Jagada Gudoomiyaha Kulmiye Muuse Biixi Haku Wareejiyo Wasiir Cali Mareexan Marka uu Noqdo Madaxweyne... Dhaxalka Gudoomiyenimada Kulmiye Nin Shaqeystaybaa Leh Cali Mareexan 18-sanadood Ayuu Kulmiye Usoo Halgamayey Guulihiisa, hadana Tiisi ayaa soo dhow!!!. W/Q Farxan Guuled Warsame.

0
Sunday August 13, 2017 - 03:20:24 in Maqaallo by Super Admin
  • Visits: 1745
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Jagada Gudoomiyaha Kulmiye Muuse Biixi Haku Wareejiyo Wasiir Cali Mareexan Marka uu Noqdo Madaxweyne... Dhaxalka Gudoomiyenimada Kulmiye Nin Shaqeystaybaa Leh Cali Mareexan 18-sanadood Ayuu Kulmiye Usoo Halgamayey Guulihiisa, hadana Tiisi ayaa soo dhow!!!. W/Q Farxan Guuled Warsame.

    Jagada Gudoomiyaha Kulmiye Muuse Biixi Haku Wareejiyo Wasiir Cali Mareexan Marka uu Noqdo Madaxweyne... Dhaxalka Gudoomiyenimada Kulmiye Nin Shaqeystaybaa Leh Cali Mareexan 18-sanadood Ayuu Kulmiye Usoo Halgamayey Guulihiisa, hadana Tiisi ayaa soo dh

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Jagada Gudoomiyaha Kulmiye Muuse Biixi Haku Wareejiyo Wasiir Cali Mareexan Marka uu Noqdo Madaxweyne... Dhaxalka Gudoomiyenimada Kulmiye Nin Shaqeystaybaa Leh Cali Mareexan 18-sanadood Ayuu Kulmiye Usoo Halgamayey Guulihiisa, hadana Tiisi ayaa soo dhow!!!. W/Q Farxan Guuled Warsame.
Cali Maxamed Xasan (Cali Mareexan) Waa Wasiirka ugu waxqabadka badan golaha Xukuumadda Madaxweyne Axmed Siilaanyo, waa Siyaasi aan guur-guurin, waa Shaqsi aan weligii lagu xammaan Siyaasadda laba gar-daaqnimada. Sidoo kale waxa uu ahaa mudane ka tirsanaa golaha Wakiiladda muddo dheer, isla markaana waxa lagu xasuusta inuu ahaa Xildhibankii ugu waxqabadka badnaa mudanayaasha Baarlamaanka oo dhan.
Sida aan soo sheegnay Wasiir Cali Mareexan waa Siyaasi himilladiisu tahay guul uu Mar kale gaadhsiiyo Xisbigiisa Kulmiye, waxa uu daacad ka yahay inuu soo baxo Musharraxa Xisbiga Kulmiye Md. Muuse Biixi Cabdi. Wasiir Cali Mareexan waa shaqsi Run sheeg badan, maha danneeyste beenaale ah, balse waa siyaasi Alla ka cabsi badan oo ka xishooda waxyaabo munaaqada iyo wixii lamid ah.
Wasiir Cali Mareexan waxa uu Kamid yahay, aas-aasayaashii Xisbiga Kulmiye lasoo bilaabay, waxanu noqday Gudoomiyihii Kulmiye ee gobolka Togdheer, sidoo kalena waxa uu Kamid ahaa xubnihii ugu horreeyey ee golaha dhexe ee Xisbiga Kulmiye.  Waxa kaloo uu noqday Xildhibankii ugu codka badnaa ee mudanayaashii laga soo doortay gobolka Togdheer. Isagoo kasoo baxay Xisbiga Kulmiye, muddo ku dhow 10-Sanadood ayuu Wasiir Cali Mareexan ahaa Xildhiban Kulmiye ah oo golaha Wakiiladda ku jira.
Wasiir Cali Mareexan waxa uu hadda geed-dheer iyo mid gaaban-ba u fuushan yahay inaan Codka beesha Bariga ee u kasoo jeedo cidi kula tartamin Musharraxa Kulmiye Muuse Biixi Cabdi kamana seexdo habeen iyo dharaar ka midho dhalinta arrinka guusha Muuse Biixi, waana Siyaasiga keliya ee beeshaas kasoo jeeda ee Maanta daacadda u ah guul uu gaadho Musharrax Muuse Biixi Cabdi.
Sidaas daraadeed, waxan halkan fariin ugu gudbinaya Musharraxa Kulmiye Md Muuse Biixi Cabdi, anigoo kula talinaya inuu Wasiir Cali Mareexan yahay shaqsiga keliya ee ugu haboon ee marka uu Muuse Biixi Ku fadhiisto Kursiga Madaxweynaha Somaliland, Cali Mareexanna uu noqon doono Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye, wanu sii shaqaystay, maalinna kamuu talin Guuldarro Muuse Biixi soo gaadha, ama Xisbiga Kulmiye ba.
Mudane Cali Mareexan waa u usoo samray dhaxalka jagada Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse dabadiina cid kaga xaq lehi ma jirto. Waanu noqon doonaa insha alla maalin aan dheerayn, mana jirto cid kaga haboon oo u qalanto guusha dabadeed inay Kulmiye Musharrax ka noqoto. Musharrax Muuse Biixi waxan kula dardaarmayaa inuu jagada Gudoomiyaha wareejiyo marka uu guuleysto mustaqbalka dhow, kuna wareejiyo Mudane Cali Mareexan. Ilahay ayaan ka suggaynaa guusha Muuse iyo Wasiir Cali Mareexan, ee Alla ha inaggu simo Maalma dhow.
W/Q Farxan Guuled Warsame.
Farxangul@gmail.com
Hargeysa/Somaliland.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured