Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Duulista S/land Cumar-sayid oo ku kacay Musuq-maasuq Xadh-kaha Goostay Iyo Muuqaalka Gurigii 3-xaad oo Food ah ka Dhisto Hantida Umadda+ Dhaawaca Masuuliyiinta Musuqa ku Siffoobey ay ku leeyihiin Musharrax Muuse Biixi...

0
Saturday September 23, 2017 - 03:35:35 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 2348
  • (Rating 5.0/5 Stars) Total Votes: 2
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Duulista S/land Cumar-sayid oo ku kacay Musuq-maasuq Xadh-kaha Goostay Iyo Muuqaalka Gurigii 3-xaad oo Food ah ka Dhisto Hantida Umadda+ Dhaawaca Masuuliyiinta Musuqa ku Siffoobey ay ku leeyihiin Musharrax Muuse Biixi...

    Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Duulista S/land Cumar-sayid oo ku kacay Musuq-maasuq Xadh-kaha Goostay Iyo Muuqaalka Gurigii 3-xaad oo Food ah ka Dhisto Hantida Umadda+ Dhaawaca Masuuliyiinta Musuqa ku Siffoobey ay ku leeyihiin Musharrax Muuse Biixi...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Duulista S/land Cumar-sayid oo ku kacay Musuq-maasuq Xadh-kaha Goostay Iyo Muuqaalka Gurigii 3-xaad oo Food ah ka Dhisto Hantida Umadda+ Dhaawaca Masuuliyiinta Musuqa ku Siffoobey ay ku leeyihiin Musharrax Muuse Biixi... Sss
Hargeysa(Xogreebnews)- Agaasimaha guud ee Wasaaradda Duulista iyo hawada Somaliland Cumar Cabdilahi Aadan (Cumar-sayid), ayaa ku kacay hanti boob iyo musuq-maasuq xadhkaha goostay, oo u ku talaabsaday mudo saddex sanadood ah oo uu ahaa Agaasimaha guud ee Wasaaradda Duulista iyo hawada.
Waxanu agaasime Cumar-sayid Magaaladda Hargeysa ka dhistay mudada uu joogay wasaaradda Duulista 3-saddex Guri oo ah nooca loo yaqaano Ban-galo Fooq, kuwasoo ku kala yaala Xaafaddaha Masalaha iyo Calaamadda, iyaddoo dhaqaalaha uu ku dhistay midkiiba lagu sheegay $200,000-kun oo Dollar iyo waxka badan.
Muuqaalka Gurigan aad Arkaysan waa mid kamid ah Guryaha uu dhistay mudada Saddexda Sanadood ah ee u Agaasimahani magacownaa, waxanu Gurigani ku yaala ama u dhow yahay Huteel Ramad, Xaafadda masalaha, halka labada Guri ee kale aanay weli nasoo gaadhin Sawiiradoodu, hase-yeeshee xogtooda ay heshay Warbaahintu.
Agaasimahan oo aan markii hore lahayn wax hanti gaar ah, Isla markaana Kamid ahaa shaqaale hoosaadka Wasaaradda duulista Madaarka Berberana ka hawlgeli jiray, ayaa sida xogta lagu sheegay kamid ah masuuliyiinta ugu musuq-musuqa badan Xukuumadda Madaxweyne Axmed Siilaanyo, isagoo lasoo shaqeeyey afar wasiir oo soo maray Wasaaradda duulista, kuwasoo kala ahaa Wasiirka uu ilaa hada ka amar qaato ee Madaxtooyada Maxamuud Xaashi oo isaggu lahaa keenista agaasime Cumar-yare xilligii uu ahaa Wasiirka Duulista, Wasiir Cadaani oo soo maray Wasaaradda Duulista,  Wasiir Cumar yare iyo Wasiirkan hadda jooga Farxaan Aadan haybe.
Sidoo kale Agaasime Cumar-sayid waxa uu lala xidhiidhiyey inuu isku qoray dhul badan oo Dawladdu leedahay,  isagoo u samaystay Waraaqaha lahaanshiiyaha, waxa kaloo, xoggaha qaarkood sheegayaan in Lacago badań oo agaasimuhu xaday uu iyagana ku Iibsaday dhulal badan oo ku yaala meelo kala duwan.
Si kastaba ha ahaatee bulshada Somaliland ayaa Isha Ku haysa qaabka uu ula dhaqmo ama usoo kala dhoweysto, amase shaqoba uu ugu dırto Musharraxa Kulmiye Md Muuse Biixi, waxana looga baahan yahay inuu Hangool faraaro leh iskaga qabto dadkaas masuuliyiinta isku sheegaya ee Xisbiiga magaca ka dilaya, isla markaana Bulshaddu uga baahan tahay Musharrax Muuse inuu Maxkamad saaro.
La soco qaybaha dambe ee xoggaha kashifaya Musuq-maasuqa Agaasimahan Raadbaradka ah.
Xogreebnews/office 
Hargeysa/Somaliland



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured