Xoghayaha Dawlada hoose ee Berbera Cabdikariin Aadan Cadde Dhaqan iyo Dabeecad Uma Laha oo Ilahay Wuu og-yahay Admiguna wuu Og-yahay In Aanu shaqo ku lahayn Been abuurka Dira-diraaleyaasha, Wasiir Maxamuud Xashi-na Waa Il Iyo Diirkeed, Xil-na Laguma Helo Cayda Masuuliyiinta!!!. W/Q Farxaan Guuleed Warsame.

0
Wednesday August 09, 2017 - 04:00:19 in Maqaallo by Super Admin
  • Visits: 1893
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xoghayaha Dawlada hoose ee Berbera Cabdikariin Aadan Cadde Dhaqan iyo Dabeecad Uma Laha oo Ilahay Wuu og-yahay Admiguna wuu Og-yahay In Aanu shaqo ku lahayn Been abuurka Dira-diraaleyaasha, Wasiir Maxamuud Xashi-na Waa Il Iyo Diirkeed, Xil-na Laguma Helo Cayda Masuuliyiinta!!!. W/Q Farxaan Guuleed Warsame.

    Xoghayaha Dawlada hoose ee Berbera Cabdikariin Aadan Cadde Dhaqan iyo Dabeecad Uma Laha oo Ilahay Wuu og-yahay Admiguna wuu Og-yahay In Aanu shaqo ku lahayn Been abuurka Dira-diraaleyaasha, Wasiir Maxamuud Xashi-na Waa Il Iyo Diirkeed, Xil-na Laguma

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xoghayaha Dawlada hoose ee Berbera Cabdikariin Aadan Cadde Dhaqan iyo Dabeecad Uma Laha oo Ilahay Wuu og-yahay Admiguna wuu Og-yahay In Aanu shaqo ku lahayn Been abuurka Dira-diraaleyaasha, Wasiir Maxamuud Xashi-na Waa Il Iyo Diirkeed, Xil-na Laguma Helo Cayda Masuuliyiinta!!!. W/Q Farxaan Guuleed Warsame.

Shaqsiyaad Xil-doon ah oo gacan-saar la leh hoggaamiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani Xirsi Cali Xaji Xasan, isla markaana waqtigii uu ahaa Wasiirka Madaxtooyadda ahaa xil ka hayey Dawlada hoose ee Magaaladda Berbera,hase-ahaatee musuq-maasuq iyo xil-gudasho la’aan awgeed lagaga eryey shaqada, ayaa bilaabay cay, aflagaado iyo baahinta Warar been abuur ah oo lagu bartilmaameedsanaayo Xoghayah fulinta Dawladda hoose ee Magaaladda Berbera Md. Cabdikariin Aadan Cadde.

Shaqsiyaadka xil-doonka ah, ayaa bishii hore badhtankeedi baahiyey War aan sal iyo raad-toona lahayn oo lagu faddeexadeynaayo Xoghayaha Dawladda hoose ee Magaaladda Berbera Md. Cabdikariin Aadan Cadde. War kaasoo markii baadhitaano ay Warbaahinta madaxa-banaani ku samaysay noqday War aan sal iyo raad-toona lahayn, hase-yeeshee ay si qarsoodi ah Saxaafadda Emeil ugu kala direen shaqsiyaad iskugu jiraa kuwo dano shaqsi ka leh dawlada hoose ee Magaaladda Berbera iyo sidoo kale xubno xil doon ah, oo iyagga hun-guri ka hayo mansabka Xoghayaha Dawlada hoose ee Degmada Berbera. Wallow Saxaafaddu markii dambe si cad u joojisay baahintiisa, isla markaana raali-gelin ka siisay xoghayaha Dawlada hoose ee Magaaladda Berbera Md. Cabdikariin Aadan-cadde.

Kooxdani Xalay saacadihii dambe ayey mar kale, Warbaahinta usoo direen War been abuurad ah oo aan sal iyo raad-toona lahayn, isla markaana lagu wan-jalaayo Xoghayaha Dawlada hoose, waxanu nuxurka Warkooda ay usoo naqshadeeyeen isku dir iyo isku dhac inay ka dhex abuuran Wasiirka Madaxtooyadda Jamhuuriyadda Somaliland Md. Maxamuud Xaashi Cabdi iyo xoghaye Cabdikariin Aadan cadde, oo iyaggu ah laba shaqsi oo saaxibtimadooda ay u dheer tahay wada-shaqeyn wanaagsan.

Haddaba, waa kuma Ninkan ay dacaayadeynayaan kooxdani, bulshaddu kooxda Warkeeda sidday u aragtaa. Xoghaye Cabdikariin Aadan Cadde waa shaqsi dhawr-soon oo Alle ka cabsi badan, isla markaana shaqadiisa mooye aan ku milmin wax kasta oo kale. Sidoo kale Xoghaye Cabdikariin Aadan Cadde dhaqan iyo dabeecad toona uma laha isku dirta iyo masuul laba wajiileyn lagula shaqeeyo. Mana geyo runtii been abuurka kooxdani faafinnayso.

Xoghaye Cabdikariin Aadan Cadde waa shaqsi aqoon leh, oo dhaqaale yahan ah, isla markaana Ilahay Hibbo u siiyey Hal-abuurnimo iyo karti, waxay Bulshada aqoonta u leh Xoghaye Cabdikariin Aadan Cadde ku siffaysaa adoon Saalix ah oo ka fog munaafaqad iyo waxkastaa oo wax u dhimmaaya Aakhiradiisa, waa adoon Cibbaado badan.

Guntii iyo gebo-gebadii, Ninka u him iyo dig leh hebel intaad wajasho, ayaad xilkiisa ku fadhiisan doontaa, waxan xasuusin laha Ilahay inuu bixiyo ersaaqda iyo sidoo kale mansabyada aduunka. Waxanan uga diggi lahaa kooxdan been abuurka iyo dira-diraalenimada caaddeysatay in aanay ku dhicin Ciqaab daran oo ku dhacda If iyo aakhiroba. Sidaas daraadeed waxan idinkula talin lahaa inaad hadii aad shaqo doon tihiin u martaan dariiq caafimaad qaba, hase-yeeshee wanjalaad hebel laguma helo mansab, oo qofka xaasidkiisu bato Ilahay uu usii laban-laaba wax kastaa ee oggaada. Waxan halkan raali gelin uga dirayaa Xoghayaha Dawladda hoose ee lagu geffay iyo Saaxibkii Wasiirka Madaxtooyadda Md. Maxamuud Xaashi, waxanan leeyahay isku duubnaada weligiin, labadiinuba waxaad tihiin waayo arag ilbax ku ah munaafaqadda kasoo baxaysaa xertii xirsi ku tabo-baray hantida Umada. La soco qaybaha dambe.

Qalinkii

Farxaan Guuleed Warsame.

Hargeysa/Somaliland 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured