Xabsigu Xumaa Aloow Yaa Xirsoow Mar Uun Ku Geeya! Qalinkii Aqoon-Yahay Jaamac Cilmi Jiir

0
Sunday May 26, 2013 - 19:16:12 in Maqaallo by Super Admin
  • Visits: 1345
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xabsigu Xumaa Aloow Yaa Xirsoow Mar Uun Ku Geeya! Qalinkii Aqoon-Yahay Jaamac Cilmi Jiir

    Xabsigu Xumaa Aloow Yaa Xirsoow Mar Uun Ku Geeya! Qalinkii Aqoon-Yahay Jaamac Cilmi Jiir

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xabsigu Xumaa Aloow Yaa Xirsoow Mar Uun Ku Geeya! Qalinkii Aqoon-Yahay Jaamac Cilmi Jiir
Waxay ahayd 17/4/ 2013 habeen ay Khamiis soo galayso saacaduna ku beegnayd 9:00 PM ayaa Ciiddamo ka tirsan Laanta dembi-baadhista ee CID-da oo kaashanaya raxan ka tirsan Ciiddamadda Booliska ayaa aniga oo hor-maraya Hotel Maaweel ee badhtamaha Caasimadda Hargeysa ayaa waxa xaga dambe igaga yimid Askar ka tirsan Ciiddamadda CID-da iyo Boolis, kuwaas oo igu amray inaan xidhanahay, ka dibna waxaan ugu jawaab-celiyay maxaan ku xidhanahay, ka dib waxay igu jawaabeen waxaad Warbaahinta ku faa-fisay qoraalo dacaayad ah oo ka dhan ah Xukuumadda.

Waxay ay la igu xidhay Saldhiga dhexe ee Magaaladda Hargeysa, halkaas oo aan ku xidhnaa muddo laba maalmood ah, ka dib maalin Sabti oo ka mid ah Todobaadkaasi ayaa la i geeyay Maxkamadda si Dacwaddayda igu soo oogaan Xeer-ilaalinta Gobolka iyo Laanta dembi baadhista dembiyadda ee CID-da, ka dibna Su’aalo ayaa la i weydiiyay nuxurkooddu ahaa “Ma Qortay Maqaalkan lagu faa-fiyay Shabakadda HALBEEG”, waxaan ugu jawaabay haa aniga ayaa qoray, waxa la i diray Todoba maalmood oo Rumaan ah oo dib waxa la igu celiyay Saldhiga Dhexe ee Hargeysa.

Todobaadkii markii uu dhamaadday ayaa waxa mar labaad la i keenay Maxkamadda Gobolka Maroodi-jeex, ka dibna Garsoore ka tirsan Maxkamadda Gobolka Maroodi-jeex aya Kiiskaygii la wareegay.

Todobaad kale ayaa hadda-na Saldhiga dhexe ee Hargeysa dib la igu celiyay, iyaddoo markasta aan ka dhur-sugayay in Dacwadda la i haysto dhinac uun ay u dhacdo ama Xoriyadayda lay celiyo ama Xukun igu dhaco.

Todobaad kale markii uu ka soo wareegay Dacwadda la i haystay ayaa maalitii sideedaad, haddana waxa la i keenay Maxkamadda. Xeer-ilaaliyahihii ogayay Dacwaddaydda ayaa Maxkamadda hor-teedda ka akhriyay qodobo u cuskanayay, kuwaas oo ku sheegay kicin Dadweyna, Sharaf dil madaxeed iyo Dawladda oo uu saddex u kala qaybiyay, kuwaas oo uu ku tilmaamay inay kala yihiin Maafyo, Waddaado iyo Malabsadayaal damac leh. Ka dib Garoorihii ayaa Su’aalo i weydiiyay ahaa maxaad isku difaacaysaa, waxaan ku jawaabay “Garsoore waxan ay igu soo oogeen Xeer-ilaalinta iyo CID-da anigu ma qabo, laakiin wixii Maqaalkaasi noqdo ha la igu qaado, waxaan Maxkamadda ka codsanayaa in haddii aan qirtay inaan qoray Maqaalkan in la i khafiifiyo xukuknak igu dhacaya”

Garsoorihii Maxkamadda ayaa ku dhawaaqay Xukunkaygii , waxa la igu qaaday 6 bilood oo xadhiga iyo 600 SL Shiling ah, ka dib Bil iyo lix maalmood ayaan ku jiray Xabsiga dhexe ee Caasimadda Hargeysa, halkaas oo aan muddadii aan ku xidhnaa darsay dhabta ah ee Xabsiga, muddadaasi ka dib waxa la i iibiyey xadhigii.

Haddaba Wasiirka Madaxtooyadda Xirsi Cali X. Xasan oo ah Masuulka koowaad hormoodka ka ahaa Xadhigayga ayay haboonaan lahayd isaga oo Masuul xil Dawladeed haya inuu ila dha-dhamiyo Nolosha ka jirta Xabsiga, isaga oo wakhtigii Xukuumadda Rayaale mar lagu xidhay Xarunta CID-da, hase-yeeshee aan arag Nolosha dhabta ah ee Xabsiga ka jirta, iyadda oo ay yaraan lahayd xadhiga uu kula kaco Mawaadiniinta aragtiyadooda ku cabira hogaamintiisa ee haddaba soo bandhiga dhaliilaha uu leeyahay.

Qalinkii Aqoon-Yahay Jaamac Cilmi Jiir

Hargeysa Somaliland.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured