Maxaad ka Og-tahay Taarikhda Muslimiinta Rohinga‬ ee Burma/Myanmar, ku hayso Xasuuq, Kufsi, dhac, Dalka saaris iyo in Nolosha lagu gubbo...Kumuu ahaa Asxaabigii Diinta Gaadhsiiyey Gobolka Arakan?. Warbixin Weriye Cabdicasiis Bashiir Nuur.

0
Friday September 08, 2017 - 02:53:06 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 3376
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxaad ka Og-tahay Taarikhda Muslimiinta Rohinga‬ ee Burma/Myanmar, ku hayso Xasuuq, Kufsi, dhac, Dalka saaris iyo in Nolosha lagu gubbo...Kumuu ahaa Asxaabigii Diinta Gaadhsiiyey Gobolka Arakan?. Warbixin Weriye Cabdicasiis Bashiir Nuur.

    Maxaad ka Og-tahay Taarikhda Muslimiinta Rohinga‬ ee Burma/Myanmar, ku hayso Xasuuq, Kufsi, dhac, Dalka saaris iyo in Nolosha lagu gubbo...Kumuu ahaa Asxaabigii Diinta Gaadhsiiyey Gobolka Arakan?. Warbixin Weriye Cabdicasiis Bashiir Nuur.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maxaad ka Og-tahay Taarikhda Muslimiinta Rohinga‬ ee Burma/Myanmar, ku hayso Xasuuq, Kufsi, dhac, Dalka saaris iyo in Nolosha lagu gubbo...Kumuu ahaa Asxaabigii Diinta Gaadhsiiyey Gobolka Arakan?. Warbixin Weriye Cabdicasiis Bashiir Nuur.
Muslimiinta Rohinga‬ waa Qowmiyad ku nool dalka Burma/Myanmar, oo Maanta lagu hayo xasuuuq iyo gummaad caqiidada Diinta ee ay haystaan la xidhiidha. Waxa lagu gubbaa nolosha, waa la jar-jaraa jidhkooda caruur iyo ciroole looma kala eeggo, maati iyo haween lagama naxo. Haddaba Akhriste waxka baro Taarikhda walaalaheena Rohinga‬ oo åh bulsho Islaam ah, oo laga tiro batay, muddo dheerna dagaal lagu hayey. Hase-yeeshee Maanta xaalkoodu maraayo meel aan loo adkaysan karin oo ay iskugu tageen dawladoodii iyo shacabkii Gaaladda ahaa.
Muslimiinta‬ Burma/Rohinga: Rohinga‬ waa Qowmiyad Muslimiin ah oo ku nool dalka Burma/Myanmar, Muslimiintan Rohinga ee dalka Burma ayaa waxay la kulmayaan xasuuq joogta ah oo ay kala kulmayaan xukumada Militariga kali-taliska ah iyo qowmiyada Budistaha ee ugu tirada badan wadanka Myanmar.
Muslimiinta Burma, waxa loo diiday in loo aqoonsado in ay yihiin Muslimiin wadanka u dhashay, sidoo kale looma ogalayn waraaqaha dhalashada, waxaa loo diidaa in ay safraan, hada ka hor ayay ahayd mar ay dowlada Burma soo rogtay in Muslimiinta Burma aysan 3 sano is guursan karin, taasoo lagu micneyay isir tir.
Wadanka Burma gaar ahaan gobolka Arakan waa gobol Taariikh wayn ku leh muslimiinta, waa wadan ay Muslimiintu soo xukumi jireen, waxana iskaga danbeeyay xukunka 48 Sultaan oo Muslimiin ah, sida lagu soo wariyo Siirada Muslimiinta Gobolka Arakan waxaa furtay markii ugu horaysay saxaabigii Abuu Waqaas RC oo tegey gobolkaas sannadkii 618 A.D,
1430 Markii la jabiyay Budhistiyaashii Burma, Gobolka Arakan wuxuu noqday gobol Islaamku xoog ku leeyahay kaddib markii uu qabsaday‪#‎Sultan‬ Caladdin Muhammad (Banga) oo ahaa Sultaankii jabiyay Gaaladii Budhistiyaasha.
Sannadkii 1982-kii ayay ahayd wakhtigii ugu horeeyay ay dhibka, xasuuqa, kufsiga lagu bilaabay Muslimiinta Burma, wakhtigaas oo ay xukumada Militariga Burma soo saartay sharci cusub oo lagu magac daray ‪#‎Citizenship‬ Law kaas oo dhigaya in Musliiinta Burma aysan xaq u lahayn in ay wadanka Burma ku noolaadan, Isla markana qasab ka dhigayay in ay ka qaxaan wadanka, Sharcigaas oo ay Muslimiintuna ugu magac dareen Criminal Law.
Nolashaa lagu gubaa Muslimiinta Burma, waxaa la boobay hantidoodii waxaa la gubay masaajido fara badan, waxaa loo diiday in ay Hanti yeeshaan, waxaa loo diiday in ay waxbartaan, waxaa loo diiday in ay jaamacada galaan, waxaa loo diiday in ay dibada waxbarasho u aadaan.
Inta badan Warbaahinta Caalamka kama hadasho Xasuuuqa Muslim nacaybka ah ee lagu hayo Qowmiyada Rohinga, mana soo bandhigaan dhibka halka ka jira, taas badalkeedana way qariyaan Muuqaallada dhabta ah iyo Xaqiiqda ka jirta wadanka Burma.
Sidoo kale waxaan sidii la rabay uga hadlin Hayadaha Xuquuqal Insaanka iyo wadamada reer galbeedka ee ku caan baxay marka shacab ama shaqsi gaal ah la dhibaateeyo in ay buun buuniyaan.
Dhibka iyo Gumaadka ay ku jiraan muslimiinta Burma Allaha ka dulqaado waa shacab masaakiimin ah oo loo dhibaateeyo Diinta Muslimka dartii, waa shacab la rabo in la fitneeyo, sababta guurka loogu diidayna wax kale ma aha waa in ay Sinada iyo Fisqigu dhexdooda ku bato iyo in aysan tarmin si ay uga dabar go’aan wadanka Burma taasna badalkeeda wadanka Burma u noqdo wadan 100% ay lee yihiin gaalada Budhistaha ah.
Hadaba Akhristoow Muslimiinta Burma waxaa nolasha lagu gubayay oo la dhibaataynayaa qarniyo, waxay la kulmaan gowrac, kufsi, xasuuq dabar goyn ah caalamkuna indhuhuu ku daawanayaa, waxaase xaqiiq jirta ah hadii ay ahaan lahayeen, shacab gaalo ah, waxaynu arki lahayn Qaramada midoobey oo u dhaqdhaqaaqaysaa. Maanta waxaynu arkaynaa xataa dawladihii islaamku inay afka ka xidheen. Marka laga reebo hoggaamiyaha naxariista jecel ee Islanimaddu dhabka ka tahay ee Turkiga Receb dayib Urgdugon.Uducee in uu Rabbi dhibka iyo xasuuqa ka dulqaado Walaalaheen Burma, muslimiintaa dulman wax kale uma qaban karnee.
W/Q
Wariye Cabdicasiis Bashiir Nuur 
Tel.  0634144434
Hargeysa/Somaliland



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured