HADII AAD XIL KA HAYSO XUKUMADA SOMALILAND: AKHRI MAQAALKAN OO HUBI INAAD KA BADBAADAY EEDAYMAHAN MUSUQ-MAASUQ.–

0
Tuesday May 28, 2013 - 08:20:38 in Maqaallo by Super Admin
  • Visits: 1221
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HADII AAD XIL KA HAYSO XUKUMADA SOMALILAND: AKHRI MAQAALKAN OO HUBI INAAD KA BADBAADAY EEDAYMAHAN MUSUQ-MAASUQ.–

    Shacabka Somaliland waa shacab jecel horumarka iyo Wax-wada Qabsiga, is caawinta iyo isla qaybsiga nolosha, balse inta badan waxa ka hadaf duwan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Shacabka Somaliland waa shacab jecel horumarka iyo Wax-wada Qabsiga, is caawinta iyo isla qaybsiga nolosha, balse inta badan waxa ka hadaf duwan Shacabka Somaliland waa shacab jecel horumarka iyo Wax-wada Qabsiga, is caawinta iyo isla qaybsiga nolosha, balse inta badan waxa ka hadaf duwan Siyaasiyiinteena oo ah kuwo marka xilalka kala duwan ee qaranka loo dhiibo, ka raacda danahooda oo aan inta badan waxba ka qaban masaaliixda caamka ah ama danaha guud ee shacabka.
Madaxda Qaranka ayaa inta badan marka xil loo dhiibo nuucuu doono ha ahaadee aan wax lexjeclo ah ka gelin Hantida qaranka ee uu gacanta ku hayo taasi oo dayac xumo soo wajahdo, haday gawaadhi tahay, qalabka xafiisyada, dhismayaasha uu ku dhex shaqaynaayo. taasi oo wax daryeela ama dayactir ah aanu u samayn inta uu xilka hayo.Waxa kale oo ka sii daran in hantidii umada loogu talo galay in lagaga shaqeeyo masaalixda guud ee umada uu sida uu doono ugu takri falo iyo Miisaaniyada Xafiisyada inta badan si dadban uu ugala baxo qasnada dawlada iyada oo loo samaynaayo wax la yidhaahdo foojars (Vouchers) been abuura oo lagu qoro kharashaad aanu xafiiskiisu haba yaaraatee gelin. sidaas oo kale waxa ka mid ah waxyaabaha la lunsado Shidaalka oo gawaadhi aanay Dawladu lahayn lagu shubto sida iyada oo dad ay saaxiibo yihiin ama qaraabo ay yihiin masuulka la siiyo shidaalka. Waxa ka sii daran in Wasiirada iyo Agaasimayaasha Guud ee Wasaaradaha Dawlada Qaarkood ay shacabka ka horjoogsadaan mashaariic horumarineed oo dalka lagu fulin lahaa iyaga oo ka raba in Mashruucaas boqolkiiba labaatan (20%) lacagta ku baxaysa si dadban loo siiyo si ay ugu ogolaadaan in la fuliyo mashruucaas horumarineed, intaas kagama hadhaane waxay culays ku saaraan in gawaadhi iyo shaqaale loogu daro inta mashruucaasi socdo.

Wasaarado badan ayaa fadeexado ka dhaceen oo Wasiiro ama Agaasimayaal Guud hor istaageen Mashaariic Horumarineed oo dalka laga fulin lahaa kuwaasi oo looga baahnaa inay dhinacooda saxeexaan, inta badan Wasaaradaha ayaa ka codsada Deeq bixiyayaasha inay Mashruuc kasta oo ay fulinayaan lacag ugu soo daraan Wasaarada, taasi oo inta badan Deeq bixiyaayaashu ka cadhoodaan lacagtaas qaldan ee ku dhacaysa jeebabka masuuliyiinta sare ee Wasaarada Dawlada Somaliland qaarkood. iyada oo halkaasna lagu joojiyo mashaariic badan oo laga fulin lahaa Somaliland. qofkii rabaa waraysiyo ha la yeesho Hayadaha Kalada duwan ee ka hawla gala Somaliland ama shaqaalaha reer Somaliland ee ka shaqeeya Hayadaha Caalamiga ah ama kuwa UNta, waxay kuu sheegayaan war dhiilo leh oo ku aadan Shaqo xumada Masuuliyiinta Wasaaradaha Dawlada Qaarkood iyo Musuq-maasuqa ka jira Dhexdooda oo curyaamiya Mashaariic badan oo Somaliland laga fulin lahaa balse ay ka waayeen wada shaqayn Wasaaradaha Qaarkood, taasin ay keento in Mashaariicdaas laga joojiyo Somaliland.Waxan kale oo ka sii daran inay had iyo jeer Wasaaraduhu isku qabqabsadaan Mashaariicda ay bixiyaan Deeq bixiyayaashu, iyada Wasaarad waliba sheegata inay tahay mandateka Wasaaradeeda inay la shaqayso cida bixinaysa mashruucaas.Waxa Haboon inayna Madaxda Wasaaradaha iyo Hayadaha Madaxa banaan ee qaranku aanay hungurayn Cashuurta ay bixiyaan muwaadiniintu iyo mashaariicada kale ee lagu horumarinayo nolosha Umada Somaliland. waa in laga xishoodo in la dilaalo, Iskuul caruur loo dhisayo, Ceel biyood loo qodayo umadeena iyo wixii la midka ah. Aduunka waxa u nasiib daran masuul xil umadeed haya oo ay ahayd inuu dhexda u xidho ka shaqaynta iyo horumarinta nolosha Shacabkiisa oo hadana iyagii sii noloshooda sii dilaala. waa wax Ilaahay laga magan galo.Madaxda Qaranka waxan leeyahay yaan la ilaawin dhaartii aad umada ugu dhaarateen inaad daacad ugu shaqaynaysaan. hadii kale shacabkani markhaati ayuu kugu noqon maalinta Qiyaame hadii aad balankaas ka baxdo.LONG LIVE SOMALILANDYuusuf S. Wacaysmuwaadin2000@gmail.com


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured