Ingiriisku Meesha Uu Awr Marinaayo Irbad buu Ku Dayaa, Siilaanyo-na Deegaamaynta Berbera Waxay La Gashay Masaajidkii Dekeda

0
Monday May 27, 2013 - 08:29:30 in Maqaallo by Super Admin
  • Visits: 1822
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ingiriisku Meesha Uu Awr Marinaayo Irbad buu Ku Dayaa, Siilaanyo-na Deegaamaynta Berbera Waxay La Gashay Masaajidkii Dekeda

    Qormadii 11 aad: Ciyowgii Habeen dhawaaqay Wuxuu Ka Cawduu Dareemay,Caweysinka Haadka Duulay Cadaawihiisuu Ogaaday.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qormadii 11 aad: Ciyowgii Habeen dhawaaqay Wuxuu Ka Cawduu Dareemay,Caweysinka Haadka Duulay Cadaawihiisuu Ogaaday.

Ciyowgii Habeen dhawaaqay Wuxuu Ka Cawduu Dareemay,Caweysinka Haadka Duulay Cadaawihiisuu Ogaaday.

akhristayaashasharafta leh waxaan xasuusin lahaa maah maahdii soomaliyeed ee ahayd hadii aan sacabka xeeladi ku jirin maxaahabeenkii loo tumaa.

intaa kadib waxaan akhristayaasha weydiin lahaa maxaa isku soo beegay markii uu siilaanyo ku fadhiistay kursiga madaxweynimo iyo dagaalkii kalshaale ku dhex maray beelaha reer qori-lugud iyo beelaha reer buuhoodle,iyada oo labadan beelood ay halkaasi wada deganaayeen qarniyo badan ama intii ay jireenba ,hadii aan hadalka soo ururiyana labadan beelood nabad bay ku wada noolaayeen oo ay aagana kuwada daganaayeen xataa hadii lagu daro labaatankii sanno ee ay somaliland jirtay oo ah intii u dhaxaysan bur burkii dawladii dhexe ee somaliya iyo markii uu somaliland uu madaxweynaha ka noqday siilaanyo.

saaxiibayaal su'aashan jawaabteedu way fududahay waxayna muujinaysaa ama markhaati u tahay in mashruucan deegaamaynta aanu ahayn mid ku bilaabmay berbera iyo nawaaxigeeda balse uu ahaa mid ku soo horeeyey bariga somaliland, dagaalkii kalshaale ku dhex maray beelaha reer buuhoodle iyo reer qori-lugudna muu ahayn mid salka ku hayay ama ay sabab u ahayd geel la kala dhacay ama utun iyo aano hore oo la kala tirsanayay waxayse ahayd mid salka ku haysa deegaamayn lagu tilmaami karo in dayaha iyo dugsiga la isku beegay mar hadii labadii kursi ee dalka ugu sareeyey oo ah kursiga madaxweynaha iyo ka gudoomiyaha guurtida ay ku kala fadhiyaan labadan oday ee beesha ka soo wada jeeda ilmaatigana ah waa siilaanyo iyo saleebaan gaal eh ay ku heshiiyeen marka shilimada la cunaayo la iska dhaafo ay dhaxal deegaan uga tagaan beeshooda mudada ay xilka hayaan.

hadaba waxaa cad oo aan qarsoodi ahayn in siilaanyo iyo saleeban gaalba ay fulinayaanhesiishkii ku dhex maray gar adag ,halka isla markaana ay daaqada ka tuureen dastuurkii dalkani lahaa oo ah kii ay iyagu kuraasta ay ku fadhiyaa ku yimaadaan ,waxaana hubaal ah hadii aad jiirka ka owdo oo aad sibidh ku xidho halkii uu gurigaaga ka soo geli jiray shaki kuma jiro in ay jiirka u fududahay in uu dalooshado meel kale oo gurigaaga ka mid ah oo uu ka soo galo.

hadaba saaxiibayaal wax qarsoon may ahayn wixii ka dhacay kalshaale oo siilaanyo iyo saleebaan gaal hortood aan ka dhicin dabadoodna aan ka dhacayn waayo maah maah soomalaiyeedbaa jirta oo tidhaahda Xiniiyo Kuwa Kugu Jira Maaha Ee Waa Kuwa Lagula Bar Bar taagan yahay,Xiniiyaha Meesha marayaana waxay ahaayeen labadan kursi ee ay ku kala fadhiyaan laabdan oday ee ilmaabtiga iyo ilmaadeerkaba ah waa kursiga madaxweynaha iyo ka gudoomiyaha guurtida' e

hadaba markii ay arintu halkaasi maraysay waxa la is tusey in deegaameynta kalshaale iyo nawaaxigeeda ay ka muhiimsan tahey deegaanmeynta berbera iyo nawaaxigeeda oo ah isha dhaqaalaha ee somaliland markaa ka dib ayaa deegaameyntii kalshaale loo soo rarey berbera iyo nawaaxigeeda iyada oo marba shaadh loo soo gelinayo shaadhkaa hore ee loo soo geliyey deegaameynta berbera marka la arko inaaney u soconeynin waa laga bixiyaa oo waxa loo geliyaa shaadh kale waxaynu wada og nahey in ay dhacdey in deegameynta berbera mar loo geliyey shaadh loogu magac darey warshad sibidh markii ay dadweynaha gobolka saaxil gaashaanka ku dhufteena waxa la isku dayey oo shaadhadh badan loo soo gashadey doorashadii golaha deegaanka ee berbera markii doorashadii golaha deegaanka ee berbera wixii laga doonayey laga waayeyna shaadhadh badan oo kale ayaa loo soo gashadey waxaana ugu dambeeyey misaajidka laga dhisey dekeda berbera ee loo bixiyey magaca siilaanyo oo la odhan karo meyd maxaa u dambeeyey iyo kaa la sii sido

talow siilaanyo iyo moorgankiisu hadii ay wax kale xeerin waayeen miyey garan waayeen in is raacida iyo jid wada marka dadka xididka ah ama xilka isu leh laga wanaagsan yahay sidii ninkii isaga oo ay sodohdii wada socdaan dhabarka la isugu xidhay labadoodii ee yidhi waar dadku siduu isu qabanaayo isugu xidha.

Markaa madaxweyne siilaanyo iyo beeshiisu waxay dadaal ugu jiraan sidii ay hantida umada u boobi lahaayeen isla markaana ay deegaamaynta xaaraanta ah ugu fidin lahaayeen magaalada berbera oo ay hadaba si weyn ay uga dhex muuqdan iyaga oo isu dayaya inay hantida qaranka ka dhistaan guryo badan oo loogu talo galay shaqaalaha badan ee laga shaqaalaysiiyey dekedu inay galaan.

Hadaba isku soo wada duuduuboo Ingiriisku Meesha Uu Awr Marinaayao Irbadbuu Ku Dayaa Siilaanyo-na Deegeemaynta Berbera Waxay La Gashay Masaajidkii Dekeda:

Hadaba saaxiibayaal waxaan idinku dhaafayaa mid ka mid ah heesihii ku jiray riwaayadii shabeel naagood ee uu curiyey Abwaankii Xasan Sheekh Muumin codkoodana ay ku wada qaadaan Abdi Muxumed Aamiin iyo Hibo Maxamed( Hibo Nuura) oo khusaynaysa mwduucan aynu ka hadlayno iyo tayo la aanta xukuumada siilaanyo.

DAB DHAXMOODAY!!!

Doc kastoo la eego

Nolosha dunidu waa dabkee

Haddu dabkii dhaxmoodo

Maxaa lagu diiriyaa?

Waa tilmaan la daahoo

Degdeg kuma haboonee!

Adoo deggan u fiirsoo

Ujeedada ideeqsii.

Ruux haddii la doortoo

Darajada la saariyo

Xilkii daryeeli waayo

Dab dhaxmooday weeyee

Waa su aal da weynoo

Madaxa daalinaysee!

Wixii lagu diirinaayo

Dad weynahaa la weydiin

DUR DUR OOMAY !!!

Durdurkaa laga cabbaa

Biyihiis lagu dabaashaa

Hadduu harraad dareem

Darkee laga waraabshaa?

Waa tilmaan la daahoo

Deg deg kuma haboonee

Adoo degan ufiirsoo

Ujeedada ideeqsii!

Ruuxa duunyo haystee

Dahabkana barkanayee

Wixiisii deeqi waayaa

Durdur oomay weeyee

Waa su aal da weynoo

Madaxa daalinaysee!

Darkii laga waraabin

Dadweynahaa la weydiin.

DAWO BUKOOTAY !!!

Qofkii cudur dilaayo

Dawadaa bogsiisee

Haday dawo bukooto

Maxaa lagu dabiibaa?

Waa tilmaan la daahoo

Degdeg kuma haboonee

Adoo degan ufiirsoo

Ujeedada ideeqsii.

Dalaalimada diintiyo

Distoorka iyo xeerka

Haddii dabool lasaaro

Dawo bukootay weeyee

Waa su aal da weynoo

Madaxa daalinaysee

Wixii lagu dabiibi

Dadweynahaa la weydiin

DUFAN BASAASAY !!!

Subaga dufankiisa

Dadku ku dhaashadaane

Hadduu dufan basaaso

Maxaa duxdii ka qaaday

Waa tilmaan la daahoo

Deg deg kuma haboonee

Adoo deggan ufiirsoo

ujeeddada i deeqsi

Isku soo wada duuboo

La Soco Taxanaha qormooyinka danbe.

Qalinka:C/risaaq Suudi Nuur

tel:4425243

Email:suudi88@gmail.com

Hargeysa/Somaliland




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured