Khataraha shaacinta Natiijooyin Khalkhaliya Amniga iyo Xasuusta Koomishankii Hore kaga Gaashaanteen Xiligii 2010-kii oo Idaacaddii sharci Darada ahayd ee Horyaal Heshiis uu la galay&hell

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ma jirto Saxaafad Madax-banaan oo Koomishanka Heshiis la Galay+ Khataraha shaacinta Natiijooyin Khalkhaliya Amniga iyo Xasuusta Koomishankii Hore kaga Gaashaanteen Xiligii 2010-kii oo Idaacaddii sharci Darada ahayd ee Horyaal Heshiis uu la galay…

Hargeysa(Xogreebnews)-Koomishanka Doorashayoonkii Qaranka Somaliland, ayaa heshiis ku saabsan anshaxa Saxaafadda ee xilliga Doorashada la galay Warbaahinta Dawladda iyo Ururka Suxuufiyiinta Haweenka ah ee Wiija. Heshiiskaa Koomishanka iyo Warbaahinta Dwladda ee is-feeraarisay, ee u weheliyey ururka Wiija ee Haweenka oo heshiiskooddu ka dhacay Maanta Magaaladda Hargeysa. Heshiiska dhalanteedka ah oo ah mid bulshada looga dhigayo wax sax ah.

Hase-yeeshee xaqiiqaddu tahay mid ka duwan taa, maa yeelay Wasiirka Warfaafinta, oo metela Warbaahinta Dawladda iyo ururka Solja, waxay labaduba ku jiraan Miisaaniyad sanadeedka dawladda, miisaaniyadaas oo dakhligeedu kasoo xeroodo cashuurta Muwaadiniinta laga qaado. Sidaas awgeed, Hay’ad kastoo oo dhaqaalaheeddu ku tiirsan yahay cashuurta muwaadiniintu bixiso, waxa shaqaalaha ka hawlgala ee mushaharka laga siiya, iyagguna sharciyan uga mid noqonayaan shaqaalaha dawladda ee ka caagan inay ku milmaan Siyaasadda Xisbiyada qaranka.

Waxa kaloo heshiiska labada darraf ka maqan, oo haba-yaraatee aan ka muuqan mulkiilayaasha ama masuuliyiinta Hay’adda Warbaahinta sida Websit-yada, Joornaaladqa iyo Telefiishanada maxaliga ah, kuwasoo gees walbaa marka loo eeggo iyaggu ah, marjaca dhabta ah ee loo raacayo khalad kastoo dhaca. Sidaa daraadeed Koomishanka Doorashooyinka qaranka, oo sida ka muuqata ay ka go’aan tahay in doorasho xor ah oo xalaal ahi dalka ka dhacdo, balse horaa loo yidhi "Nin Habari-dhashay hal-ma seegi waayee” gudoomiyaha iyo xubnaha kale ee Koomishanku waxay ilduufeen, wadaada saxa ah ee loo mari lahaa heshiis saxaafaddu u dhan tahay, sida Koomishanaddii horeba dhici jirtay xilligooddii, kuwasoo Warbaahinta si mug leh heshiis ula geli jirtay wada-jir, xataa oo ay dhacday 2010-kii Koomishanki waqtigaas inuu heshiiska kusoo daro idaacadii Horyaal, oo ah Idaacad aan waqtigaas dalka sharci ka haysan, balse Koomishankii waqtigaasi u arkayey heshiis lala galaa inuu yahay Muhiim.

Haddaba, waxa iswaydiin mudan boqolaalka Warbaahinta ah ee Maanta dalka ka jiraa, ee weliba la tixgelin waayey, miyaan jawaabtoodu noqonayn aniga Xeer Ima qabto. Sidoo kalena waxaanu baahinaynaa Xog kasta oo aanu helno, noocay tahaybaa, cidna uma daba fadhiisan doono, xogta ku saabsan shaacinta natiijooyinka hor-dhaca ah iyo kuwa rasmiga ahba.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured