Sekeriya Mustafe Cabdi Cartan waa Ciyaaryahan Somalilander ah oo 9-ka u sita Kooxda Toronto fc oo ay Maanta dhex-martay Ciyaar aad u Xiiso badani Kooxda kale ee Juventus iyo Guushii uu Horseedka u noqday Laacibkan da'da yari…

0
Saturday August 26, 2017 - 01:23:32 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 2543
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sekeriya Mustafe Cabdi Cartan waa Ciyaaryahan Somalilander ah oo 9-ka u sita Kooxda Toronto fc oo ay Maanta dhex-martay Ciyaar aad u Xiiso badani Kooxda kale ee Juventus iyo Guushii uu Horseedka u noqday Laacibkan da'da yari…

    Toronto(Xogreebnews)-Sekeriya Mustafe Cabdi Cartan waa Ciyaar-yahan Somaliyeed, khaasatana u dhashay Somaliland, waxanu uu Ciyaara kooxda Toronto FC, isaggoo u qaataa 9-ka, waxanu intaa badan ku calamadsan yahay guulaha kooxdiisu gaadho libinteedda k

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Toronto(Xogreebnews)-Sekeriya Mustafe Cabdi Cartan waa Ciyaar-yahan Somaliyeed, khaasatana u dhashay Somaliland, waxanu uu Ciyaara kooxda Toronto FC, isaggoo u qaataa 9-ka, waxanu intaa badan ku calamadsan yahay guulaha kooxdiisu gaadho libinteedda ku suntan. Sidoo kale, waa laacib akhlaaqdiisu aad u wanaagsan tahay oo aan xanaaqin, isla markaana farxad badan oo aan marna mooraal-jabin.

Toronto(Xogreebnews)-Sekeriya Mustafe Cabdi Cartan waa Ciyaar-yahan Somaliyeed, khaasatana u dhashay Somaliland, waxanu uu Ciyaara kooxda Toronto FC, isaggoo u qaataa 9-ka, waxanu intaa badan ku calamadsan yahay guulaha kooxdiisu gaadho libinteedda ku suntan. Sidoo kale, waa laacib akhlaaqdiisu aad u wanaagsan tahay oo aan xanaaqin, isla markaana farxad badan oo aan marna mooraal-jabin.

Ciyaar-yahan Mustafe Cabdi Cartan oo ilayo 12-jir kiisi ahaa ciyaar-yahan, ayaa waxa uu hadda u ciyaaraa Kooxda Under 17 Toronto FC, isla markaana waxa uu noqday weerar yahan halis badan ku haya cidda ay wada ciyaarayaan. Laacibkan Soomaaliyeed Sekeriye ee da’da yar, isla markaana hadda 9-ka u sita Kooxda Toronto Fc, ayaa ah shaqsi ay kalsooni aad u weyn ay ka qabaan maamulka Kooxdu, hadii uu kubadda cagta la helo inuu inta badan faa’ido iyo midho dhal ka keeno.

Ciyaar-yahan Sekeriye waxa uu Maanta 26/8/2017-ka isagoo hoggaaminayo kooxdiisa Toronto FC la ciyaaray Ciyaar-saaxibtimo ah kooxda Juventus ee dalka Talyaaniga oo booqasho ugu tagtay dalka Kanada, gaar ahaana Magaaladda Toronto, waxanay labada kooxoodba soo bandhigeen ciyaar aad u heer-saraysaa, isla markaana ah weerar iyo weerar celis, iyadoo jawiga ciyaartuna ahaa mid xamaasadiisa leh, ayay haddana labada kooxoodba waxay isku dayeen inuu midba midka kale ka baddiyo, hase-yeeshee waxay Ciyaartu ku dhamaatay waqtigii rasmiga ahaa ee loogu talo galay, barbaro 2-2 ah. Waxana labada gool u dhaliyey Kooxda Toronto fc laacibka Soomaaliyeed ee Sekeriya Mustafe Cabdi Cartan.

Image may contain: 2 people, people playing sports and outdoor


Waxana barbaro, kaddib garsoorkii ciyaarta dhex-dhexaadinaayey uu u qabtay Rigoodhayaal, waxanay rigoodhayaashii guushi ku raacday Kooxda Toronto fc, sidaasna waxa ku dabaal-degay kooxda Toronto fc oo u guusha u horseeday Laacibka Somalilanderka ah ee Sekeriya Mustafe Cabdi cartan. Inkastoo ciyaartani ahayd mid aad u xiiso badan oo ay daawashadeeda kasoo qaybagleen kumanaan dadweyne ah oo kala duwan, ayaa hadana dadkii daawanayey Ciyaartan kamid ahaa waalidiinta dhalay Ciyaar-yahanka Soomaliyeed Sekeriye Mustafe Cabdi cartan oo Maanta ay aabihii Mustafe Cabdi Cartan iyo Hooyadii daawanayeen, iyagoo la qaybsaday farxadii uu hormuudka ka ahaa ee u gaadhsiiyey kooxdiisa Toronto Fc.

Geesta kale, Wiilkan ciyaartoyga ah ee Somalilanderka ah, waxa dhalay Siyaasiga caanka ah ee Mustafe Cabdi Cartan oo ah Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye ee North America, kaasoo laftiisa ah shaqsi xidhiidh qoto dheer la leh dawlada caalamka iyo sidoo kale dalalka Canada iyo USA.

Image may contain: 2 people, people playing sports and outdoor

Si kastaba ha ahaatee, Ciyaaryahan Sekeriya Mustafe Cabdi Cartan, waa Ciyaar-yahan Somalilander ah oo aad u firfircoon, isla markaana leh Mustaqbal wanaagsan oo xagga Ciyaaraha ah, wallow uu aad u da’yar-yahay, haddana waxa uu soo bandhigga hibbo ciyaareed ku dayasho mudan, kaasoo inta badan Kooxdiisa FC Toronto u horseeda guulo waaweyn oo ay gaadho xilliyo badan.

Image may contain: 1 person, standing, night and outdoorImage may contain: 4 people, people smilingImage may contain: 2 people, people smiling, people on stage and outdoor



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured