Komishanka Doorashooyinka oo ku Fashilmay inay la yimaadan Qorshe lagu Kaantaroolo Warbaahinta Casriga ah iyo Natiijadda Doorashada Madaxtooyadda oo laga cabsi qabo in la Baahiyo Natiijo Khalkhalisa dalka+ Fadeexadaha Hadheeyey Kulan Dhinac ka Ra'ran oo Komishanku la yeeshay Joornalada iyo Tv-yada qaarkood…

0
Wednesday September 20, 2017 - 01:24:56 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 2037
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Komishanka Doorashooyinka oo ku Fashilmay inay la yimaadan Qorshe lagu Kaantaroolo Warbaahinta Casriga ah iyo Natiijadda Doorashada Madaxtooyadda oo laga cabsi qabo in la Baahiyo Natiijo Khalkhalisa dalka+ Fadeexadaha Hadheeyey Kulan Dhinac ka Ra'ran oo Komishanku la yeeshay Joornalada iyo Tv-yada qaarkood…

    Komishanka Doorashooyinka oo ku Fashilmay inay la yimaadan Qorshe lagu Kaantaroolo Warbaahinta Casriga ah iyo Natiijadda Doorashada Madaxtooyadda oo laga cabsi qabo in la Bahaiyo Natiijo Khalkhalisa dalka+ Fadeexadaha Hadheeyey Kulan Dhinac ka Ra

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Komishanka Doorashooyinka oo ku Fashilmay inay la yimaadan Qorshe lagu Kaantaroolo Warbaahinta Casriga ah iyo Natiijadda Doorashada Madaxtooyadda oo laga cabsi qabo in la Bahaiyo Natiijo Khalkhalisa dalka+ Fadeexadaha Hadheeyey Kulan Dhinac ka Ra'ran oo Komishanku la yeeshay Joornalada iyo Tv-yada qaarkood…

Hargeysa(Xogreebnews)-Koomishanka Doorashooyinka Somaliland, ayaa ku fashilmay inay nidaam sax ah oo cadaaladeed waafajiyaan heshiis lagu dabro qaybaha Warbaahinta Somaliland, maadaama oo dalku gelaayo xilli doorasho oo xasaasi ah, isla markaana loo baahan yahay in masuuliyiinta Hay’addaha Warbaahinta iyo Koomishanka Doorashooyinku inay isla meel dhiggaan kala dambeynta iyo sugidda xogta Warbaahintu faafinayso, si aanay u dhicin in qaar kamid ah Warbaahintu faafinin natiijo khaldan oo cid guul siinaysaa.

Xubnaha guddida Doorashooyinka oo ah kuwo aan u bislayn shaqada culus ee ay hayaan, ayaa ku guuldareystay inay qorshe cad ka yeeshan khataraha iyo kacdoonada ka dhalan kara Warar la xidhiidha natiijada Doorashada oo lagu faafiyo shabakadda Wararka ee habka Online-ka ah wax u gudbiya, oo iyaggu ka saameyn batay Warbaahintii hore, isla markaana xogta ay faafiyaan daqiiqado gudahood shanta qaaradood ee aduunka laga wada dheehan karo. Hase-yeeshee Koomishanka Doorashooyinku qorshe ay ka yeeshaan daayo, waxay kala qaybin iyo qoqob ku salleysan hab Beeleed Shalay Shir kula yeesheen Magaaladda Hargeysa qaybo kamid ah Saxaafadda, kuwasoo ka koobnaa laba dhinac oo keliya, sida Joornaalada kasoo baxa caasimadda oo keliya iyo Telefishanada qaarkood iyo weliba Gudoomiyaha Ururka Xukuumadda ku milmay ee Solja oo isaggu waqti hore lummiyey, oo burburiyey ururkii Saxaafadda ee Solja, kaddib markii uu ku bedeshay Laaluush Xukuumaddu siisay. Hase-ahaatee waxa kulankaa ka maqnaa masuuliyiinta Hay’addaha Warbaahinta ee habka Online-ka ah u sahqeeya iyo sidoo kale, Ururadda Saxaafadda ee madaxa-banaan.

Haddaba, tallaabooyinkan ay qaadeen koomishanka doorashooyinku, ee ay saxaafadda dalka ku kala qaybinayaan, isla markaana ay meesha kaga saareen qaybtii ugu saameynta badnayd Saxaafadda ee habka onlineka ah wax u gudbiya iyo ururadda madaxabanaana, waxay sababi kartaa khataro iyo isku dhac, hadii ay baahiyaan natiijooyin hor-dhac ah ama aan sugnayn. Sidoo kale, warbaahinta habka online-ka ah u shaqeysaa waxay si toos ah ula kala saffaan karaan asxaabta tartamaysaa, kuwasoo baahinaya musharraxa ay doonaan, isla markaana yeeshaya inuu guuleystay Xisbi hebel iyo musharraxiisu. Ficilladaas oo marka amni ahaan laga hadlo sababaya isku dhac iyo weliba inay lunto kalsoonida laga qabo natiijada kama dambeysta ah ee ay gudbiyaan Koomishanku ee dambe.

Sidaas daraadeed, hadii aanay Koomishanku degdeg u saxin khaladaadka iyo gefefka ay

Ku tallaabsadeen, kana galleen masuuliyiinta Warbaahinta Onlin-ka ah oo la wada-garanaayo shabakaddaha ugu saameynta badan ee dalka, waxay noqon doontaa natiijadda Doorashaddu mid aan ku koobnaa dhawaq laga sugo Koomishanka, isla markaana ma jiri doono xeer iyo heshiis qaban doonaa hawlwadeenada shabakadda Warbaahinta, ee iyaggu faafiin doona xogta ay ka helaan goobaha codadka laga dhiibtay, sidoo kale shaxda natiijooyinka la saadaalinaayo. Waxaan kusoo koobeynaa qormadan shabakadda Xogreebnews iyo warbaahinta la midka ah ee aan kulankaa ka qaybgelinin waa inay badhaadhahooda dhiibtaan... La soco xoggo iyo warbixino taxane ah oo ka hadlaya habka qaloocan ee Koomishanka u maamulayo Saxaafadda iyo khataraha ka iman karaan.

info@xogreebnews.com

Xogreebnews Office

Hargeysa/Somaliland




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured